Home » Horyaalada » League 1 » Chelsea Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaari Rabta Xidig Ka Tirsan Kooxda Paris Saint Germain

Chelsea Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaari Rabta Xidig Ka Tirsan Kooxda Paris Saint Germain

But-de-Blaise-Matuidi-PSG-2-0-Brest

Kooxda Blues ayaa ku guuleesan rabto sidii ay gacanta ugu dhigi laheed kubad bur buriyaha xulka France iyo naadiga PSG Blaise Matiudi madaama xidigan uu go’aansaday inuu caasimada dalka France isaga tago, laacibkan oo sabab u ahaa xili cayaareedkii hore inay PSG ku guuleesato Ligue 1 France ayaa lagu wadaa marka la gaaro sanadka cusub uu heshiis hordhac ah la gaaro kooxda Chelsea kadibna marka uu xili cayaareedkan dhamaado uu magaalada London usoo dhaqaaqo.

Sida laga soo xigtay wargeska Daily Star kooxda Chelsea ayaa si lacag la’aan ah kula soo saxiixan doonto 26-jirkan madaama uu ku wanaagsan yahay khadka dhexe waxayna Chelsea iska fasixi doontaa xidigaha kala ah John Obi Mikel iyo Michael Essien oo ku fashilmeen xili cayaareedkan inay Jose Mourinho qanciyaan.

Matiudi ayaa aad ugu faraxsan inuu macalin Jose Mourinho lasoo xariiray waxaana lagu wadaa in xidigan uu heshiis 4-sano ah Chelsea u saxiixo marka la gaaro bisha Janaayo balse uu si rasmi ah garoonka Stamford Bridge ugu soo dhaqaaqo marka la gaaro bisha June ee sanadka dambe, macalinka kooxda PSG Laurent Blanc ayaa qirtay in kooxdiisa ay lumin rabto mid ka mid ah kubad bur buriyayaasha ugu wanaagsan qaarada Yurub wuxuuna Blanc sheegay in Paris ay ku guul dareesatay sidii ay xidigan heshiis cusub kaga saxiixi laheed.

Ka hor inta uusan Matiudi imaamin naadiga PSG wuxuu 4-sano oo aad u wanaagsan kusoo qaatay kooxda Saint-Etienne balse marka uu xili cayaareedkan dhamaado wuxuu shaqadiisa cayaareed kasii wadan doonaa Premiership-ka England.


Waxaa Aqrisay: (152)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>