Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Liverpool Kula Soo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Xulka Argentina Marcos Rojo

Chelsea Oo Liverpool Kula Soo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Xulka Argentina Marcos Rojo


Rojo

Kooxda Chelsea ayaa u weecatay soo xero galinta daafaca tayada wanaagsan ee garabka bidix kaga cayaaro xulka Argentina Marcos Rojo xidigan ka tirsan naadiga Sporting Lisbon ayaa qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigay xili cayaareedkii hore horyaalka Portugal haatana koobka aduunka ayuu isku muujiyay waxaana dadaal oogu jirtay saxiixiisa naadiga Liverpool oo baahi weyn u qabto xidig garabka bidix ku wanaagsan balse haatan Blues ayaa loolanka xidigan kusoo biirtay waxayna midaas sababi doontaa in qiimahiisa uu sare u kaco.

24-jirkan ayaa soo jiitay macalin Jose Mourinho waxayna Chelsea haatan isku diyaarinee inay wada xaajood rasmi ah la furto kooxda Lisbon sidoo kale wakiilka daafacan Carlos Goncalves ayaa aqbaartan soo dhaweeyay wuxuuna yiri “sharaf weyn ayay noo tahay in Chelsea ay nala soo xariirto balse haatan waxba kama hadli karno madaama Rojo uu koobka aduunka ku mashquulsan yahay waxaana sadaalinaa inuu xagaagan koox Yurub caan ka ah ku biiri doono”

Rojo qandaraaska uu kooxda Sporting Lisbon ula jiro ayaa ku eg sanada 2016 waxaana qandaraaskiisa lagu jebin karaa €30m si ay kooxdiisa sheegtay balse suuqa Yurub waxaa lagu hadal hayaa in daafacan awooda badan lagu heli karo xagaagan wax ka badan €10m sidaa darteed Rojo wuxuu usoo dhaqaaqi doonaa kooxaha Chelsea iyo Liverpool midkood xagaagan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close