Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Nolosha Ciyaaryahanka http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 18:36:50 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!! http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/ http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/#comments Wed, 25 Jun 2014 09:07:43 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26931
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Suarez2

Waxaaba macquul ah in koobka aduunka 2014 loo bixiyo “Koobkii Suarez waalidiisa lagu ogaada” waayo daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini ayuu garabka ka qaniinay mana ahan markii ugu horeesay ee uu xidigan falkan oo kale ku kaco waa markii 3-aad sidaa darteed aduunka oo idil amakaag ayay ku noqotay, qaarkood waxay soo jeediyeen in Afka shabaq looga xiro marka uu garoonka ku jiro halka qaarkalana ay dhaheen gabi ahaanba kubada cagta in mudo dheer laga ganaaxo halka kuwo kalena ay dhaheen wuxuu u baahan yahay la talin iyo daryeel madaama uu maskaxda ka jirin yahay, wixii laga sheegayba la sheeg: fadlan hoos kaga bogo muuqaalada cajiibka ah ee falkii Suarez laga sameeyay:

Christmas stocking filler: The Suarez bottle opener would probably be a best-seller if it was real

Kitted out: Pranksters gave Suarez a muzzel Another angle: Chiellini's bite mark display is enhanced

Jaws: It's not quite Sportsmail's Match Zone but this claimed to be Suarez's heatmap against Italy

Sniggers: Was Suarez's bite because he hadn't eaten before kick-off in the Group D decider?

The devil in the detail: Can you spot what's been changed on Suarez's Panini sticker? Check his teeth...

Bite over bark: Suarez has been likened to Jaws before and again he is proving it's not safe to be around him



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/feed/ 0
10-Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Xidiga Man United La Saxiixan Rabto Ander Herrera (+Video) http://hiilkubad.com/10-xaqiiqo-oo-ku-saabsan-xidiga-man-united-la-saxiixan-rabto-ander-herrera-video/ http://hiilkubad.com/10-xaqiiqo-oo-ku-saabsan-xidiga-man-united-la-saxiixan-rabto-ander-herrera-video/#comments Tue, 24 Jun 2014 11:51:34 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26857
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Xidiga Man United La Saxiixan Rabto Ander Herrera (+Video)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Andrea

Madaama Man United ay ku guuleesatay saxiixa xidiga khadka dhexe ka cayaaro Ander Herrera sidoo kalena ay ku qaadan doonto £28million waxaan idiin heynaa 10-xaqiiqo oo xidigan dhalinta yar ku saabsan, hadaba hoos kaga bogo macluumaadka xisiha badan ee xidiga u gaarka ah waxaana kasoo xiganay shabakada Express Sport:

1) Herrera wuxuu kubada cagta kasoo bilaabay naadiga Real Zaragoza balse sanadii 2011 ayuu ku biiray kooxda uu aadka u jecel yahay Athletic Bilbao.

2) Xidigan xili cayaareedkiisii ugu horeeyay wuxuu Bilbao u saftay 54-kulan.

3) Xili cayaareedkii 2011/12 Herrera iyo kooxdiisa Athletico waxaa laga qaaday koobabka kala ah Europa League iyo Copa Del Rey oo ay Finaal soo gaareen.

4) Herrera weli xulka Spain kulan uma safanin inkastoo uu Spain usoo matalatay heeraka kala ah 20-jirada, 21-jirada iyo 23-jirada.

5) 24-jirkan gool muran badan ayuu xulka England ee da’dooda ka hooseyso 21-sano ka dhaliyay weliba gacanta ayuu ku dhaliyay tartankii Euro under 21 ee la qabtay sanadii 2011.

6) Man United xagaagii hore ayay xidigan saxiixiisa ku guul dareesatay waxayna ka doorbida Maroune Fellaini.

7) Sedex wakiil oo Man United ka socotay aya xagaagii hore Spain u taktay sidii ay heshiiska Herrera u dhameestiri lahaayeen balse ma suura galin.

8) Herrera aabihiis isagana wuxuu ahaan jiray cayaaryahan khadka dhexe ka cayaaro wuxuuna inta badan usoo cayaaray naadiga Real Zaragoza.

