Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Taariikhaha http://hiilkubad.com Mon, 14 Jul 2014 18:09:08 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Wax Ka Baro 22-Cayaaryahan Ee Finalaha Koobka Aduunka Caawo Kasoo Muuqaan Doonaan (+Sawiro) http://hiilkubad.com/wax-ka-baro-22-cayaaryahan-ee-finalaha-koobka-aduunka-caawo-kasoo-muuqaan-doonaan-sawiro/ http://hiilkubad.com/wax-ka-baro-22-cayaaryahan-ee-finalaha-koobka-aduunka-caawo-kasoo-muuqaan-doonaan-sawiro/#comments Sun, 13 Jul 2014 04:30:16 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29015
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Baro 22-Cayaaryahan Ee Finalaha Koobka Aduunka Caawo Kasoo Muuqaan Doonaan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Messi Vs Muller

Xulka Jarmalka waxay caawo ka hortagi doonaan xulka Argentina waa kulanka lagu soo qatimi doono FIFA World Cup 2014 oo mudo ah si wanaagsan uga socday dalka Brazil, hadaba caawo xidigaha labadan xul mid walbo waxaa u rumowday inuu kasoo muuqdo Finalaha koobka aduunka sidaa darteed waxaan idiin heynaa 22-laacib ee caawo garoonka soo gali doonaan xidig walbo xog kooban oo ku saabsan, fadlan hoos kaga bogo:

Germany line-up

Germany:

Goolhaye: Manuel Neuer, Bayern Munich (28-sano)

World Cup 2014: Manuel Neuer save denies French equaliser

 Ma ogtahay: in Neuer kaliya uu sedex guuldaro uu la kulmay asigoo xiran maaliyada xulka Jarmalka wuxuuna xulkiisa u saftay 51-kulan! sidoo kale Neuer waa goolhayaha labaad ee ugu bad baadinta badan tartankan.

Daafaca garabka midig: Philipp Lahm, Bayern Munich (30-sano)

Phillip Lahm

Ma ogtahay: in Lahm uu caawo cayaari doono kulankiisii 20-aad ee koobka aduunka sidoo kale xidigan waa laacibka ugu dhiibista badan baasaska gaaban tartankan wuxuna baasay 450-kubadood.

Daafaca dhexe: Jerome Boateng, Bayern Munich (25-sano)

Jerome Boateng

Ma ogtahay: in Boateng uu xulkiisa Jarmalka u saftay 11-kulan ee ugu dambeeyay koobka aduunka cayaaraan waa 2010 iyo 2014 labadii tartan ee la qabtay.

Daafaca dhexe: Mats Hummels, Borussia Dortmund (25-sano)

Mats Hummels

Ma ogtahay: in Hummels hooyadiisa ay ahayd haweyneedii ugu horeesay ee cayaar kubada cagta ah ee dalka Jarmalka garoonka kasoo tabiso ayadoo wariye ah! sidoo kale xidigan labo gool ayuu tartankan ka dhaliyay.

Daafaca garabka bidix: Benedikt Howedes, Schalke (26-sano)

Benedikt Howedes

Ma ogtahay: in Howedes uu yahay xidiga ugu raacashada xulka Jarmalka tartankan wuxuuna jalaafay xidigahii ka hor imadeen 15-jeer!

Khadka dhexe: Sami Khedira, Real Madrid (27-sano)

Germany celebrate their fifth goal

Ma ogtahay: in Khedira kulankii Brazil ay Jarmalka la cayaareen u suura gashay markii ugu horeesay kulan koob aduun ah uu gool dhaliyo sidoo kalena dhiibo isla kulankaas!

Khadka dhexe: Bastian Schweinsteiger, Bayern Munich (29-sano)

Bastian Schweinsteiger

Ma ogtahay: in Bastian uu Jarmalka u saftay 19-kulan oo koob aduun ah kaliya xidigaha kala ah (Lothar Matthaus, Miroslav Klose iyo Philipp Lahm) ayaa tartankan kaga safasho badan.

