Home » Maxaa Cusub » Cesc Fabregas Maxay Tahay Sababta Uu Man United Ku Aadi Waayay!

Cesc Fabregas Maxay Tahay Sababta Uu Man United Ku Aadi Waayay!


download

Kubad sameeya Cesc Fabregas si rasmi ah ayuu kooxda Chelsea ugu biiray waxaana ugu dambeyntii meel u dhacan mustaqbalkiisii cayaareed balse xidigan ka hor inta uusan Chelsea ku biirin xidigan tayada wanaagsan kooxda Man United ayaa ku dhawaatay saxiixiisa inkastoo ay ku fashilmatay hadaba maxay tahay sababta ka dambeesay in xidiga reer Spain lagu guul dareesto inuu xirto maaliyada casaanka ee kooxda ku cayaarto garoonka Old Trafford?

Wargeska Eml Mundo Deportivo ayaa sheegay in Cesc saaxiibtiis Daniella Semaan ayaa ka diiday inuu Man United ku biiro waxayna gabadhan jecleesanin nolosha magaalada Manchester waxayna saaxiibkeeda kula talisay hadii ay magaalada Barcelona ka guurayaan inay dib ugu laabtaan magaalada London madaama kooxda Arsenal ay ka gaabisay inay lasoo saxiixato Cesc xidigan wuxuu si rasmi ah ugu biiray Chelsea oo ku iibsatay £27 million sidaa darteed Daniella iyo seygeeda London meel u dhaanto malahan inkastoo Waqooyiga London aysan ku noolaan doonin balse markan Galbeedka London ayay dagi doonaan, kooxda Man United dabcan maalmo ka hor ayay qiratay inay soo xero galinta Fabregas ku guul dareesatay sidaa darteed 27-jirkan tayada wanaagsan mustaqbalkiisa cayaareed Premiership-ka England ayuu kasii wadan doonaa wuxuuna doortay inuu xirto maaliyada Buluuga asigoo tixgalinaayo codsiga xaaskiisa.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close