Home » Horyaalada » Bundesliga » Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah U Gudbisay Naadiga Stuttgart Sidii Ay Kaga Heli Laheyd Daafaca Dhalinta Yar Antonio Rudiger

Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah U Gudbisay Naadiga Stuttgart Sidii Ay Kaga Heli Laheyd Daafaca Dhalinta Yar Antonio Rudiger


rudiger

Kooxda Chelsea ayaa si toos ah ula xariirtay dhigeeda VFB Stuttgart waxayna kala hadashay qaabkii xagaagan looga iibin lahaa daafaca dhalinta yar Antonio Rudiger.

Warges kasoo baxo magaalada Stuttgart ee lagu magacaabo Stuttgarter Nachrichten ayaa sheegay in Blues ay dalab £12.8m u gudbisay naadiga reer Jarmal kana war sugeyso in dalabkan laga aqbalo.

Macalin Jose Mourinho ayaa baadi goob ugu jiro daafac tayo wanaagsan madaama uu doonayo inuu xili cayaareedka dambe difaacyo EPL.

Sidaa darteed Antonio Rudiger ayuu doonayaa inuu gacanta kusoo dhigo madaama daafacan dhalinta yar uu hormar weyn sameeyay 12-bilood ee ugu dambeesay sidoo kalena xulka Jarmalka loogu yeeray.

Sidoo kale Antonio Rudiger wuxuu dalabyo kala duwan ka heestaa kooxaha VFL Wolfsburg iyo FC Porto balse isaga wakiilkiisa waxay ka warsugayaan dalabka Chelsea iyo sida ay kooxdooda Stuttgart uga jawaabi doonto.

22-jirkan ayaa xili cayaareedkii dhawaa Stuttgart u saftay 35-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna u dhaliyay 2-gool sidoo kalena xulka Jarmalka ilaaa haatan 6-kulan ayuu u saftay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>