Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Heshiiska Tiago Mendes Todobaadka Nagu Soo Fool Leh Dhameestiri Doonto

Chelsea Oo Heshiiska Tiago Mendes Todobaadka Nagu Soo Fool Leh Dhameestiri Doonto


Tiago

Ruud cadaaga reer Portugal Tiago Mendes ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah dib ugu soo laabto garoonka Stamford Bridge bilaaga todobaadka dambe, xidigan ayaa aqbalay heshiis ay Chelse usoo bandhigtay wuxuuna ku faraxsan yahay inuu ka hoos shaqeyn doono macalin Jose Mourinho, Tiago qandaraaska uu kooxda Atletico Madrid kula joogay wuxuu soo idlaaday bilawgii bishan sidaa darteed xor ayuu u yahay naadigii uu doono inuu ku biiro inkastoo uu markii hore niyada ku haayay inuu u dhaqaaqo horyaalka Turkiga madaama ay kooxda Besiktas heshiis wanaagsan usoo bandhigtay hadana fariinta ay Chelsea usoo dirtay ayuu wax walbo ku joojiyay wuxuuna doonayaa xili cayaareedkan inuu Premiership-ka England kasoo muuqdo.

333-jirkan mudo hal sano ah ayuu ka hoos shaqeeyay macalin Jose Mourinho xili cayaareedkii 2004/05 kadibna wuxuu qayb ka noqday heshiiskii ay Chelsea kaga soo qaadatay naadiga Lyon Michael Essien sidaa darteed ku dhawaad 10-sano kadib ayuu Chelsea kusoo laaban doonaa waxaana la sheegay in todobaadka nagu soo fool leh inuu xidigan heshiis 2-sano ah qalinka ku duugi doono, Tiago Mendes ayaa ka mid ahaa xidigahii ugu muhiimsanaa kooxda Atletico Madrid kuwaas oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday u horseedeen hanashada La Ligha sidoo kalena kama dambeesta koobka horyaalada Yurub soo gaarsiiyeen, wargeska El Mundo Deportivo ayaa sheegay in wakiilka Tiago uu haatan ku sugan magaalada London si uu heshiiska xidiga u dhameestiro wuxuuna wargeskan sheegay in kubad bur buriyahan bilaawga todobaadka dambe saxaafada loo soo bandhigi doono asigoo xiran maaliyada Buluuga ah ee Chelsea caan ku tahay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close