Kubad sameeye Cesc Fabregas haatan hal lug oo kaliya ayuu ku taagan yahay waxaana muuqato in maamulka Barcelona ay xidigan banaanka dhigeen madaama Cesc laga reebay soo bandhigitaankii maaliyada cusub oo ay Barcelona xili cayaareedka dambe 2014/15 ku cayaari doonto, dhamaan xidigahugu muhiimsan kooxda Barcelona sida Lionel Messi, Xavi Hernandez iyo Gerard Pique dhamaan goob joog ayay u ahaayeen soo bandhigidii maaliyada cusub oo ay Barcelona ku cayaari doonto waxayna xidigaha kooxdan wada galeen sawir sanadeed kooxda dhaqan ay u leedahay balse Fabregas marnaba laguma casumin inuu xafladaan kasoo qayb galo sidaa darteed xidigan waxaa muuqato in xagaagan ay kooxdiisa Barcelona iibin doonto.
Sheekadan oo kale waxaa sameeyay sanadkii hore Thiago Alcantara oo iska diiday inu Barcelona kala qayb qaato sawirkii sanadlaha ahaa oo ay maaliyeeda cusub kusoo bandhigeesay waxaana ugu dambeyntii xidigan laga iibiyay naadiga Bayern Munich sidaa darteed Cesc Fabregas isagana waxaa la sadaalinaa inuu wadadaas mari doono waxaana arinkan dabcan ku farxi doonaan kooxaha Man United, Man City iyo Arsenal oo dhamaantood ku raad joogaan saxiixa xidigan tayada wanaagsa balse Barcelona horey ayay u sheegtay inaysan Cesc qiimo jaban ku fasixi doonin waxayna ku doneysaa 55-milyan oo euro ah hadaba kooxdee lacagahaas bixin doonto xagaagan?