Caawa waxaa daaha laga qaadi doonaa tartanka Champions League wareegiisa Semi Finalka waxaana isku hardin doona kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea lugta hore ee tartanka kulankaas oo ka dhaci doona garoonka Vincent Calderon.
Kooxda martida ah ayaan heysan Ivanovic oo ganaax kaga maqan halka Eden Hazard shaki weyn la galinayo safashadiisa kulankaan, Andre Schurrle ayaa nasiib u yeelan doona inuu kusoo bilowdo.
Sadex Meelood Ayaa Laga Soo Calameeyay oo ay ku kala badin karaan Labadaan Kooxood:
DIEGO COSTA v JOHN TERRY
Kooxda Chelsea ayaa ka warqabta tayada uu leeyahay weeraryahanka asal Brazilka ah balse qaatay dhalashada Spain ee Diego Costa iyagoo fiiro gaar ah u yeelan doona caawa waxaana il gooni ah ku heyn doona halyeeygooda John Terry.
Tayada iyo waxqabadka labadaan xidig waa qeyb ka mid ah natiijada ciyaarta iyadoo Bransilav Ivanovic uu ganaax ku maqan yahay.
KOKE v CESAR AZPILICUETA
Wiilasha reer Spain ayaa caawa garabka isku heli doona waana arin xiiso gaar ah leh ka hor koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona June sanadkaan waxaana uu daafacaan reer Spain Cesa Azpilicueta uu ciyaari donaa daafaca midig.
Labadaan xidig ayaa saameyn ku yeelan kara ciyaarta waa hadii mid ka mid ah uu waxqabadkiisa ka tayo wanaagsanaado kan kale inkastoo faa’iidada ay ku xiran tahay dhalinta goolasha.
TIAGO v WILLIAN
Khadka Dhexe waxbaa ka dhici doona marka ma daalaha reer Brazil Willian uu wajaho xidigii hore Chelsea Tiago Mendez kaas oo reer Portugal ah waana dagaal yahan ku dheereeya sida la isaga caabiyo qofka soo wajahaya.
Iyagana waa qeyb ka mid ah go’aanka kulanka.
Kulankaan caawa waxaa la daawan doonaa 9:45 Xiliga Geeska Afrika.