Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » World Cup 2014 http://hiilkubad.com Fri, 04 Jul 2014 15:31:16 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Line Upka Rasmiga Ah Kulanka France vs Germany http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-france-germany/ http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-france-germany/#comments Fri, 04 Jul 2014 15:08:55 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28233
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Kulanka France vs Germany], All Right Reserved. 2014.
]]>

Kulanka halyeeyada Yurub ayaa goor dhaw bilaaban doona iyadoo Germany iyo France ay iska hor imaan doonaan.

Tababare Didier Dechamps ayaa kasoo tagay wiilasha Gunners Koscielny iyo Giroud kuwaas oo kulamadii ugu dambeeyay kusoo bilaabanayay, Sakho iyo Griezmann ayaa galay boosaskooda.

Khadka dhexe France ayaan waxba laga badalin iyadoo Pogba, Valbeuna, Cabaye iyo Matuidi ay iska kaashan doonaan.

Dhanka kale tababare Joachim Low ayaa sameeyay sadex badal oo kaliya wiilashii kasoo taqalusay USA.

Lahm ayaa markii ugu horeysay daafac ciyaaraya caawa kulankaan kadib markii dhibaato dhanka daafaca ah ay timid, sidoo kale Khedira ayaa kusoo bilowday oo kulankii hore kursiga kusoo bilowda iyo halyeeygooda Miroslav Klose oo markii ugu horeysay safka hore soo galay.

France: Lloris (c), Debuchy, Evra, Varane, Sakho, Cabaye, Valbuena, Matuidi, Pogba,  Benzema, Griezmann.

Germany: Neuer – Lahm, Boateng, Hummels, Howedes – Schweinsteiger, Khedira – Muller, Kroos, Ozil – Klose

Together: The French squad, who have surprised many, show their team spirit in training

Hands aloft: Arsenal man Ozil scores his 18th goal for Germany in the 2-1 win over Algeria on Monday



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Kulanka France vs Germany], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-france-germany/feed/ 0
FIFA Oo Shaacisay Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Argentina vs Nigeria & Holland vs Costa Rica http://hiilkubad.com/fifa-oo-shaacisay-garsoorayaasha-qaban-doona-kulamada-argentina-nigeria-holland-costa-rica/ http://hiilkubad.com/fifa-oo-shaacisay-garsoorayaasha-qaban-doona-kulamada-argentina-nigeria-holland-costa-rica/#comments Fri, 04 Jul 2014 13:25:19 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28202
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [FIFA Oo Shaacisay Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Argentina vs Nigeria & Holland vs Costa Rica], All Right Reserved. 2014.
]]>
Xiriirka Kubada Caga Fifa ayaa ku dhawaqay in garsooraha reer talyaani Nicola Rizzoli uu garsoori doono kulanka u dhaxeeya wadamada Argentina iyo Belgiumka ee dhici dooan sabtida.

Garsoorahaan reer talyaani ayaa horay usoo garsooray intii uu tartankaan socday laba ciyaar oo ka tirsaneed wareega groupyada wuxuuna garsoore ka noqday kulankii Holland ay 5-1 ku xaaqday Spain iyo kulan ay Argentina 3-2 kaga adkaatay Nigeria.

42-jirkaan u dhashay dalka talyaaniga ayaa qabanaya kulankiisii ugu horeeyay wareeg isreeb-reeb ah.

Dhanka kale garsooraha reer Uzbekistan Ravshan Irmatov ayaa isna loo doortay inuu dhexdhexaadiyo kulanka dhexmari doona xulalka Holland iyo Costa Rica ee isla sabtida dhici doona.

