Bidix {Kylian} Dhexda {Eden} Midig {Throgan} Waa Sadexda Hazard ee ay Chelsea isku keeni rabto
Kooxda Blues ayaa il ka fahantay qoyska reer Hazard iyadoo doneysa markaan midkii sadexaad waxeyna markaan u dhaqaaqeen Kylian oo ah wiil 18-jir ah oo ka yar labada xidig ee Eden & Throgan.
Blues ayaa horay u heysatay Eden Hazard oo ay Lille ka keentay 2012 halka Throgan oo amaah kaga maqnaa xili ciyaareedkii dhamaaday ay ka keentay horyaalka Belgiumka balse markaan waxey dooneysaa iney kusoo biiriso kooxda midkii sadexaad.
Kylia aya haatan ka tirsan kooxda Zulte-Waregem waxaana looga gacan haatinayaa Stamford Bridge.
Throgan Hazard wuxuu xili ciyaareedkii dhamaaday ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan horyaalka Belgiumka halka Eden Hazard uu ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan Chelsea iyo Da’yarka ugu wanaagsan Premier League.