Wargeska El Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay haatan dhigeeda Arsenal kula soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka dhalinta yar ee Barcelona ka tirsan Munir El Haddadi.
Arsenal si joogto ah ayay ula xariirtaa weeraryahankan dhalinta yar iyo wakiilkiisa tan dhamaadkii xili cayaareedkii dhawaa waxayna ku rajo weyn tahay inay Barcelona ka iibiso xagaagan.
Balse haatan culees dhanka Chelsea ayuu kaga imaan doonaa madaama macalin Jose Mourinho uu doonayo inuu Munir xili cayaareedka dambe siiyo fursad uu iska muujiyo.
Munir El Haddadi iyo Barcelona xiriir wanaagsan kama dhaxeeyo madaama uu xidigan diiday inuu u cayaaro kooxda heerka labaad ee Barcelona wuxuuna dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.
Sidoo kalena macalin Luis Enrique ayaa u sheegay Munir El Haddadi inuu ku qanco kursiga keydka xili cayaareedka dambe marba hadii ay Camp Nou ku sugan yihiin Messi, Neymar iy Suarez.
Sidaa darteed Munir wuxuu kooxdiisa ku cadaadinayaa inay dalabyada Arsenal iyo Chelsea ka jawaabto si uu xagaagan isbadal u sameeyo.
Inkastoo Munir El Haddadi uu weli dhalin yar yahay hadana Barcelona waxay xidigan ku dooneysaa 35-milyan oo euro ah waana qiimo aad u sareeyo marka loo fiiriyo doorka uu haatan Barcelona ku leeyahay.