Kubad Sameeye: Toni Kroos, Bayern Munich (24-sano)

Toni Kroos scores Gemany's third goal

Ma ogtahay: in Kroos uu yahay xidiga ugu taabashada badan kubada tartankan 606-jeer ayuu kubada taabtay guud ahaan halka kulankii Jarmalka ay Algeria la cayaareen uu kubada taabtay 135-jeer!!

Kubad Sameeye: Mesut Ozil, Arsenal (25-sano)

Mesut Ozil

Ma ogtahay: in Ozil uu yahay xidiga ugu kubad abuurista badan laaciibinta Jarmalka tartankan wuxuuna abuuray 15-kubadood oo gool loo filan karay!!

Weerarka: Thomas Muller, Bayern Munich (24-sano)

Thomas Muller strike puts Germany ahead

Ma ogtahay: in Muller uu 10-gool dhaliyay labadii koob ee ugu dambeeyay sidoo kalena 6-gool ayuu dhiibay asigoo cayaaray 12-kulan oo qura!!

Weerarka: Miroslav Klose, Lazio (36-sano)

Germany's Miroslav Klose sets World Cup goals record

Ma ogtahay: in Klose uu yahay laacibka ugu goolasha badan koobka aduunka sidoo kale waa laacibka labaad ee ugu safashada badan koobka aduunka waxayna min 23-kulan wada cayaareen Paolo Maldini kaliya Lothar Matthaus oo 25-kulan koobka saftay ayaa ka safasho badan, waxaa intaas usii dheer Klose oo gool dhaliyay marnaba xulka Jarmalka lagama badinin sidoo kalena waa cayaaryahanka 3-aad ee 4-koob aduun goolal ka dhaliyo!!

Macalinka: Joachim Low (54-sano)

Joachim Low

Ma ogtahay: in Low 4-tartan ee ugu dambeesay oo u Jarmalka macalin u yahay wuxuu soo gaarsiiyay ugu yaraan nus dhumaadka labo jeer semi final ah koobka aduunka iyo labo jeer oo semi fina tartankan qaramada Yurub ah.

Argentina

Argentina line-up

Goolhaye: Sergio Romero, Sampdoria (27-sano)

World Cup 2014: Argentina's Sergio Romero save denies Bosnia

Ma ogtahay: in Romero uu noqday goolhayihii ugu horeeyay ee reer Argentina ah kaasi oo 4-kulan oo koobka aduunka ah wax gool ah laga dhalinin!

Daafac garabka midig: Pablo Zabaleta, Manchester City (29-sano)

Pablo Zabaleta

Ma ogtahay: in Zabaleta uu yaha xidiga ugu baas dhiibista badan xulka Argentina marka ay weerarka ku jiraan wuxuuna dhiibay 64-baas marka loo bar bar dhigo daafacyada kale ee xulkan ma jiro cayaaryahan intaas oo kale kubada baasay!

Daafac dhexe: Martin Demichelis, Manchester City (33-sano)

Martin Demichelis

Ma ogtahay: in Martin uu 8-jeer kubada isku dhigay kulankii Argentina ay la cayareen xulka Holland wuxuuna noqday kulankaas laacibkii ugu badnaa ee kubadaha isku dhigo ama difaaco.

Daafaca dhexe: Ezequiel Garay, Zenit St Petersburg (27-sano)

Ezequiel Garay

Ma ogtahay: in in Garay uu yahay daafaca ugu wanaagsan Argentina marka ay timaado in kubada madaxa lagu difaaco wuxuuna madaxiisa ku difaacay 36-kubadood oo Argentina halis galin kareen tartankan.

Garabka bidix ee daafaca: Marcos Rojo, Sporting Lisbon (24-sano)

Marcos Rojo

Ma ogtahay: in Rojo uu yahay daafaca ugu jalaafada badan Argentina wuxuuna jalaafay 17-jeer xidigahii ka hor imaadeen xulkan.

Khadka dhexe: Javier Mascherano, Barcelona (30-sano)

Javier Mascherano

Ma ogtahay: in Javier uu yahay guud ahaan tartankan xidiga ugu jalaafada badan wuxuuna jalaafay xidigahii ka hor imaadeen 28-jeer sidoo kalena baaskiisa ma xumo madaama uu 509-jeer kubada taabtay ama baasay.

