Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » News In English http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 07:51:20 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Gogol Dhiga Finalaha Champion-ka: Atletico Madrid Maka Mid Noqon Doontaa Kooxaha Ku Guuleestay Koobka Horyaalada Yurub Ayagoo Laga Badinin!! (+Sawiro) http://hiilkubad.com/gogol-dhiga-finalaha-champion-ka-atletico-madrid-maka-mid-noqon-doontaa-kooxaha-ku-guuleestoay-koobka-horyaalada-yurub-ayagoo-laga-badinin-sawiro/ http://hiilkubad.com/gogol-dhiga-finalaha-champion-ka-atletico-madrid-maka-mid-noqon-doontaa-kooxaha-ku-guuleestoay-koobka-horyaalada-yurub-ayagoo-laga-badinin-sawiro/#comments Wed, 21 May 2014 07:47:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22921
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Gogol Dhiga Finalaha Champion-ka: Atletico Madrid Maka Mid Noqon Doontaa Kooxaha Ku Guuleestay Koobka Horyaalada Yurub Ayagoo Laga Badinin!! (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>

Sabtiga nagu so fool leh waxaa lagu wada balansan yahay in lasoo xiro koobka horyaalada Yurub xili cayareedkiisa 2013/14 waxaana kama dambeesta tartankan taagan labo naadi oo Spanish ah sidaa darteed maalin walbo waxaan idiin soo gudbinaa sheekooyinka la xariiro tartanka Yurub ugu qiimaha badan maantana waxaan ka hadli doonaa naadiyada horey tartankan ugu guuleesteen ayagoon laga badinin (Unbeaten Winners) dabcan liiskan waxaa ku biiri karto kooxda Atletico Madrid hadii ay sabtiga calaf u yeelato koobka dhagaha weyn!

Sidaa darteed taariikh ahaan 7-naadi ayaa horey ugu guuleesteen UEFA Champions League sidii tartank loogu bixiyay ayagoon laga badinin, fadlan xogtaan xiisaha badan hoos kaga bogo:

Olympique de Marseille  1992/93: 7-kulan ayay cayartay, 4-guul iyo 3-bar baro ah.

AC Milan: 1993/94: 8-kulan ayay cayaarray, 4-guul, 4-bar baro.

AJax 1994/95: 11-kulan ayay cayaartay, 7-guul iyo 4-bar baro.

Mancheste United: 1998/99: 11-kulan  ayay cayaartay, 5-guul iyo 6-bar baro ah.

Barcelona: 2005/06: 13-kulan ayaay cayaartay, 9-guuul iyo 4-bar baro ah!

Barcelona

Manchester United: 2007/08: 13-kulan ayay cayaartay, 9-guul iyo 4-bar baro ah

Atletico Madrid 2013/14: ??????????????



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Gogol Dhiga Finalaha Champion-ka: Atletico Madrid Maka Mid Noqon Doontaa Kooxaha Ku Guuleestay Koobka Horyaalada Yurub Ayagoo Laga Badinin!! (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/gogol-dhiga-finalaha-champion-ka-atletico-madrid-maka-mid-noqon-doontaa-kooxaha-ku-guuleestoay-koobka-horyaalada-yurub-ayagoo-laga-badinin-sawiro/feed/ 0
Steven Gerard Iyo 20-Xidig Oo Isaga La Mid ah Kuwaas Oo Aan Horyaal Qaadin Waligood! http://hiilkubad.com/steven-gerard-iyo-20-xidig-oo-isaga-la-mid-ah-kuwaas-oo-aan-horyaal-qaadin-waligood/ http://hiilkubad.com/steven-gerard-iyo-20-xidig-oo-isaga-la-mid-ah-kuwaas-oo-aan-horyaal-qaadin-waligood/#comments Mon, 19 May 2014 08:21:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22677
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Steven Gerard Iyo 20-Xidig Oo Isaga La Mid ah Kuwaas Oo Aan Horyaal Qaadin Waligood!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Steven Gerard

Steven Gerard wuxuu kusii dhawaanaa da’dii cayaaraha looga fariisan lahaa haatan waa 34-jir sidoo kalena waaya aragan dalka England maga iyo mansabka ku leh wuxuu xagaagan ku sigtay inuu markii ugu horeesay ku guuleesto Premiership-ka balse nasiib daro uma suura galin sidaa darteed waxaan idiin heynaa 20-xidig oo ruug cadaa Gerard la mid ah kuwaas oo aan nasiib u yeelanin hanashada horyaal, waxaa naga xasuusin ah in qaarkood xidigahaas ay haatan horyaalka England ku sugan yihiin halka qaar kalena ay hoyaalada kale ka cayaaraan, weliba d’a kuma xirno balse waxay liiskan kusoo galeen inay caan yihiin ama u qalmeen hanashada horyaalka, waxayna xidigahaas kala yihiin

Gareth Bale

Gareth Bale (Real Madrid): dhawaan ayuu Real Madrid copa del rey kula guuleestay

Marco Reus

Marco Reus (Dortmund): weli koob muhiim ah kuma uusan guuleesanin.