Garsoorahaan reer Uzbekistan ayaa qabtay laba ciyaar isna wuxuuna dhexdhexadiyay kulankii USA iyo Germany ee 1-0 kusoo idlaaday iyo kii dhexmaray Croatia iyo Mexico.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [FIFA Oo Shaacisay Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Argentina vs Nigeria & Holland vs Costa Rica], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/fifa-oo-shaacisay-garsoorayaasha-qaban-doona-kulamada-argentina-nigeria-holland-costa-rica/feed/ 0
Ronaldo Oo Shaki Galiyay In Brazil Ay Garaaci Karto Colombia Caawa http://hiilkubad.com/ronaldo-oo-shaki-galiyay-brazil-ay-garaaci-karto-colombia-caawa/ http://hiilkubad.com/ronaldo-oo-shaki-galiyay-brazil-ay-garaaci-karto-colombia-caawa/#comments Fri, 04 Jul 2014 12:47:06 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28188
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ronaldo Oo Shaki Galiyay In Brazil Ay Garaaci Karto Colombia Caawa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Ronaldo

Halyeeyga reer Brazil Luiz Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuusan hubin guul ay caawa Selecao ka gaarto xulka Colombia xili labada xul ay isku wajahi doonan Fortaleza kulan ka tirsan Quater Finalka Koobka Aduunka.

Xulka Brazil ayaa u baahan guul si ay ugu dhawaadaan koobkoodii 6-aad ee Aduun madama ay shan jeer horay u qaadeen waxase caawa hor taagan cudud adag madama macalin Jose Pekerman wiilashiisa ay yihiin kuwo wacdaro kasoo dhigay kulamadii ka horeeyay.

Luiz Ronaldo oo lugtiisa ugu qaaday Brazil koobkii Aduunka ee 2002 lagu qabtay cariga Assia wadamada Japan iyo Korea ayaa rajeynaya iney xulkiisa caawa usoo baxaan Semi Finalka Koobkaan balse wuxuu rajo xun ka muujiyay in Colombia laga awood roonaado.

“Brazil waxey la kulantay xaalado xanuun ah marka la eego kulankii Chile, balse Colombia waxey ku socdaan wado cad oo si fiican ayey u ciyaareen waxeyna wataan James Rodriguez” Ayuu Ronaldo u sheegay warbaahinta.

“Waa wiil qaas ah, dabcan waxaan rajeynayaa inuu guuleysan doono, waxaan heystaa qadar cadaalad ah oo kalsooni ku dheehan tahay, balse ma hubo”

Sidoo kale Ronaldo ayaa amaanay qaab ciyaareedka Neymar JR ee koobka Aduunka xili 22-jirkaan Barcelona ka tirsan uu yahay garabka kaliya ee ay ku duulan Brazil.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ronaldo Oo Shaki Galiyay In Brazil Ay Garaaci Karto Colombia Caawa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ronaldo-oo-shaki-galiyay-brazil-ay-garaaci-karto-colombia-caawa/feed/ 0
Hordhac: Brazil vs Colombia: Xulalka Reer Koonfur America Oo Caawa Isku Jabi Doona http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-colombia-xulalka-reer-koonfur-ameerika-oo-caawa-isku-jabi-doona/ http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-colombia-xulalka-reer-koonfur-ameerika-oo-caawa-isku-jabi-doona/#comments Fri, 04 Jul 2014 09:36:36 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28174
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Brazil vs Colombia: Xulalka Reer Koonfur America Oo Caawa Isku Jabi Doona], All Right Reserved. 2014.
]]>
bazil

Martigaliyayaasha Brazil ayaa caawa tijaabo adag mari doona iyagoo u dhawaan doona iney ku guuleystaan koobkoodii 6-aad ee Aduun taariikhda koobkaan xili ay martigalinayaan koobka.

Xulka Colombia ayaa heysta xidigaha ugu fiican tartanka walina muran uma galin iney kulan badiyaan dhamaan afartii kulan ee ay horay u ciyaareen waa ay badiyeen guushii ugu weyneyd waxey ka gaareen Japan oo ay 4-gool ka dhaliyeen.

Brazil qudheeda afartii kulan ee ay ciyaarta waxey si raaxo leh uga badisay xulalka Croatia iyo Cameroon iyagoo barbardhac la galay Mexico ciyaar 0-0 kusoo idlaatay, sidoo kale Chile ayey 1-1 la galeen inkastoo ay kaga soo gudbeen rigoore.