Garabka midig ee khadka dhexe: Lucas Biglia, Lazio (28-sano)

Lucas Biglia

Ma ogtahay: in Lucas 90% uu saxay baaskiisa kulankii Argentina ay la cayaareen xulka Holland

Garabka bidix ee khadka dhexe: Enzo Perez, Benfica (28-sano)

Enzo Perez

Ma ogtahay: in Perez uu kaliya hal kulan 90-daqiiqo dhameestay asigoo xiran maaliyada Argentina wuxuuna kulankaas ahaa cayaar saaxiibtinimo oo ay xulkan la cayaareen Slovenia wuxuuna guud ahaan Agentina u saftay xidigan 10-kulan.

Weerarka: Gonzalo Higuain, Napoli (26-sano)

Gonzalo Higuain blasts Argentina into lead

Ma ogtahay: in Higuain koobkii aduunka 2010 uu 4-goo dhaliyay sidoo kalena 4-kulan saftay balse sanadkan 2014 wuxuu cayaaray 6-kulan laakiin 1-gool ayuu dhaliyay!

Weerarka: Lionel Messi, Barcelona (27-sano)

Argentina's Lionel Messi

Ma ogtahay: in Messi uu yahay xidiga ugu kubad abuurista badan tartankan madaama uu sameeyay 21-kubadood oo gool loo filan karay!

Forward: Ezequiel Lavezzi, Paris St-Germain (29-sano)

Ezequiel Lavezzi

Ma ogtahay: in Lavezzi uu kaliya labo jeer laaday kubada tani waxay dhigan tahay inuu yahay xidiga ugu laadka yar weeraryahanada Argentina tartankan uga qayb qaadanayaan!

Macalinka: Alejandro Sabella (59-sano)

Argentina manager Alejandro Sabella nearly falls over

Ma ogtahay: in Sabella uu ku guuleestay markii ugu horeesay mudo 24-sano kadib uu xulka Argentina Finalaha koobka aduunka usoo saaro.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Baro 22-Cayaaryahan Ee Finalaha Koobka Aduunka Caawo Kasoo Muuqaan Doonaan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-baro-22-cayaaryahan-ee-finalaha-koobka-aduunka-caawo-kasoo-muuqaan-doonaan-sawiro/feed/ 0
Taariikh Ahaan Wax Ka Ogaawa Xidigaha Ugu Qaalisa Ee Uu Tababare Arsene Wenger Lasoo Saxiixday http://hiilkubad.com/taariikh-ahaan-wax-ka-ogaawa-xidigaha-ugu-qaalisa-ee-uu-tababare-arsene-wenger-lasoo-saxiixday/ http://hiilkubad.com/taariikh-ahaan-wax-ka-ogaawa-xidigaha-ugu-qaalisa-ee-uu-tababare-arsene-wenger-lasoo-saxiixday/#comments Fri, 11 Jul 2014 06:14:52 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28873
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Taariikh Ahaan Wax Ka Ogaawa Xidigaha Ugu Qaalisa Ee Uu Tababare Arsene Wenger Lasoo Saxiixday], All Right Reserved. 2014.
]]>
Ozil

Kadib markii kooxda Arsenal si rasmi ah ula soo saxiixatay Alexis Sanchez sidoo kalena laacibkan Gunners-ka Barcelona kaga soo iibsatay €40 million waxaa shaaca laga qaaday taariikh ahaan xidigaha uu macalin Arsene Wenger lasoo saxiixday kuwooda ugu qaalisan fadlan hoos kaga bogo:

1. Mesut Ozil – €53.5m

 2. Alexis Sanchez – €40m

 3. Jose Antonio Reyes – €21m

 4. Andrei Arshavin – €19m

 5. Alex Oxlade-Chamberlain – €19m

6. Sylvain Wiltord – €16m

 7. Santi Cazorla – €15m

 8. Samir Nasri – €15m

 9. Alexander Hleb – €14m

 10. Gervinho – €13.6m



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Taariikh Ahaan Wax Ka Ogaawa Xidigaha Ugu Qaalisa Ee Uu Tababare Arsene Wenger Lasoo Saxiixday], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/taariikh-ahaan-wax-ka-ogaawa-xidigaha-ugu-qaalisa-ee-uu-tababare-arsene-wenger-lasoo-saxiixday/feed/ 0
Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:28:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28132
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
 