Juan Mata

Juan Mata (Man United): Copa dely Rey ayuu Valencia la qaaday sidoo kalena Chelsea FA Cup, Champions League iyo Europa League ayuu kula guuleestay.

Oscar

Oscar (Chelsea): naadiga Internacional labo koob ayuu la qaaday sidoo kalena Chelsea Europa League ayuu la hantay.

Daniele De Rossi

Daniele De Rossi (AS Roma): 13-sano ayuu Roma ka tirsan balse weli horyaal lama qaadin! wuxuuna kaalinta 2-aad Roma la galay 6-jeer oo kala duwan haatana waa 31-jir!

Aaron Ramsey

Aaron Ramsey (Arsenal): maalmo ka hor ayuu ku guuleestay koobkiisii ugu horeeyay.

Giuseppe Rossi

Giuseppe Rossi (Fiorentina): marnaba Man United horyaal lama qaadin waayo xili walbo amaa ah ayaa lagu diri jiray sidoo kalena Villareal iyo Fiorentina iskama dhaaf inuu horyaal la qaado!

Marek Hamsik

Marek Hamsik (Napoli): mudo 7-sano ah ayuu Napolika tirsan wuxuuna kula guuleestay 2-Copa Italia.

Kevin Strootman

Kevin Strootman (Roma): waqti wanaagsan ayuu PSV lasoo qaatay balse weli wax horyaal ah kuma guuleesanin haatana Roma ayuu ka tirsan yahay.

Hugo Lloris

Hugo Lloris (Tottenham): sanadii 2008 ayuu Lyon waana marki kooxda reer France waayiheedii quruxda badnaa uu dhamaaday haatana Tottenham ayuu ka tirsan yahay!

Santi Cazorla

Santi Cazorla (Arsenal): maalmo ka hor ayuu ku guuleestay koobkiisii ugu horeeyay dhanka naadiyada mudo 10-sano kadib horeyna kooxaha Villareal iyo Malaga ayuu ka tirsanaa horyaalna waligiis maba arag!

Adam Lallana

Adam Lallana (Southampton): waa xidig soo baxaayo sidoo kalena mustaqbal wanaagsan leh balse weli horyaal ma qaadin.

Laurent Koscielny

Laurent Koscielny (Arsenal): maalmo ka hor ayuu Arsenal koob la qaaday balse weli daafacan awooda badan wax horyaal ah kuma guuleesanin.

Pierre-Emerick Aubameyang

Pierre-Emerick Aubameyang (Dortmund): 24-jira reer Gabob weli ax horyaal ah kuma guma guuleesanin.

Miralem Pjanic

Miralem Pjanic (Roma): 24-jirka reer Bosnia weli horyaal kuma guuleesanin wuxuuna horey ugu soo cayaaray naadiga Lyon.

Mehdi Benatia

Mehdi Benatia (Roma): waa daafac awood badan balse weli horyaal ma qaadin.

Pepe Reina

Pepe Reina (Napoli): 31-jirkan isagana horyaal ma calfanin wuxuuna horey ugu soo cayaaray Villareal iyo Liverpool haatana Napoli ayuu maaah kula joogaa.

Per Mertesacker

Per Mertesacker (Arsenal): daafaca reer Jarmal sanadii 2008 ayuu kaalinta 2-aad Bremen la galay balse weli wax horyaal ah ma uusan qaadin.

Isco

Isco (Real Madrid): inkastoo uu dhalin yar yahay hadana weli wax horyaal ah Isco ma qaadin.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Steven Gerard Iyo 20-Xidig Oo Isaga La Mid ah Kuwaas Oo Aan Horyaal Qaadin Waligood!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/steven-gerard-iyo-20-xidig-oo-isaga-la-mid-ah-kuwaas-oo-aan-horyaal-qaadin-waligood/feed/ 0
Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/ http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/#comments Sun, 18 May 2014 17:05:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22602
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mine

Weeraryahanka xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa siweyn uga danqaday mashaqadii ku habsatay qaar ka mid ah shacabka reer Turkey madaama dhawaan musiibo dhinaca macdanta ah ka dhacday dalka Turkiga, Didier ayaa ugu deeqayo gaarayo €1 million qoysaskii ay dhibaatadii adkeed soo gaartay, Drogba iyo dhamaan xidigaha kooxdiisa Galatsaray waxay soo xirteen dharka macdanta lagu qodo ka hor kulankii ay la cayaareen naadiga Kayseri Erciyesspor cayaar ka tirsaneed horyaalka Turkiga waxayan muujiyeen sida ay uga xun yihiin musabadii ka dhacday Turkiga.