9)Hadii aad taageero u tahay xidigan waxaa kala socon kartaa Twitter-ka ama Instagram-ka dabcan ciwaankiisa waa @anderherrera8.

10) Herrera garoonka Old Trafford horey ayuu uga soo muuqday wuxuuna ka mid ahaa xidigahii kooxda Athletico Bilbao kuwaas oo Man United kaga badiyeen 3-2 wareega 16-aad ee Europa League sanadii 2012.

Ugu Dambeyntii Hoos Ka Daawo Vidoe lagu soo bandhigay wax qabadkiisa wanaagsan xidigan tayada wanaagsan wuxuuna macluumaadkan ku saabsan yahay xili cayaareedkii 2012/13 goolashii uu dhaliyay iyo kubadihii uu dhiibay iyo xirfadiisa cajiibka ah:



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Xidiga Man United La Saxiixan Rabto Ander Herrera (+Video)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/10-xaqiiqo-oo-ku-saabsan-xidiga-man-united-la-saxiixan-rabto-ander-herrera-video/feed/ 0
Neymar Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaaa Kala Socotaa Sheeko Xiiso Badan (+Sawiro) http://hiilkubad.com/neymar-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sheeko-xiiso-badan-sawiro/ http://hiilkubad.com/neymar-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sheeko-xiiso-badan-sawiro/#comments Mon, 23 Jun 2014 19:39:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26806
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Neymar Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaaa Kala Socotaa Sheeko Xiiso Badan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Neymar

Neymar Jr. waa xidiga ay ku faanaan reer Brazil sidoo kalena ka mid ah laacibiinta caalamka ugu wanaagsan waxaaa intaas usii dheer in Neymar uu ka mid yahay xidigaha ugu saameynta balaaran kubada cagta marka ay noqoto xayeysiinta iyo suuq geynta qalabka Sports ee kala duwan waxaan oran karnaa waa indhah kubada casriga xiligan caalamka laga cayaaro balse kuma dheeraan karno xirfadiisa cayaareed madaama aan maqaalkeena ugu tala galnay noloshiisa gaarka ah waxaana naga codsaday aqristaheena qiima  badan zeki tulux, fadlan hoos kaga bogo Neymar iyo noloshiisa gaarka ah macluumaadka ku saaban:

Waxaa la yaab ah in Neymar oo 22-jir ah inuu maraayo jaceelkii sedexaad sidoo kalena aabo uu noqday asigoo 19-sano jiro! dabcan midaas waxa muujinee in xidigan hablaha reer Brazil dhamaantooda ay tartan ugu jiraan madaa uu weli dhalin yar yahay ka filo inuu xiriiri dheeraad ah sameeyo, Neymar ugu horeyntii wuxuu xiriir gaaban la sameeyay gabadha lagu magacaabo Carolina Dantas waa 20-jir kana mid ah gabdhaha reer Brazil ee dharka xayeysiiyo xiriirkooda oo meel dhexe maraayo ayay Carolina wiil u dhashay Neymar bishii August 2011 waxaana wiilka loogu magac daray David Lucca da Silva.

Waxaa xusid mudan in Neymar uu aabo noqday asigoo 19-jir ah wuxuuna maalinkaas yiri “markii aan maqlay inaan aabo noqday waan ooyay waay ugu horeyntii cabsi ayaan dareemay waxaana aaminay inaan masuuliyadaas qaadi karin, laakiin markii dambe farxad ayaan dareemay haatana waan ku faraxsanahay inaan David Lucaca aabe u ahay sidoo kalena aan masuuliyadaas kasoo bixi karo!” laakiin Neymar iyo Carolina xiriirkooda si dhaqsi ah ayuu ku dhamaaday.

Neymar Jr. dhawaanahan wuxuu aad ugu dhawaa gabadha jilaaga ah ee dalka Brazil caanka ah Bruna Marquezine waxayna wada socdeen mudo sanad ka badan sidoo kalena marar badan ayaa lagu arkay fagaaraha Brazil ayagoo wada socdaan laakiin si lama filaan ah ayay ku kala hareen Bishii Febraayo ee isla sanadkan weliba maalinta jaceelka aduunka ayay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inuu xiriirkooda bur bur ku yimid!!