Pogba

21-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka France iyo naadiga Juventus Paul Pogba waxaa lagu tilmaamaa xidig kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leh waayo asigoo aad u dhalin yar ayuu caalamka isbaray haatana awooda uu kubada cagta ku leeyahay ma ahan mid la qarin karo sidoo kale Pogba ayaa wacdaro ka dhigaayo koobka aduunka wuxuuna xulkiisa France lasoo gaaray wareega 8-aad tartankan oo haatan si habsami ku dheehan uga socdo dalka Brazil, sidaa darteed waxaan idiin heynaa macluumaad u gaar ah Pogba fadlan hoos kaga bogo:

Pogba hantida uu heesto: $25.4 Million

Da’diisa: 21-sano

Goobta uu ku dhashay: Lagny-sur-Marne, France

Gulihii ugu weynaa ee uu Pogba Gaaray:

Juventus:

Serie A (2): 2012–13, 2013–14

Supercoppa Italiana (2): 2012, 2013

France U-20

FIFA U-20 World Cup (1): 2013

Bilada Shaqsi Ahaaneed Ee Uu Pogba Ku Guuleestay

FIFA U-20 World Cup Golden Ball (1): 2013

Golden Boy: 2013



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 0
Sawiro Xiiso Badan Oo Laga Sameeyay Iskoorkii Uu Dhigay Goolhaye Tim Howard http://hiilkubad.com/sawiro-xiiso-badan-oo-laga-sameeyay-iskoorkii-uu-dhigay-goolhaye-tim-howard/ http://hiilkubad.com/sawiro-xiiso-badan-oo-laga-sameeyay-iskoorkii-uu-dhigay-goolhaye-tim-howard/#comments Wed, 02 Jul 2014 11:11:08 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27997
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro Xiiso Badan Oo Laga Sameeyay Iskoorkii Uu Dhigay Goolhaye Tim Howard], All Right Reserved. 2014.
]]>
Howard

Goolhayaha xulka USA Tim Howard ayaa taariikhda koobka aduunka baal dahab ah ka galay kadib markii kulankii USA Vs Belgium uu bad baadiyay 16-kubadood oo gool loo fishay waaa iskoor koobka aduunka ku cusub weliba waxaa ugu dambeesay sanadii 1966 goolhaye geesinimadan oo kale muujiyo, inkastoo xulka USA 2-1 looga badiyay sidoo kalena gabi ahaanba ay koobka aduunka isaga hareen hadana goolhaye Howard ayaa hadal heynta kulankan qaatay sidoo kalena amaan aan dhaamad laheyn ayuu muteestay.

View image on Twitter

Goolhayan kooxda Everton ka tirsan ayaa xidigaha Belgium ka bad baadiyay fursado badan oo gool loo fishay hadaba waxaa laga sameeyay sawiro cajiib ah oo lagu muujinaayo geesinimadiisa iyo iskoorka uu koobka aduunka kusoo kordhiyay fadlan hoos kaga bogo:

View image on Twitter

View image on Twitter

View image on Twitter

Hand of God: Tim Howard is depicted as being capable of saving Diego Maradona's handball goal

Bite: Howard stopping Uruguay's Luis Suarez from chomping on Italy defender Giorgio Chiellini

Jurassic: Howard dives to catch a meteorite to save the dinosaurs from extinction

Popped: Howard could have saved Lewis Hamilton's tyre blow-out during this race

Saviour: Under the hashtag #ThingsTimHowardCouldSave, the US keeper stopping Bambi's mother from dying



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro Xiiso Badan Oo Laga Sameeyay Iskoorkii Uu Dhigay Goolhaye Tim Howard], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-xiiso-badan-oo-laga-sameeyay-iskoorkii-uu-dhigay-goolhaye-tim-howard/feed/ 0
Iskooro U Gaar Ah Taariikha Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw http://hiilkubad.com/iskooro-gaar-ah-taariikha-koobka-aduunka-wax-badan-ka-ogaaw/ http://hiilkubad.com/iskooro-gaar-ah-taariikha-koobka-aduunka-wax-badan-ka-ogaaw/#comments Wed, 02 Jul 2014 05:15:08 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27954
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Iskooro U Gaar Ah Taariikha Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw], All Right Reserved. 2014.
]]>
la-sp-sn-pele-shoes-world-cup-20121015-001

