Graeme Bailey oo ka mid ah shaqaalaha Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday sheeko xiiso badan taasi oo ku aadan mustaqbalka kabtanka kooxda Arsenal Thomas Vermaelen wuxuuna qabiirkan cayaaraha ka faaloodo una dhuun daloolo dhaq dhaqaaqa suuqa Yurub uu sheegay in daafacan tayada wanaagsan uu aqbalay dalab kaga yimid kooxda Man United wuxuuna saaxiibadiisa u sheegay inuu xili cayaareedka dambe garoonka Old Trafford kasoo muuqaan doono.
Waxaa naga xasuusin ah in Bacary Sagna uu Arsenal si xor ah uga soo tagay sidoo kalena uu doortay ku biiritaanka kooxda Man City sidaa darteed cayaaryahankii labaad oo Arsenal ka mid ah ayaa qarka u saaran inuu magaalada Manchester usoo guuro.
28-jirkan ayaa sheegay inuusan Arsenal baaqi kusii ahaan doonin madaama u kalsoonida macalin Arsene Wenger heesanin wuxuuna diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa cayaaree bad baadiyo wuxuuna xiiso gaar ah u qabaa inuu ka hoos cayaaro Luis Van Gaal oo hogaanka Man United la wareegi doono marka uu koobka aduunka soo idlaado.
Madaama qandaraaska uu Arsenal kula jiro daafacan waaya araga ah uu ka harsan 12-bilood oo qura waxay Man United ugu tala gashay inay kula soo saxiixato £12m waana qiimo lacageed oo aysan Gunners-ka diidi karin marba hadii xidigan uusan rabin inuu Emirates baaqi kusii ahaado sido kalena uu qandaraaskiisa sii dhamaanayo, wararka ayaa intaas ku daraayo in kooxda Man United ay si rasmi ah soo xero galinta daafacan ugu dhawaaqi doonto maal maha nagu soo fool leh.