Madaama Drogba oo u yahay safiir dhinac samafalka iyo gar gaarka u qaabilsan qaramada midoobay wuxuu isku xil qaamay inuu dadka reer Turkey dhibaatada la qeebsado wuxuuna yiri “waxaan ahay safiir UN-ka ka tirsan una taagan samafalka iyo u kaalmeynta dadka sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan reer Soma caawiyo”  Drogba oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ma doonayo qof inuu magaceyga adeegsado mana ihi qof ihi shaqsi jecel inuu is buun buuniyo mana doonayo inaan amaan gaar ah helo kaliya dadka dhibaateesan ayaan ka dan qaday!”

13-kii bishan May ayay ahayd maalintii qaraxii weynaa ee macdanta ahaa ka dhacay Soma ee dalka Turkiga dabcan dadbadan ayaa dhulka hoostiisa ku jireen waxaana ilaa haatana 301-ruux ayaa ku geeriyootay waxaana lagu tilmaamay muusabadii ugu xumeed ee ebid dalka Turkiga ka dhacdo!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/feed/ 0
Zlatan Ibrahimovic Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/zlatan-ibrahimovic-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/zlatan-ibrahimovic-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Sun, 18 May 2014 07:43:27 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22562
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Zlatan Ibrahimovic Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Zlatan

Weeraryahanka xulka Sweden iyo naadiga PSG Zlatan Ibrahimovic wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu awooda badan kubada cagta sidoo kalena magaciisa heer sare ayuu gaaray maantana waxaan idiin heynaa hantidiisa gaarka ah ee uu xidigan leeyahay, waxaan rajeynaa xogta Zlatan inaad wax badan ka faa’iidi doontiin fadlan hoos kaga bogo:

Hantida uu heesto: £55 Million

Mushaarka uu Paris ka qaato: 15 million EUR (2014)

Goobta uu ku dhashay: Malmö Municipality, Sweden

Xiliga uu dhashay: October 3, 1981

Magaca xaaskiisa: Helena Seger

Zlatan iyo kooxihii uu horey ugu soo cayaaray:

Malmo FF

Ajax

Juventus

Inter Milan

Barcelona

AC Milan

PSG – Current Club

Biladihii ugu muhiimsanaa ee uu Zlatan ku guuleestay:

2 Eredivisie Titles – Won

4 Serie A Titles – Won (Inter – AC Milan)

2 Ligue 1 Titles – With PSG

Golden Foot  in 2012

FIFA Puskás Award in 2013

5 Times – Serie A Foreign Footballer of the Year

3 Times – Serie A Footballer of the Year

2 Times – Swedish Male Athlete of the Year

the sports red edition

Baabuurta Zlatan Uu Leeyahay Muqaalkooda Hoos Kaga Bogo:

the classic car



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Zlatan Ibrahimovic Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/zlatan-ibrahimovic-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 0
Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen? http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/ http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/#comments Sat, 17 May 2014 08:02:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22385
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen?], All Right Reserved. 2014.
]]>
Marlon King and 10 Footballers Who've Been to Prison

Naadiga Sheffield United waxay dhawaan iska fasaxday oo ay qandaraaskiisa nasaqday weeraryahanka lagu magacaabo Marlon King mana la filaayo in xidigan uu xirfadiisa cayaareed ku shaqeyn doono goor dhow waayo sedex jeer oo kala duwan ayuu xabsi muteestay sidaa darteed Marlon King magaciisa waa hubaal inuusan ehel usii ahaan doonin kubada cagta, weliba The Guardian wuxuu sheegay in xidigan mudo 18-bilood uu xabsi ku qaadan doono madaama uu shil baabuur uu galay asigoo ku waday gaarigiisa xadkii loogu tala galay mid ka baxsan sidoo kalena King oo horey ugu cayaari jiray naadiga Hull City labo jeer oo kale ayuu xabsi galay mar waxaa lagu eedeeyay xatooyo halka markalena lagu eedeeyay inuu gabar 20-jir ah oo ardayad ah inuu faraxumeyn kula kacay!

Hadaba waxaan idiin soo xulnay taariikh ahan 10-cayaaryahan oo la mid ah Marlon King kuwaas oo noloshooda xabsi kusoo qaateen, fadlan hoos kaga bogo:

Breno

Breno (Barzil/Bayern Munich): September 2011, ayaa daaafacan magaalada Munich lagu xiray kadib markii uu gabi ahaanba gubtay gurugiisii waxaana laga helay aqalkiisii alaadada arson ee wax gubto waxaana lag xukumay sedex sano oo xarig ah ugu dambeyntii August 2013 ayaa lasoo daayay! haatana dhalinta yar ee Bayern ayuu macalin u yahay.

