Kooxda Everton ayaa kooxda Chelsea Dhadhansiiyey Guuldaradii ugu horeysay ee HOryaalka Premier League kadib markii ay ku garaacday 1-0 iyadoo daqiiqadii lagu daray Dhamaadkii Qeybtii hore ee cayaarta gool ka dhalisay Kooxda Chelsea.
Kulankaan oo aad u xiiso badneyn oo uu si wanaagsan uga muuqday Laacibka Cusub ee Chelsea Eto’o ayeysan Chelsea u suurta gelin inay hesho gool, taas badalkeedna Everton ayaa Daqiiqad lagu daray Dhamaadka Qeybtii hore ee Cayaarta Jaanis u hesho inay gool madaxa lagu dhaliyey u saxiibo Laacibkeeda Martinez (Alla Maxay Aheyd Xilli Gool la dhaliyo!!) ayey Cinwaan uga Dhigtay Jariirada Daily Mail.
Kulankaan ayaa lagu Soo Bilaabay Matta oo Maalmihii ugu dambeeyey lagu iloobay Kursiga Keyd wuxuuna muujinayaa inuu muhiim u yahay Chelsea kadib markii uu ka shaqeeyey Baasas badan inkastoo aysan suurta gelin inay Dhashaan.
Markii la isku soo laabtay Eto’o ayaa kooxda Chelsea ka khasariyey Dhower Fursadood oo u ekee Gool inkastoo uu uu dadaalay haddana sidii Taageerayaasha Chelsea ku qanacsanaayeen Ma uusan sameyn.
ayaarta ayaa isku badashay Weerar iyo Weerar Celis markii ay Chelsea isku dayday inay keento Goolka Barbardhaca Laakiin Everton ayaa soo bandhigay Kubad Weerar iyo Difaac ah iyadoo Diiday in wax gool ah shabaqeyda la taabsiiyo.
waxayna cayaarta ku idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Everton.