Madaama haatan koobka aduunka ee dalka Brazil ka socdo uu soo gaaray wareega 8-aad sidoo kalena tartankan uu noqday midkii ugu wanaagsanaa ee dhawaanaha la qabto waxaan idiin heynaa macluumaad gaar u ah taariikhda koobka aduunka madaama tartankan iskooro badan horey looga dhigay fadlan hoos kaga bogo iskoorada koobka aduunka u gaarka ah:

  • Ma ogtahay in Pele uu yahay cayaaryahanka kaliya ee ku guuleestay labada bilad ee kala ah xidiga ugu wanaagsna koobka aduunka asigoo dhalin yar iyo sidoo kalena laacibka ugu wanaagsan koobka aduunka abaal marinta guud wuxuuna ku kala guuleestay labadaan abaal marin xiliyada kala ah 1958 laacibkii ugu dhalinta yaraa ayuu qaatay halka 1970 uu noqday xidigii ugu wanaagsanaa koobka aduunka
  • Ma ogtahay in xulka Masar uu yahay xulkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika matalaayo kaasi oo koobka aduunka kasoo muuqday wuxuuna kasoo muuqday sanadii 1934.
  • Ma ogtahay cayaartii dhex martay xulalka Switzerland iyo Austria koobki aduunka 1954 uu yahay kulankii goolashii ugu badnaa la iska dhaliyo waayo cayaartan 7-5 waxaa ku badisay Austria sidaa darteed 12-gool ayay iska dhaliyeen ilaa haatan iskoorkan waa mid yaalo!
  • Ma ogtahay in Luis Monti uu yahay cayaaryahanka kaliya ee koobka aduunka labo xul u saftay wuxuuna u kala cayaaray xulka Argentina sanadii 1930 halka 1934 uu Italy u saftay!
  • Ma ogtahay koobkii aduunka ee ugu horeeyay 1930 qaarada Yurub ay uga qayb galeen 4-xul oo kala ahaayeen Belgium, France, Romania iyo Yugoslavia.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Iskooro U Gaar Ah Taariikha Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/iskooro-gaar-ah-taariikha-koobka-aduunka-wax-badan-ka-ogaaw/feed/ 0
Radamel Falcao Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaad Kala Socotaa? http://hiilkubad.com/radamel-falcao-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaad-kala-socotaa/ http://hiilkubad.com/radamel-falcao-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaad-kala-socotaa/#comments Mon, 30 Jun 2014 08:30:19 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27708
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Radamel Falcao Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaad Kala Socotaa? ], All Right Reserved. 2014.
]]>

Sida caadiga ah mar kasta waxaan idiin soo gudbinaa hantida ay leeyihiin xidigaha magaca ku leh Sports, waxaana si jadwaleysan uga jawaabnaa codsiyada akhristayaasha sida ay u kala horeeyaan, haddaba maanta waxaan nasiibka yeeshay akhristihii dalbaday Falcoa waana sida hoos ku qoran.

Hantida uu Leeyahay : 55 Million

Date of Birth : February 10, 1986

Wadanka/Meesha Dhalshada : Santa Marta, Colombia

Ilaha dhaqaalah: :  kubadda Cagta ayuu ka xamaashaa.

Xul/Koox/: Colombia , AS Monaco FC

Da’da Xidiga : 28 Year Old

Xaaskiisa: Lorelei Taron

Taariikhdiisa Cayaareed oo kooban

Ramadel Falcoa oo u dhashay Dalka Colombia ayaa bilaabay xirfadiisa Sports 1999 markaas oo uu u saftay kooxda “Lanceros Boyacá” Maatana wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu taajirsan aduunka, wuxuuna ku keensaday dadaalkiisa iyo howlkarnimadiisa waana mida keentay inay isku dagaalaan kooxaha ugu waaweyn adduunka, Laakiin wuxuu ku guuleystay inuu noqdo xidig wanaagsan markii uu ku biiray kooxda ka dhisan Wadanka Argetina “River Plate” Halkaas oo uu ku dhaliyey 34 gool, 90 Kulan. 28 Jirkaan ayaan hadda ah mid kamid ah xidigaha looga doodoonis badan yahay qaaradda yurub.