Hogaamiyaha Gooldhalinta Koobka Aduunka James Rodriguez ayaa caawa ciyaari doona kulankiisii shaanaad iyadoo la xasuusto in afartii kulan ee uu ciyaaray uu shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay 5-gool.

Sidoo kale hogaamiyaha Brazil, Neymar JR ayaa shabaqa soo taabtay sadex kulan afartii kulan oo uu horay u ciyaaray isagoo dhaliyay afar gool.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Brazil vs Colombia

Magaalada: Fortaleza

Garoonka: Estadio Castelao

Garsoore: Carlos Velasco Carballo [Spain]

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

MA OGTAHAY?

⇒ 25-jeer oo ay kulmeen labadaan xul kaliya 2-kulan ayey badisay, markii ugu dambeysay oo ay badisayna waxey aheyd 23-sano ka hor mana dhalan wiilka ay ku faanaan ee James Rodriguez.

⇒ Brazil; 15-guul oo ay gaartay Colombia waxaa ka mid ah xasuuqyo ay taariikhda xustay oo dhacay: Koobkii Ameerica 1957-dii markaas oo Colombia 9-0 lagu xaaqay sidoo kale  6-2 ayaa looga adkaatay Rio De Jinero 1969-kii, ugu dambeyntiina 1977-dii ayaa lagu dilay 6-0.

⇒ Gool walba oo ay dhalinayeen Colombia waxaa laga dhalinayay 5-gool ugu yaraan.

⇒ Colombia waa wadanka labaad ee ugu goolasha badan koobka Aduunka kaliya Netherlands oo 11-gool dhaliyay ayaa ka badan.

⇒ Xulka Shanta jeer heysta Koobka Aduunka waligiis loogama badin gurigiisa waxaana ugu dambeysay sanadii 1975-tii markaas oo Peru ay ku garaacday Coppa America 3-1 ayaana lagu dilay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil: Cesar, Alves, Silva, Luiz, Fernandinho, Marcelo, Hulk Fred, Willian, Neymar, Oscar,

Colombia: Ospina, Zuniga, Armero, Sanchez, Zapata, Yepes, Cuadrado, Aguilar, Gutierrez, Rodriguez, Martinez



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Brazil vs Colombia: Xulalka Reer Koonfur America Oo Caawa Isku Jabi Doona], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-colombia-xulalka-reer-koonfur-ameerika-oo-caawa-isku-jabi-doona/feed/ 0
Luiz Felipe Scolari: Brazil Koobka Adduunka Hal Gacan Ayey Ku Heysataa!! http://hiilkubad.com/luiz-felipe-scolari-brazil-koobka-adduunka-hal-gacan-ayey-ku-heysataa/ http://hiilkubad.com/luiz-felipe-scolari-brazil-koobka-adduunka-hal-gacan-ayey-ku-heysataa/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:30:57 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28167
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Luiz Felipe Scolari: Brazil Koobka Adduunka Hal Gacan Ayey Ku Heysataa!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
_76034210_76034209

Macalinka Qabiirka ah ee Xulka Marti gelinayo koobka adduunka ee Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa sheegay in koobka adduunka ee hadda socdo uu Hal Gacan Ugu jiro Xulka uu leeliyo ee Brazil Xiili ay wajahayaan Xulka Colombia Quarter Final-ka

Scolari ayaa ku adkeystay inay ku guuleysan Doonaan Koobka Adduunka Xilli uu  la hadlayey saxaafada.

