Home » Horyaalada » La liga » Chelsea Oo Qiimaha Thibaut Courtois Ku Wargalisay Kooxaha Athletico Madrid & Barcelona

Chelsea Oo Qiimaha Thibaut Courtois Ku Wargalisay Kooxaha Athletico Madrid & Barcelona


courtois-barca-sc490ai_1Kooxda Chelsea ayaa warbixin ugu sheegtay kooxda Athletico Madrid in goalhayaha ay qaabka amaahda ha ku heysato ee Thibaut Courtois uu xagaaga dambe ku biirayo Chelsea ama ay ku iibinayaan €24 Million.

Athletico Madrid ayaa haatan qaab amaah ah ku heysata Thibaut Courtois taasoo ka dhigan inuu Sadex sano ku qaadanaayo Spain.

Kooxda Chelsea  ayaan u dulqaadan doonin amaah intaan ka badan oo xidigaan uu ku qaato A. Madrid, inkastoo wiilkaan uu sheegay inuusan dooneyn Stamford Bridge madama uu keyd u gali doono Peter Cech hadii uu yimaado.

Chelsea ayaa dooneysa iney hesho €24 Million si ay milkiyada xidigaan ugu wareejiso A. Madrid ama Barcelona oo wiilkaan daneynaya, waxaana doonista ugu badan ay ka imaaneysaa Barcelona.

Barcelona ayaa weyneysa xagaagan goalhayaheda Victor Valdes kaas oo Monaco u socda isla markaana ay suuqa ka raadineyso goalhaye u badala Valdes.

21-jirkaan heerka caalami ayaa doonaya inuu boos joogta ah helo waxaana uu doonaya inuu kasoo muuqdo yurub mudo badan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close