Waxqabadkiisa Ugu Muhiim

  • Wuxuu River Plate kula guuleystay Argentine Primera División
  • Wuxuu Kooxda Porto kula guuleystay Portugal League title
  • Wuxuu kooxaha Porto iyo Athletic Madrid Kula guuleysta uefa Europa League
  • Copa del Rey ayuu Athletico Madrid Kula guuleystay.
  • Copa del Rey South American Youth Championship, ayuu Colombia kula guuleystay 2005
  • Kabaha Dabka Ee Horyaalka Portugese ayuu qaaday.
  • Wuxuu mar noqoday Xidigga Ugu Goolasha Badan Portugal
  • GQ Spain Sports man of the year
  • Globe Best Footballer 2012
  • Onze de Bronze

Noloshiisa Gaarka ah:

Falcao wuxuu guursaday fanaanada caanka ah ee reer Argentina Lorelei Taron horaantii sanadkii 2013, cunugiisa ugu horeeyana wuxuu ku dhashay Princess Grace Hospial oo ku yaal LA Colle, Monoca 13 August 2013, Diinta uu heystana waa Christian.

Waa Gaariga Uu Leeyahay Falcoa Nuuciisana Waa (Ferrari 458 Italia Red Edition) 

most beautiful car of 2014



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Radamel Falcao Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaad Kala Socotaa? ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/radamel-falcao-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaad-kala-socotaa/feed/ 0
Maxaad Ka Taqaanaa Xiddiga Dahabiga Ah James Rodriques Kasoo Koobka Adduunka Wacadaro Ka Dhigay http://hiilkubad.com/maxaad-ka-taqaanaa-xiddiga-dahabiga-ah-james-rodriques-kasoo-koobka-adduunka-wacadaro-ka-dhigay/ http://hiilkubad.com/maxaad-ka-taqaanaa-xiddiga-dahabiga-ah-james-rodriques-kasoo-koobka-adduunka-wacadaro-ka-dhigay/#comments Mon, 30 Jun 2014 04:37:10 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27638
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxaad Ka Taqaanaa Xiddiga Dahabiga Ah James Rodriques Kasoo Koobka Adduunka Wacadaro Ka Dhigay], All Right Reserved. 2014.
]]>
foto-james-rodriguez-1

Kubad sameeyaha xulka Colombia James Rodriguez ayaa haatan kusoo baxay musharaxa ugu cad cad inuu ku guuleesto xidiga ugu wanaagsan koobka aduunka madaama uu tartankan ka dhaliyay 5-gool asig cayaaray 4-kulan wuxuuna xidigan dhalinta ee naadi ahaan ka tirsan AS Monaco kusoo baxay laacib ay aduunka oo idil isla qiraan inuu kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leeyahay, hadaba hoos kaga bogo xogta James oo kooban:

Wuxuu dhashay: Born on 12 July 1991

Goobta uu ku dhashay: Cucuta, Colombia

Xidigan wuxuu kusoo caan baxay naadiga Envigado ee dalkiisa hooyo kadib kooxda Banfield ee ka dhisan dalka Argentina ayuu sanadii 2009 ku biiray.

Laakiin sanadii 2010 ayuu qaarada Yurub usoo dhaqaaqay waxaana soo iibsatay kooxda FC Porto.

Sanadii 2012 wuxuu ku guuleestay abaal marinta Portuguese Golden Ball asigoo 20-jir ah wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu dhalinta yar ee ebid abaal marintan ku guuleesto.

3-horyaal oo xariir ah ayuu FC Porto kula guuleestay

Naadiga AS Monaco ayaa sanadkii hore £38.5m ku iibsatay wuxuuna noqday taariikh ahaan cayaaryahanka labaad ee xidigaha reer Colombia ugu qaalisan kaliya Radamel Falcao ayaa  qaalisan.

Iskoorada Uu Koobka Aduunka Ka dhigay:

Wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee 4-kulan oo xariir ah koobka aduunka goolal ka dhaliyo mudo 12-sano kadib waxaana iskoorkan horey u dhigeen Rivaldo iyo Ronaldo sanadii 2002.