” Taageerayaasheena ayaa naga doonayo inaan u sheegay waxa aan rabno, sida aan u rabno inaan ku guuleysano koobka adduunka, waana wadnaa dadaalkaas” Ayuu yiri

Mar la weydiiyey Su’aashaan  ” Mala Dhihi karaa Brazil koobkaan Hal Gacan ayey ku heysaa” wuxuuna ku jawaabay macalina “Haa, Dabcan Brazil koobka cid ka xigto ma jirto”

” Waxaan Mareenaa Tijaabadii Shanaad, waxaana koobka adduunka ku qaadi karnaa Todobo Guul”

Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli Brazil ay caawa la ballansan tahay dhigooda Colombia, waxaana laga warsugi doonaa sida uu macalinkaan uga dhabeeyo hadalka uu saxaafadda u sheegay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Luiz Felipe Scolari: Brazil Koobka Adduunka Hal Gacan Ayey Ku Heysataa!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/luiz-felipe-scolari-brazil-koobka-adduunka-hal-gacan-ayey-ku-heysataa/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/#comments Fri, 04 Jul 2014 05:40:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28076
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
France-vs-Germany-2014-World-Cup-Quarterfinals

Kulanka: 2014 FIFA World Cup, Quarter Final

Taariikhda/Saacada: July 4, 2014 • 7:00 PM Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jornalista Mário Filho (Maracanã), Rio de Janeiro

Garsooraha kulankan: Nestor Pitana waa 41-jir u dhashay dalka Argentina

Waxaa la hubaa in xul reer Yurub ah uu Semi-finalaha koobka aduunka u gubdi doono balse kulanka caawo dhex mari doono xulalka France Vs Germany waa mid miisaan culus leh waayo labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo sidaa darteed cayaartan xamaasad ahaan mid aad u sareyso ayay noqon doontaa, inkastoo xulalka reer Yurub koobka aduunka 2014 uu ku noqday mid mixdan ah madaama fashil iyo cimilada oo kulul aawgeed ayay xulal badan koobka isaga hareen hadana France iyo Germany waxay doonayaan inay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah kaasi oo qaarada Koonfur Ameerika ku qaado koobka aduunka!

Germany vs France Live Streaming

Marwalbo France Vs Germany markii ay iska hor imaadaan waxaa lasoo xasuustaa dhacdadii foosha xumeed waayo 1982 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Spain waxaa Semi-finalaha tartankan isku soo beegmeen Franceiyo Germany kulankan 3-3 ayuu kusoo idlaaday kadib markii 30-daqiiqo oo dheeri ah lagu daray laakiin goolhayihii xulka Jarmalka Harold Schumacher ayaa si ula kac ah haraanti ugu dhuftay laacibkii hore ee xul France Patrick Battiston wuxuuna falkan sababat in Battiston uu miir daboolo garoonkana laga qaado weliba 2-ilkoob ayaa ka dhaceen  sidoo kalena 3-ka mid ah lafaha feerihiisa ayaa jabeen waxaa intaas usii dheer in lafta dhabarka uu tarar kasoo gaaray!

Fadlan Daawo Video-ka Muujinaayo Falkii Waalida Ahaa Ee Uu Schumacher Kula kacay Battiston:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low waxaa saaran cadaadis xoogan madaama xidigahiisa aysan cayaar wanaagsan soo bandhigin kulankii Algeria la cayaareen wareegii 16-aad sidaa darteed saxaafada dalka Jarmalka ayaa soo jeediyeen in Mesut Ozil iyo Mario Gotze kulanka France la fariisiyo madaama aysan kubad wanaagsan soo bandhigin kulankii ugu dambeeyay waxaana la filaa in cayaartan lagu soo bilaabo Andea Schurrle. aqbaarta wanaagsan ee uu macalin Low niyada ku dhisanaayo ayaa ah in daafaciisa tayada wanaagsan Matts Hummels uu kulan diyaar u yahay kadib markii uu hargabkii haayay kasoo kabtay sidoo kale Lukas Podolski ayaa isna dhaawacii dhanka muruqa kasoo kabtay.

France vs. Germany Betting Odds, World Cup Prediction and Match Preview

Dhanka xulka France macalin Didier Deschamps isaga wax cadaadis ah ma saarno madaama uu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Mamadou Sakho oo dhaawacii muruqa kasoo kabtay balse lama hubo in lagu soo bilaabi doono madaama Laurent Koscielny uu cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii Algeria.