Neymar oo diidanaa koobka aduunk inuu bilaawdo asigoo saaxiib la ah ayaa dhowr bilood ka hor saxaafada la wadaagay aqbaar farxad badan wuxuuna yiri “waxaa nolosheyda kusoo biirtay Gabriella Lenzi waxaana rajeynaa inaan waqti badan isla qaadan doono” gabadhan ayaa ka mid ah hablaha dalka Brazl dhanka Model-ka ku caan baxday waxana haatan marwalb daawataa kulamada xulka Brazil cayaaraan koobka aduunka madaama ay taageero weyn u tahay saaxiibkeed Neymar waxaana xusid muan in Gabriella Lenzi ay da’ahaan jirto 20-sano.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Neymar Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaaa Kala Socotaa Sheeko Xiiso Badan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/neymar-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sheeko-xiiso-badan-sawiro/feed/ 4
Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Wed, 18 Jun 2014 15:53:43 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25789
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Toni Kroos

24-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Toni Kroos waxaa lagu tilmaamaa xidiga ugu kubad heesashada badan qaarada Yurub sidoo kalena heerkiisii ugu wanaagsanaa ayuu haatan ku jiraa waxaana ku raad joogaan kooxaha Yurub ugu caansan, Toni Kroos miisaan culus ayuu ku leeyahay Bayern iyo xulka Jarmalka balse maanta waxaan si gaar ah waxaan uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah sidaa darteed macluumaadka xidigan ku saabsan fadlan hoos kaga bogo:

Jessica Farber waa gabadha ay saaxiibaha yihiin Toni Kroos labadan lamaane inta badan makala haraan gaar ahaan Kroos xiliyada uu fasaxa ku jiro wuxuu jecel yahay inay goob walbo marka uu joogo ay ku wehliso jaceelkiisa Jessica Farber, waxaa kaloo xusid mudan in Jessica iyo Kroos ay marwalbo goobaha ay bulshada ku kulmaan sida Facebook iyo Twitter-ka ay soo galiyaan sawiro muujiyaano sida ay isugu dhow yihiin.

Kadib markii ay sanado badan saaxiibo ahaayeen waxay go’aansadeen inay nolosha isla qeebsadaan waxaana sanadkii hore labadan lamaane noloshooda kusoo kordhay ubud waxayna haatan aabo iyo hooyo u yihiin wiilka yar ee lagu magacaabo Leon wuxuuna dhashay 14-kii August ee sanadkii hore.

Jessica Farber waa gabar barato dalxiiska iyo soo dhaweynta dadka martida ku ah dalka Jarmalka waxayna marwalbo ku dadaashaa inay waxbarasheeda heer ka gaarto sidoo kalena ay adkeeso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay saaxiibkeed Toni Kroos, dhawaan xidigan tayada wanaagsan wuxuu saxaafada u sheegay in xili cayaareedkii 2012/13 dhamaadkiisa dhaawacii halista ah ee soo gaaray uusan ka kabsan laheen hadii aysan Jessica Farber garabsiin laheen!

Toni Kroos haatan wuxuu ku sugan yahay dalka Brazil sidoo kalena xulkiisa Jarmalka kulankii ugu horeeyay oo ay Portugal la cayaareen 4-0 ayay kaga badiyeen sidoo kalena saaxiibtiis Jessica Farber iyadana dalka Brazil ayay dalxiis u joogtaa waxayna diyaar u tahay inay seygeeda taageerto kuna garab istaagto sidii uu xulkiisa Jarmalka tartankan kula guuleesan lahaa.

Ugu dambeyntii qoyskan waxay qaadan doonaan go’aan noloshooda u muhiim ah biloowinka nagu soo fool leh madaama Kroos uu doonayo inuu Bayern Munich isaga tago waxaana dalabyo kala duwan usoo direen kooxo badan sida Real Madrid, Chelsea iyo Man United sidaa darteed go’aanka uu Kroos qaadan doono wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu kala tashto xaaskiisa Jessica Farber iyo sidoo kalena inuu eego waxa u dan ah qoyskiisa!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 3
Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro) http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/ http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/#comments Tue, 17 Jun 2014 17:41:41 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25780
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Super Mario

Kooxda Arsenal waxay isku diyaarineysaa inay xooga saarto inta uu suuqa Yurub furan yahay sidii ay kula soo saxiixan laheed weeraryahanka xulka Italy iyo naadiga AC Milan Mario Balotelli oo la sadaalinaayo inuusan Serie A-da baaqi kusii ahaan doonin, wararka ayaa intaas ku daraayo in Arsenal ay xidigan haatan ku dooneyso £25 million, hadaba waxaan idiin heynaa 10-Arimaado Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato, fadlan hoos kaga bogo:

1) Si Wanaagsan Ayuu Luqada Ingiriiska U Kasaa

2) Waa Xidig awood badan sidoo kalena dhalintiisa wanaagsan tahay.

