Kooxda galbeedka London ka dhisan ayaa isku dayeysa iney si rasmi ah ula wareegto daafaca reer England Luke Shaw iyadoo ka afduubeysa saxiixiisa kooxda Manchester United oo ugu cad-cad.
18-jirka reer England ayaa u muuqanaya mid heshiis la gaaray Man United madama labada kooxood ay ku heshiiyeen £27million inuu ku tago xidigaan garoonka Old Trafford. Si Kastabha Chelsea ayaa Luke Shaw la dooneysa booska uu baneeyay Ashley Cole oo kooxxda isaga tagay kadib markii uu heli waayay heshiis kordhin.
Southampton ayaa noqon doonta meel lagu kala guuro marka uu furmo suuqa kala iibsiga iyadoo kooxda ay faarujin doonaan Dejan Lovren, Morgan Schneiderlin, Jay Rodriguez, Calum Chambers iyo and Victor Wanyama kuwaas oo dhamaan loo maleynayo iney heleen dalabyo sax ah.
Dhanka kale kooxda Manchester City ayaa dooneysa daafaca gabowga ah ee Man City Ashley Colen kaas oo shaqo la’aan ah, madama Kolorov lala xiriirnayo kooxo ka dhisan dalka talyaaniga.