Dhacdo La Xariirto kulankan xiisaha badan:

  • Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markii 9-aad oo xariir ah wareega 8-aad ee koobka aduunka kulan ah!
  • Xulka France 10-kulan oo ay ku cayaareen ciida dalka Brazil kaliya hal kulan ayaa laga badiyay waxay guuleesteen 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayay gudaha Brazil ku galeen taariikh ahaan!
  • Xulka Jarmalka waxay soo gaareen semi-finalaha koobka aduunka 3-tartan ee ugu dambeesay sida darteed hadii ay caawo semi-finalaha u gubdaan waxay dhigi doonaan iskoor cusub waayo taariikhda ma jiro xul 4-tartan oo xariir ah nu dhumaadka koobka aduunka soo gaaray.
  • 5-koob aduun ee xulka France kasoo gudbneen wareega 1-aad waxay ugu yaraan gaarayeen semi-finalaha tartankan (1958, 1982, 1986, 1998 iyo 2006).
  • Thomas Müller wuxuu xulka Jarmalka u dhaliyay tartankan 4-gool sidoo kalena 2-gool ayuu dhiibay taasi ayaa ka dhigan 66.7% goolasha ay Jarmalka dhaliyee tartankan inuu Muller ku lug lahaa.
  • Karim Benzema wuxuu sameeyay inta uu tartankan socday 12-kubadood goosha ku laaday waana laacibka xulka France ugu fursad helista badan.
  • André Schürrle 5-kulan ee ugu dambeesay ee uu xulkiisa Jarmalka u cayaaray wuxuu dhaliyay 5-gool!
  • Dhamaan 10-gool oo ay xulka France tartankan dhaliyeen waxaa la yaab ah inay dhamaantooda xariiqda 18-aad gudaheeda ku dhaliyeen ma jiro gool ay banaanka kasoo laadeen!
  • Xulka Jarmalka 15-kulan ee ugu dambeesay kulamada heerka caalami ah lagama badinin waxana guuleesteen 10-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac galeen.

Taariikh Ahaan Kulamadii Ay Labadan Xul Horey U Wada Cayaareen:

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labadan xul wada cayaareen wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo wuxuuna ka dhacay magaalada Paris 6-Febraayo 2013 waxaana 2-1 ku badiyeen xulka Jarmalka  waxaa goolka ku hormareen xulka France oo uu u dhaliyay Mathieu Valbuena balse Jarmalka guusha waxaa gacanta u galiyeen xidigaha kala ah Thomas Muller iyo Sami Khedira.

Taariikh ahaan labadan xul way wada cayaareen 25-kulan oo isugu jiraan cayaar saaxiibtinimo iyo kulamo heer caalami ah waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada cayaareen 1931, xulka France ayaa guul badan waxayna guuleesteen 11-kulan halka Germany ay iyaga badiyeen 8-kulan sidoo kalena 6-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen, France 41-gool ayay Jarmalka ka dhaliyeen halka Jarmalka ay iyagana 42-gool dhaliyeen.

Marka laga hadlaayo koobka aduunka waxay labadan xul ku kulmeen 3-jeer ,xulka Jarmalka labo ka mid ah ayay guuleesteen halka France ay hal kulan dhankooda badiyeen:

1958 kaalinta 3-aad koobka aduunka: France 6-3 Germany

1982 semi finalaha koobka aduunka: Germany 3-3 France waxaa 8-7 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalk

1986 semi finalaha koobka aduunka Germany 2-0 France.

Line Up-ka macquulka ay oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

France: Lloris, Evra, Sakho, Varane, Debuchy, Matuidi, Cabaye, Pogba, Valbuena, Griezmann, Benzema

Germany: Neuer, Howedes, Mertesacker, Hummels, Boateng, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Muller, Schurrle.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/feed/ 0
Rasmi: Shakira Oo Xaflada Xeritaanka Koobka Aduunka Ka Heesi Doonto http://hiilkubad.com/rasmi-shakira-oo-xaflada-xeritaanka-koobka-aduunka-ka-heesi-doonto/ http://hiilkubad.com/rasmi-shakira-oo-xaflada-xeritaanka-koobka-aduunka-ka-heesi-doonto/#comments Thu, 03 Jul 2014 11:20:01 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28100
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Shakira Oo Xaflada Xeritaanka Koobka Aduunka Ka Heesi Doonto], All Right Reserved. 2014.
]]>
Shakira singing