3) Waa laacib daacad ah oo qalbigiisa nadiif yahay.

4) Super Mario waa xidig madadaaliyo taageerayaasha iyo xitaa cayaartooyda garoonka ku jiraan.

5) Balotelli waa shaqsi isku kalsoon.

6) Kalsooni dheeraad ah ayuu isku qabaa marka loo eego xidigaha Arsenal ku sugan.

.

7) Waa ma ganbade waxaana laga qoray inuu hada ka hor yiri “Kaliya waxaa jiro hal xidig oo iga awood badan waa Messi, balse inta kale aniga ayay iga hooseeyaan!!”

8) Baabuur makaaga baahno! Super Mario meeshii uu joogo iyo gadiidkii laga heli karo ayuu soo raacaa xitaa Mooto ha noqoto isaga ayaa is dabaro oo tababarka soo xaadiro!

9) Waa xidig ay daafacyada ka cabsadaan sidoo kalena soo bandhigo farsamo cajiib badan mararka qaar.

.

10) Waa xidig soo jiidasho badan, dabcan hadii uu Arsenal imaado waa hubaal in qaar ka mid ah xidigaha aduunka ay Emirates usoo dhaqaaqi doonaan, xitaa waa macquul inuu madaxweyne Barack Obama ku qanciyo inuu Arsenal taageero u noqdo!!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/feed/ 2
Madadaalada Koobka Aduunka: Dirk Kuyt Oo Isku Dayay Saaxiibkiis Robben Inuu Biyo Cabsiiyo!! http://hiilkubad.com/madadaalada-koobka-aduunka-dirk-kuyt-oo-isku-dayay-saaxiibkiis-robben-inuu-biyo-cabsiiyo/ http://hiilkubad.com/madadaalada-koobka-aduunka-dirk-kuyt-oo-isku-dayay-saaxiibkiis-robben-inuu-biyo-cabsiiyo/#comments Wed, 11 Jun 2014 10:22:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25219
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Madadaalada Koobka Aduunka: Dirk Kuyt Oo Isku Dayay Saaxiibkiis Robben Inuu Biyo Cabsiiyo!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Kuyt and Robben

Wiilasha macalin Luis Van Gaal maalinta Jimcada ah waxay la cayaari doonaan kulankooda ugu horeeyo koobka aduunka xulka Spain balse xidigaha reer Holland wax walaac ah kama qabaan kulankan adag madaama ay xeebta Rio de Jenerio bashaal iyo haasaawe u aadeen waxaana goobta si gaar ah madaadaladii ugu weyneed kasoo bandhigay ruug cadaa Dirk Kuyt oo isku dayay inuu saaxiibkiis Arjen Robben biyo cabsiiyo sida muuqaalka ka muuqdo weliba Robben ayaa cabsi dareemay sidoo kalena caawinaad weydiistay saaxiibadiisa goobta ka dhawaa.