Sidoo Kale James ayaa noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee koobka aduunkaku cusub kaasi oo 4-kulan ee ugu horeeyo 4-gool dhaliyo waxaana iskoorkan horey u dhigay halyeegii xulka Italy Christian Vieri oo sanadii 1998 4-kulan oo xariir ah goolal dhaliyo.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxaad Ka Taqaanaa Xiddiga Dahabiga Ah James Rodriques Kasoo Koobka Adduunka Wacadaro Ka Dhigay], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/maxaad-ka-taqaanaa-xiddiga-dahabiga-ah-james-rodriques-kasoo-koobka-adduunka-wacadaro-ka-dhigay/feed/ 0
Rasmi: Dirk Kuyt Oo Noqday Cayaaryahankii 7-aad Ee Xulka Holland 100-kulan U Safto http://hiilkubad.com/rasmi-dirk-kuyt-oo-noqday-cayaaryahankii-7-aad-ee-xulka-holland-100-kulan-safto/ http://hiilkubad.com/rasmi-dirk-kuyt-oo-noqday-cayaaryahankii-7-aad-ee-xulka-holland-100-kulan-safto/#comments Mon, 30 Jun 2014 04:33:35 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27637
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Dirk Kuyt Oo Noqday Cayaaryahankii 7-aad Ee Xulka Holland 100-kulan U Safto], All Right Reserved. 2014.
]]>
FOXFIF_111113kuyt

33-jirka horey ugu cayaari jiray kooxda Liverpool Dirk Kuyt ayaa kulankiisii 100-aad u saftay xulka Holland wuxuuna laacibkan noqday taariikh ahaan cayaaryahankii 7-aad ee xulka Holland 100-kulan u safto, Kuyt ayaa ku faraxsan in safashadan taariikhiga ah ay kusoo beegmato kulan koob aduun ah, Kuyt kulankii ugu horeeyay xulka Holland wuxuu u saftay sanadii 2004 cayaar ay Holland la cayaareen xulka Liechtenstein wixii markaas ka dambeeyay marnaba xulkiisa kama maqnaanin wuxuuna xulkiisa kala qayb qaatay sedex koob aduun iyo sedex tartanka qaramada Yurub , Kuyt ayaa haatan iska bar bareeyay halyee Phillip Cocu oo isagana xulka Holland 100-kulan u saftay.

Goolhayihii hore ee xulka Holland ayaa ugu safasho badan xulkan wuxuuna u saftay 130-kulan oo heer caalami ah, waxaa kusoo xigo ruug cadaa Frank de Boe oo isagana xulka Holland u saftay 112-kulan, waxaaa xusid mudan in Rafeal vander Vaart uu isna xulka Holland u saftay 109-kuilan sidoo kale Giovanni van Bronckhorst ayaa isna Holland u safay 106-kulan sidaa darteed Dirk Kuyt ayaa heesto fursad uu kulamo dheeraad ah xulkiisa Holland ugu safan karo madaama xulkan ay wareega 8-aad koobka aduunka u gudbeen.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Dirk Kuyt Oo Noqday Cayaaryahankii 7-aad Ee Xulka Holland 100-kulan U Safto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-dirk-kuyt-oo-noqday-cayaaryahankii-7-aad-ee-xulka-holland-100-kulan-safto/feed/ 0
Waa Kuwee Xidigaha Qiimahooda Iyo Sumcadooda Sare U Kacday Tan Iyo Markii Uu Koobka Aduunka Brazil Bilaawday? http://hiilkubad.com/waa-kuwee-xidigaha-qiimahooda-iyo-sumcadooda-sare-kacday-tan-iyo-markii-uu-koobka-aduunka-brazil-bilaawday/ http://hiilkubad.com/waa-kuwee-xidigaha-qiimahooda-iyo-sumcadooda-sare-kacday-tan-iyo-markii-uu-koobka-aduunka-brazil-bilaawday/#comments Sun, 29 Jun 2014 06:21:14 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27551
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Waa Kuwee Xidigaha Qiimahooda Iyo Sumcadooda Sare U Kacday Tan Iyo Markii Uu Koobka Aduunka Brazil Bilaawday?], All Right Reserved. 2014.
]]>
james-cel-Col