Fanaanada reer Colombia Shakira ayaa si rasmi ah loogu doortay xaflada xiritaanka koobka aduunka inay ka heesto, Finalaha koobka aduunka oo la cayaari doono 13-bishan kana dhici doono magaalada Rio de Janeiro ayaa Shakira ku guuleesatay inay bandhig faneed ka sameyso garoonka sidoo kalena heesta lagu xiri doono koobka aduunka ay qaado waxayna noqon doontaa markii 3-aad oo xariir ah oo ay koobka aduunka hees kusoo qatinto fanaanadan caanka ah madaama koobkii aduunka 2006 iyo 2010 ay iyadana hees kusoo xirtay xafladii gaba gabada la qabtay.

37-jirkan aduunka magaca ku leh ayaa ka qaadi doonto gudaha Maracana stadium heesteeda La La La (Brazil 2014) waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in loo doortay gaba gabada koobka aduunka inay hees ka qaado waxayna tiri “hada wax kale ma oran karo oo aan ahayn inaan aad u faraxsanahay, waxaana rajeynaa inaa bandhig wanaagsan Maracana kasoo bandhigi doono!”

Shakira waxaa xaflada gaba gabada ee koobka aduunka lagu xiri doono ku wehlin doonaan Fanaaniinta kala ah Carlos Santana, Wyclef Jean, Alexandre Pires, Ivete Sangalo iyo caruurta magaalada Rio ku nool oo sameyn doonaan bandhig faneedyo kala duwan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Shakira Oo Xaflada Xeritaanka Koobka Aduunka Ka Heesi Doonto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-shakira-oo-xaflada-xeritaanka-koobka-aduunka-ka-heesi-doonto/feed/ 0
Eden Hazard Oo Aan Cabsi Ka Qabin In Xulkiisa Belgium Uu Wajaho Lionel Messi http://hiilkubad.com/eden-hazard-oo-aan-cabsi-ka-qabin-xulkiisa-belgium-uu-wajaho-lionel-messi/ http://hiilkubad.com/eden-hazard-oo-aan-cabsi-ka-qabin-xulkiisa-belgium-uu-wajaho-lionel-messi/#comments Thu, 03 Jul 2014 10:40:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28092
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Eden Hazard Oo Aan Cabsi Ka Qabin In Xulkiisa Belgium Uu Wajaho Lionel Messi ], All Right Reserved. 2014.
]]>

Kubad sameeyaha xulka Belgiumka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xidigaha ay isku xulka yihiin ay aamusin doonaan Lionel Messi marka ay labada xul isku qaabilaan wareega Quater Finalka Koobka Aduunka kulan  dhici doona sabtida.

Weeraryahanka Barcelona Lionel Mesi ayaa hal garab ku wada xulka Argentina ee koobka Aduunka balse Hazard ayaan cabsi ka qabin inuu wajaho xulkaas waxeyna wareega 16-ka kasoo gudbeen USA.

“Waan garaneynaa xidiga ugu wanaagsan dunida iyo saaxiibadiis, balse kama cabsaneyno” Ayuu Hazard u sheegay Sky Sports News.

“Waan awoodnaa inaan guuleysano, Argentina shaqo fiican ayey qabatay, balse waxey leeyihiin hal xidig oo weyn kaas oo sameyn kara kala duwanaashaha kulanka, hadii aan isaga joojino waxaan heli karnaa fursad balse ma fududaan doonto midaas” Ayuu mar kale yiri Eden Hazard.