Dirk Kuyt ayaa ku caan baxay inuu marwalbo saaxiibadiisa ka naxiyo ama ka qoslisiiyo wuxuuna sheegay inuu markan Robben si wacan uga raayay madaama uu iska dhigay qof si dhab ah u doonayo inuu Robben biyaha ku harqisiiyo! kadib markii ay bada kasoo baxeen Robben ayaa sheegay in markii ugu horeesay uu dabinka Kuyt ku dhacay sidoo kalena uusan dhacdadan qosolka badan iloobi doonin waligiis.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Madadaalada Koobka Aduunka: Dirk Kuyt Oo Isku Dayay Saaxiibkiis Robben Inuu Biyo Cabsiiyo!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/madadaalada-koobka-aduunka-dirk-kuyt-oo-isku-dayay-saaxiibkiis-robben-inuu-biyo-cabsiiyo/feed/ 3
Ilkay Gundogan Oo Isbadal Weyn Ku Yimid Jirkiisa Kadib Dhawaacii Halista Ahaa Ee Asiibay!! http://hiilkubad.com/ilkay-gundogan-oo-isbadal-weyn-ku-yimid-jirkiisa-kadib-dhawaacii-halista-ahaa-ee-asiibay/ http://hiilkubad.com/ilkay-gundogan-oo-isbadal-weyn-ku-yimid-jirkiisa-kadib-dhawaacii-halista-ahaa-ee-asiibay/#comments Mon, 09 Jun 2014 16:13:27 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25074
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ilkay Gundogan Oo Isbadal Weyn Ku Yimid Jirkiisa Kadib Dhawaacii Halista Ahaa Ee Asiibay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Gundogan

Kubad qaabeeyaha naadiga B. Dortmund Ilkay Gundogan oo aan ka qayb qaadan doonin koobka aduunka kadib markii uu dhaawac halis ah dhanka dhabarka kasoo gaaray ayaa laga soo bandhigay sawiro muujinaayo in jirkiisa uu isbadal weyn ku yimid madaama xidigan mudo 11-bilood ah uusan kubada cayaaran muuqaal ahaan Ilkay cayil uusan fileyn ayaa soo wajahay sidoo kalena xidigan oo aan tababar adag sameynin mudo dheer ayaa haatan sheegay inuu miisaan badan kusoo kordhay!

23-jirkan xili cayaareedkii 2012/13 caalamka ka yaabiyay sidoo kalena Dortmund u suura galiyay inay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub soo gaarto ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ka maqnaan shaha koobka aduunka madaama xulkiisa Jarmalka uusan kala qayb qaadan karin balse aqbaarta wanaagsan ayaa ah in xidigan uu haatan kasoo kabtay dhaawacii dhabarka ka asiibay sidoo kalena uu dhawaan tababar adag bilaabi doobo markii uu fasaxa kasoo laabto balse muuqaalka laga soo bandhigay ee lagu baahiyay barta Twitter-ka ayaa walaac xoogan ku abuuray macalinka naadiga Dortmund madaama Ilkay Gundogan uusan haatan u ekeyn xidig kubada cayaaro balse uu u ekaaday shaqsi caadi ah oo miisaan badan jirkiisa galay!!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ilkay Gundogan Oo Isbadal Weyn Ku Yimid Jirkiisa Kadib Dhawaacii Halista Ahaa Ee Asiibay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ilkay-gundogan-oo-isbadal-weyn-ku-yimid-jirkiisa-kadib-dhawaacii-halista-ahaa-ee-asiibay/feed/ 0
Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/arturo-vidal-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/arturo-vidal-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Sat, 07 Jun 2014 06:35:18 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24793
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Vida

Shabakada Hiilkubad oo marwalbo u taagan inay ka jawaabto codsiga aqristayaasheeda sharafta leh ayaa maanta idiin heyso xog ku saabsan nolosha gaarka ah ee Arturo Vidal waxaana naga codsaday aqriste magaciisa kusoo koobay Maahir Mahad, Vidal wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan haatana waa mashiinka kooxda Juventus ay ku faanto sidoo kalena xagaagan xulkiida Chile ayuu koobka aduunka kala qayb qaadan doonaa balse waxaan idiin heynaa xog ka dheeri ah waxqabadka uu garoonka kusoo bandhigo fadlan hoos kaga bogo:

4

Vidal wuxuu ku dhashay caasimada dalka Chile Santiago sidoo kalena waa wiilka labaad qoys ka kaboon lix caruur ah xidigan wuxuu kusoo caan baxay naadiga Colo-Colo balse Bayer Leverkusen ayaa qaarada Yurub keentay haatana Juventus ayaa ka faa’iideesato waxqabadkiisa wanaagsan, Vidal waxaa u dhaxdo oo uu qabaa gabadha lagu magacaabo Maria Teresa Matus waxayna labadan lamaanesi rasmi ah u aqal galeen sanadii 2009.