Tartanka Brazil ka socdo haatan meel wanaagsan ayuu marayaa waxaana lagu tilmaamay inuu yahay koobkii aduunka ee ugu wanaagsanaa kaasi oo dhawaanahan la cayaaray sida darteed waxaa tartankan si gaar ah uga faa’iideen 20-cayaaryahan oo qiimahooda iyo sumcadooda sare u kacday kadib markii ay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan kama hadleyno xidigaha sida Lionel Messi, Neymar iyo Karem Benzema waayo kuwaan horey ayay qiimo qaali ah suuqa Yurub ka joogeen sidoo kalena sumcad baalaran ayay ku leeyihiin caalamka, hadaba hoos kaga bogo shaqsiyaadka ka faaa’iideen tartanka Brazil haata sida wanaagsan uga socdo:

James Rodriguez (Colombia)

Guillermo Ochoa (Mexico)

Ivan Perisic (Croatia)

Luiz Gustavo (Brazil)

Charles Aranguiz (Chile)

Daley Blind (Holland)

Kostas Manolas (Greece)

Serge Aurier (Ivory Coast)

Giancarlo Gonzalez (Costa Rica)

Cristian Gamboa (Costa Rica)

Jose Maria Gimenez (Uruguay)

Ricardo Rodriguez (Switzerland)

Mathieu Valbuena (France)

Enner Valencia (Ecuador)

Kenneth Omeruo (Nigeria)

Ahmed Musa (Nigeria)

Muhamed Besic (Bosnia)

Fabian Johnson (USA)

Islam Slimani (Algeria)

Divock Origi (Belgium)



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Waa Kuwee Xidigaha Qiimahooda Iyo Sumcadooda Sare U Kacday Tan Iyo Markii Uu Koobka Aduunka Brazil Bilaawday?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/waa-kuwee-xidigaha-qiimahooda-iyo-sumcadooda-sare-kacday-tan-iyo-markii-uu-koobka-aduunka-brazil-bilaawday/feed/ 0
Qiimeyn Lagu Sameeyay 10-Xidig Ee Ugu Wax Qabadka Wanaagsan Xulka Argentina Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/qiimeyn-lagu-sameeyay-10-xidig-ee-ugu-wax-qabadka-wanaagsan-xulka-argentina-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/qiimeyn-lagu-sameeyay-10-xidig-ee-ugu-wax-qabadka-wanaagsan-xulka-argentina-koobka-aduunka/#comments Sun, 29 Jun 2014 06:16:50 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27548
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Qiimeyn Lagu Sameeyay 10-Xidig Ee Ugu Wax Qabadka Wanaagsan Xulka Argentina Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
Lionel-Messi1

Xulka Argentina waxay ka mid yihiin xulalka sida weyn loogu sadaalinaayo koobka aduunka waxayna haaatan soo gaareen wareega 16-aad ayagoo la cayaari doonaan xulka Switzerland, xulkan ka dhisan qaarada Koonfur Ameerika waxay guuleesteen dhamaan 3-kulan oo ay cayaareen qaybta guruubyada sidoo kalena xidigaha xulkan oo uu horkacaayo Lionel Messi waxay soo bandhigeen qaab cayaareed wanaagsan hadaba qiimeyn gaar ah ayaa xidigaha xulkan lagu sameeyay waxaaa laga soo xushay 10-ka laacib ee ilaa haata xulka Argentina ugi waxqabadka wanaagsan, fadlan hoos kaga bogo:

10. Sergio Aguero

9. Pablo Zabaleta

8. Fernando Gago

7. Angel Di Maria

6. Sergio Romero

5. Ezequiel Garay

4. Ezequiel Lavezzi

3. Marcos Rojo

2. Javier Mascherano

1. Lionel Messi



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Qiimeyn Lagu Sameeyay 10-Xidig Ee Ugu Wax Qabadka Wanaagsan Xulka Argentina Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/qiimeyn-lagu-sameeyay-10-xidig-ee-ugu-wax-qabadka-wanaagsan-xulka-argentina-koobka-aduunka/feed/ 0