France iyo Germany ayaa isku haya sidoo kale wareega quater finalka, sidoo kale Brazil iyo Colombia ayaa iyagana ku sugan wareegaan inkastoo Holland iyo Costa Rica aysan meesha ka marneyn.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Eden Hazard Oo Aan Cabsi Ka Qabin In Xulkiisa Belgium Uu Wajaho Lionel Messi ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/eden-hazard-oo-aan-cabsi-ka-qabin-xulkiisa-belgium-uu-wajaho-lionel-messi/feed/ 0
Barcelona Oo Xaqiijisay Caafimaad Qabka Neymar Ee Kulanka Colombia http://hiilkubad.com/barcelona-oo-xaqiijisay-caafimaad-qabka-neymar-ee-kulanka-colombia/ http://hiilkubad.com/barcelona-oo-xaqiijisay-caafimaad-qabka-neymar-ee-kulanka-colombia/#comments Thu, 03 Jul 2014 07:25:36 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28067
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Xaqiijisay Caafimaad Qabka Neymar Ee Kulanka Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Neymar

Barcelona ayaa website-keeda ay gaarka u leedahay ku shaacisay war qoraal ah oo ay ku xaqiijineyso soo kabsashada weeraryahankooda reer Brazil Neymar JR kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii wareega 16-ka ay ku reebeen rigooroyinka xulka Chile.

Neymar ayaa la filayay inuu dhaawac ku seego kulanka Colombia ee wareega Quater Finalka balse Barcelona ayaa xaqiijisay in xidigeeda uu diyaar u yahay inuu wajaho Colombia.

Brazil ayaa jimcada la ciyaari doonta Colombia Quater Finalka, sidoo kale Barca ayaa shaacisay in Neymar uu si toos ah ugu soo laabtay xerada tababarka Granja Comary halkaas oo ay xidigaha reer Brazil isugu diyaarinayaan kulankaas.

“Waan soo kabsaday diyaar ayaana ahay” Barcelona ayaa kasoo xigatay Neymar JR ka hor tababarka.

Ready



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Xaqiijisay Caafimaad Qabka Neymar Ee Kulanka Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/barcelona-oo-xaqiijisay-caafimaad-qabka-neymar-ee-kulanka-colombia/feed/ 0
FIFA Oo Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Quater Finalka Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/fifa-oo-ku-dhawaaqday-garsoorayaasha-dhexdhexaadin-doona-kulamada-quater-finalka-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/fifa-oo-ku-dhawaaqday-garsoorayaasha-dhexdhexaadin-doona-kulamada-quater-finalka-koobka-aduunka/#comments Thu, 03 Jul 2014 07:18:34 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28062
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [FIFA Oo Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Quater Finalka Koobka Aduunka ], All Right Reserved. 2014.
]]>

Iyadoo wax ka yar 48-saacadood ay ka dhiman tahay in dib loo furo koobka Aduunka oo nasiino laba maalin ah qaadanaya hadana xiriirka FIFA ayaa ku dhawaaqay garsoorayaasha dhexdhexaadin doona kulamada ugu horeeya ee la ciyaari doono 4-ta July oo ay ciyaari doonaan xulalka Brazil vs Colombia iyo Germany vs France.

Brazil vs Colombia

Kulankaan dhexmari doona wadamad Latinka ah waxaa dhexdhexaadin doona tababaraha reer Spain Carlos Velasco kaas oo laba kulan horay usoo dhexdhexaadiyay intii uu socday tartankaan.

Kulamadii wareega groupyada ee dhexmaray Uruguay vs England iyo sidoo kale kulankii dhexmaray Iran iyo Bosnia Herzegovina oo ka tirsanaa groupka F.

Germany vs France

Kulankaan dhexmari doona hogaamiyayaasha yurub ee koobka Aduunka waxaa isna loo dhiibay garsooraha reer Argentina Nestor Pitana kaas oo isna intii uu tartankaan socday horay usoo dhexdhexaadiyay Sadex kulan.

Kulamadii Groupka ee Russia vs Korea, USA vs Portugal & Honduras vs Switzerland.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [FIFA Oo Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Quater Finalka Koobka Aduunka ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/fifa-oo-ku-dhawaaqday-garsoorayaasha-dhexdhexaadin-doona-kulamada-quater-finalka-koobka-aduunka/feed/ 0