Vidal iyo Maria Teresa Matus waxaa u joogo wiil qurux badan oo lagu magacaabo Alonso Vidal, labadan 3-sano ee ugu dambeesay waxay ku wada noolaayeen magaalada Turin  ee dalka Talyaaniga ah sidoo kalena Maria Teresa Matus waxay sheegtay inay xagaagan koobka aduunka saaxiibkeed Vidal taageeri doonto sidoo kale wiilkooda Alonso isagana kama hari doono wuxuuna fursad u heli doonaa inuu dalka Brazil qeybihiisa kala duwan kusoo dalxiiso.

Maria Teresa Matus Arturo Vidal and his wife, Maria Teresa Matus and their son, Alonso, spend the day relaxing at the beach.

Arturo Vidal inkastoo uu yahay xidig dagaalamo marka uu garoonka ku jiro sidoo kalena ay ka cabsadaan cayaartooyda kasoo horjeedaan madaama uu si adag u raaco hadana Maria Teresa Matus waxay sheegtay in muuqaalkiisa marka uu garoonka ku jiro iyo noloshiisa caadiga ah uu farqi weyn u dhaxeeyo waxayna ku tilmaantay shaqsi qalbi jilican una roon qoyskiisa!!

5.5



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/arturo-vidal-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 2
Halyee Theirry Henry Iyo Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray Maxaa Kala Socotaa http://hiilkubad.com/halyee-theirry-henri-iyo-gulihii-uu-kubada-cagta-ka-gaaray-maxaa-kala-socotaa/ http://hiilkubad.com/halyee-theirry-henri-iyo-gulihii-uu-kubada-cagta-ka-gaaray-maxaa-kala-socotaa/#comments Fri, 06 Jun 2014 19:42:18 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24801
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Halyee Theirry Henry Iyo Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray Maxaa Kala Socotaa], All Right Reserved. 2014.
]]>

Halyee Theirry Henry waa xidigii ugu wanaagsanaa ee ebid xirto maaliyada Arsenal sidoo kale waa weeraryahankii ugu wanaagsanaa ee Premiership-ka kasoo muuqday marka laga hadlaayo weeraryahanada ajaanibta ah ee horyaalka England soo mareen, sidaa darteed Henry waa shaqsi miisaan culus kubada cagta ku leh haka reebin inuu xulkiisa France lasoo qaatay xili aad u macaan sidaa darteed halyeegan wax qabadkiisii cayaareed oo kooban waxaa naga soo codsadeen aqristayaasheena sharafta leh Ayaanle Cade, Yusuf Cadde iyo Jokarka Blues, fadaln xogta Henry oo dhameestiran hoos kaga bogo:

Magaciisa oo dhameestiran: Thierry Daniel Henry

Xiliga uu dhashay: 17 August 1977 (36-sano)

Goobta uu ku dhashay: Les Ulis, Essonne, France

Dherirkiisa: 1.88 m

Naadiyo: Monaco (1994-99), Juventus (1999), Arsenal (1999-2007), Barcelona (2007-10), New York Red Bulls (2010 ilaa haatan)

Xulka France: 1997 ilaa 2010 ayuu ka tirsanaa wuxuuna u saftay 123-kulan asigoo dhaliyay 51-gool.

Koobabkii Ugu Muhiimsanaa Ee Uu Henry Ku Guuleestay:

Monaco:

Ligue 1 (1): 1996–97

Trophée des champions (1): 1997

Arsenal:

Premier League (2): 2001–02, 2003–04

FA Cup (3): 2002, 2003, 2005

FA Community Shield (2): 2002, 2004

Barcelona:

La Liga (2): 2008–09, 2009–10

Copa del Rey (1): 2008–09

Supercopa de España (1): 2009

UEFA Champions League (1): 2008–09

UEFA Super Cup (1): 2009

FIFA Club World Cup (1): 2009

New York Red Bulls:

MLS Eastern Conference (2): 2010, 2013

MLS Supporters’ Shield (1): 2013

Xulka France:

FIFA World Cup: Winner France 1998, kalinta 2-aad: Germany 2006

UEFA European Football Championship Winner: Belgium & Netherlands 2000

FIFA Confederations Cup: Winner: France 2003

King Hassan II International Cup Tournament: Winner: Morocco 2000

Henry Legend

Biladihii Ugu Muhiimsanaa Ee Uu Henry Ku Guuleestay:

UNFP Ligue 1 Young Player of the Year (1): 1996–97

PFA Players’ Player of the Year (2): 2002–03, 2003–04

PFA Team of the Year (6): 2000–01, 2001–02, 2002–03, 2003–04, 2004–05, 2005–06

FWA Footballer of the Year (3): 2002–03, 2003–04, 2005–06

Premier League Golden Boot (4): 2001–02, 2003–04, 2004–05, 2005–06.

Golden Boot Landmark Award 10 (1): 2004–05

Golden Boot Landmark Award 20 (1): 2004–05

Premier League Player of the Month (4): April 2000, September 2002, January 2004, April 2004

Goal of the Season (1): 2002–03

UEFA Team of the Year (5): 2001, 2002, 2003, 2004, 2006

MLS Best XI (2): 2011, 2012

MLS Player of the Month (1): March 2012

Best MLS Player ESPY Award (1): 2013

Onze d’Or (2): 2003, 2006

European Golden Boot (2): 2003–04, 2004–05

French Player of the Year (5): 2000, 2003, 2004, 2005, 2006

IFFHS World’s Top Goal Scorer of the Year (1): 2003

FIFA FIFPro World XI (1): 2006

FIFA World Cup All-Star Team (1): Germany 2006

FIFA Confederations Cup Golden Ball (1): France 2003

FIFA Confederations Cup Golden Shoe (1): France 2003

UEFA European Football Championship Team of the Tournament (1): 2000

FIFA 100 : 2004

Time 100 Heroes & Pioneers no.16 : 2007

English Football Hall of Fame : 2008

Premier League 10 Seasons Awards (1992–93 – 2001–02)

Overseas Team of the Decade

Premier League 20 Seasons Awards

Fantasy Team (Panel choice)

Fantasy Team (Public choice)

Légion d’Honneur : 1998



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Halyee Theirry Henry Iyo Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray Maxaa Kala Socotaa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/halyee-theirry-henri-iyo-gulihii-uu-kubada-cagta-ka-gaaray-maxaa-kala-socotaa/feed/ 1
Nolosha Xidigah Aduunka: Cristiano Ronaldo, Pirlo Gerard Iyo Nacho Fernandez http://hiilkubad.com/nolosha-xidigah-aduunka-cristiano-ronaldo-pirlo-gerard-iyo-nacho-fernandez/ http://hiilkubad.com/nolosha-xidigah-aduunka-cristiano-ronaldo-pirlo-gerard-iyo-nacho-fernandez/#comments Wed, 04 Jun 2014 16:01:31 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24455
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Nolosha Xidigah Aduunka: Cristiano Ronaldo, Pirlo Gerard Iyo Nacho Fernandez], All Right Reserved. 2014.
]]>
Todobaadkan waxaan idiin heynaa sheeko xiiso badan oo ku saabsan nolosha gaarka ah ee xidigaha aduunka weliba aqbaartan aan idiin heyno waxay siweyn u qususeysaa qaar ka mid ah laacibiinta aduunka ugu magaca dheer sida Cristiano Ronaldo, Andrea Pirlo Steven Gerard iyo daafaca kooxda reer Real Madrid Nacho, hadaba yaana ka hor dhicin hoos kaga boso sheekooyin xiisaha badan ee ku saabsan laacibiintan miisaanka culus ku leh kubada cagta:

CR7 and Irina

Ronaldo Iyo Irina oo u dabaal dageen sanadkii guuradii 4-aad tan iyo markii ay saaxiibo noqdeen:

Cristiano Ronaldo iyo Irina Shayk waxay isbarteen ama go’aansadeen inay nolosha wadaagaan sanadii 2010 sidaa darteed labadan lamaane ayaa todobaadkan dhigteen xaflad ay ku xusayeen sanadkii guuradii 4-aad ee kasoo wareegato xiligii jaceelkooda xasiloonida helay uu soo bilaawday, inkastoo labadan lamaane xiriirkooda ay waqti adag soo wajaheen hadana waxay ku guuleesteen inay caqabad walbo ka guuleestaan haatana waa labo lamaane oo dunida sameyn weyn ku leh, Ronaldo oo 29-jir ah ayaa ku faraxsan nolosha uu la qaadanaayo gabadha Modelis-ah ee u dhalatay dalka Russie Irina Shayk haatana da’deeda lagu sheegay 28-sano.

 

12-sano kadib Pirlo iyo xaaskiisa Roversi oo si rasmi ah u kala tageen: ruug cadaaa Andrea Pirlo iyo xaaskiisa Deborah Roversi ayaa go’aansadeen inay soo gaba gabeeyaan xiriirkooda 12-sano jirsaday labadan lamaane oo mudo dheer isla noolaayeen sidoo isku dhaleen labo caruur ah ayaa dhawaanahan nolosha u qaraaraatay madaama Pirlo lagu eedeeyay inuu qoyskiisa meel cidlo ah kaga tagay sidoo kalena uu ka raacay gabar aanan magaceeda la sheegin. Deborah Roversi ayaa ka dacwootay maxkamad ku taalo magaalada Brescia oo ahayd goobtii 12-sano ka hor ay guurkooda ka diwaa galiyeen, ugu dambeyntii maxkamada ayaa go’aamisay inuu Pirlo iska furo Roversi isagana amarkii maxkamada ayuu u hogaansamay sido kalena xidigan waxaa lagu amray inuu bil walbo siiyo Deborah Roversi iyo labadeeda caruur 55,000 oo euro ah!

Steven Gerard oo jeclaan lahaa inuu markaan aabo u noqdo wiil

Steven Gerard iyo Alex Gerard waa lamaano oo aabo iyo hooyo u ah 3-gabdhood oo lagu kala magacaabo Lilly-Ella (10-jir), Lexie (8-jir) iyo Lourdes (2-jir), balse kabtanka xulka England iyo naadiga Liverpool ayaa jeclaan lahaa in xaaskiisa mar afaraad ay uur qaado sidoo kalena wiil noloshoosa kusoo kordho. 34-jirkan haatan diyaar garow adag ugu jiro sidii uu xulkiisa England ugu hogaamin lahaa koobka aduunka ee ka dhici doono dalka Brazil ayaa xaasiisa Alex la sheekeestay ka hor inta uusan qoyskiisa kasoo tagin waxayna Alex saxaafada u sheegay Steven haatan waxa uu qalbiga ku haayo.

Alex waxay tiri “waa run Steven wuxuu doonayaa inaan markale caruur dhalno balse markan xiiso gaar ah wuxuu u qabaa inaan wiil dhalo laakiin waxaan ka cabsanaa inaan gabar 4-aad dhalo waayo sedex jeer oo xariir ah ayaan gabar dhalay!” Steven Gerard ayaa sidoo kale sheegay inuusan qoyskiisa dalka Brazil xagaagan u wadi doonin balse hadii xulka England ay soo gaaraan qaybaha dambe ee tartankan wuxuu sheegay in Alex Gerard iyo sedexdiisa gabdhood uu si dag dag Brazil ku keeni doono!

Daafaca dhalinta yar ee kooxda Real Madrid Nacho Fernandez ayaa todobaadkan aqal galay:

Wiilka dhalinta yar Nacho Fernandez ayaa ka faa’iideestay farxada kooxdiisa Madrid oo u dhawaan kula guuleestay La Decima wuxuuna xidigan go’aansaday todobaadkan inuu aqal galo, 24-jirkan oo aad u faraxsan ayaa todobaadkan magaalada Madrid kula aqal galay María Cortés oo ay mudo dheer jeceel wada jilayeen, waxaana xafladiisa kaoo qayb galeen qaar ka mid ah xidigaha Real Madrid sida Morata, Arbeloa, Isco, Illara iyo Carvajal balse nasiib daro xidigaha caanka ah ee Madrid ka tirsan sida Ronaldo, Ramos, Casillas, Alonso, Modric, Khedira iyo kuwo kale uma suura galin inay soo xaadiraan madaama ay ku mashquulsan yihiin ka qayb galka koobka aduunka umana suura galin inay xaflada Nacho soo xaadiraan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Nolosha Xidigah Aduunka: Cristiano Ronaldo, Pirlo Gerard Iyo Nacho Fernandez], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/nolosha-xidigah-aduunka-cristiano-ronaldo-pirlo-gerard-iyo-nacho-fernandez/feed/ 0