Lee Hughes

Lee Hughes (West Bromwich): November 2003 Hughes shil culus ayuu galay asigoo watay gaarigiisii Marcedes wuxuuna ka baxay wadada asigoo ku dhacay gaari kale taasi oo sababtay inuu qof shacab ah ku dhinto shilkaas, balse Hughes goobta ayuu isaga cararay markii lasoo qabtay xidigan waxaa lagu xukumay 6-sano inkastoo uu mudo 3-sano ah xabsiga ku qaatay haatana wuxu ka tirsan yahay naadiga Forest Green Rovers.

Joey Barton

Joey Barton (Man City): waa shaqsiga ugu muranka badan dadka kubada cagta ku aftirsado marka laga hadlaayo balse May 2008 Barton wixii uu sameeyay ilaa haatan lama iloobi karo waayo cunug dhalin yar ayuu afka ka tumay asigoo ugu yaraan 20-feer ah kala dhacay xili ay maqaayad laga cunteeyo isku af dhaafeen falkan naxdinta badan ayaa sababay in lagu ganaaxo Barton sidoo kalena 77-cisho ayuu xabsi kusoo qaatay!

Duncan Ferguson (Rangers): waxaa lagu tilmaamaa marka qaar nin waalan waayo falalkii uu sameenayo isaga xitaa isma ogo waxaana la iloobi karin in 1994 asigoo garoonka ku jiro uu madaxiisa si xun ugu hirtiyay daafacii la oran jiray John McStay wuxuuna falkaas ku muteestay 3-bilood oo xarig ah, balse waxaa la yaab ah in falkaas xitaa calaamad jaale ah lagu siinin galabkaas!

Jan Molby

Jan Molby (Liverpool): Xidigii hore ee Liverpool khadka dhexe kaga cayaari jiray isagana sanadii 1989 xarig 3-bilood ah ayuu muteestay kadib markii uu shil baabuur uu isaga qalad ku lahaa galay wuxuuna dhameestay xarigiisa kadibna kooxdiisii ayuu dib ugu soo laabtay isla xili cayaareedkaas.

Jermaine Pennant

Jermaine Pennant (Birmingham): 2005 ayuu xidigan xabsi galay kadib markii la qabtay asigoo qamri cabsan gaarigiisa raaxada ah wato, Pennant sedex bilood oo xarig ah ayaa lagu xukumay balse 30-maalmood markii uu ku jiray ayaa lasoo daayay.

Adams

Tony Adams (Arsenal): Halyeegii hore ee Arsenal mudo dheer wuxuu cabista Alkoloda iyo qamriga ayuu caado ka dhigtay balse May 1990 ayuu fadeexad culus la kulmay kadib markii uu shil baabuur galay asigoo cabsan weliba darbiga aqalkiisa ayuu ku dhuftay gaarigiisa madaama xaadkii loogu tala galay mid ka baxsan uu gaarigiisa ku waday waxaa lagu xukumay 4-bilood oo xarig ah balse 57-cisho markii uu xabsiga ku jiray waala soo daayay Adams.

Ian Wright

Ian Wright (Crystal Palace): Halyeeii hore ee Arsenal waayihiisii uu dhalinta yaraa markii uu ka tirsanaa naadiga Crystal Palace ayuu isna xabsiga soo dhadhamiyay qaraarkiisa waayo Wright labo baabuur ayuu lahaa balse wuxuu iska diiday ama dafiray inuu bixiyo canshuuraadkii iyo lacagihii ceymiska ee laga rabay ugu dambeyntii Wright waa lasoo qabtay waxaana laga qaaday lacagihii laga rabay sidoo kalena 14-cisho oo xabsi ay ayuu soo liqay!

George Best

George Best (Man United): Halyeegii Man United ee geeriyooday sanadii 1984 ayuu xasbiga galay inkastoo markaas uu cayaaraha ka fariistay hadana Best waxaa qabteen Booliska asigoo gaarigiisa xawaaro xad dhaaf ah ku wado madaama uu cabsanaa sidoo kalena booliskii ayuu la dagaalay taasina waxay keentay in xabsiga loo taxaabo.

Rene Higuita

Rene Higuita (Colombia): Ma jiro shaqsi ka dambi culus goolhayihii xulka Colombia waayo wuxuu ku lug yeeshay falal burcadnimo ah waxaana la wada xasuustaa in sanadii 1994 ayuu koobkii aduunka kaga maqnaaday madaama la xukumay kadib markii uu ku lug yeeshay fal afduub ah oo ay soo agaasimeen burcadii Colombia ugu caansadeen ee xiligaas ka ganacsan jirtay daroogada! Sidoo kale mar labaad wuxuu ku lug yeeshay Rene Higuita falkale asigoo shaqsi ahaantiisa afduubay gabar uu dhalay nin isaga ka ganacsan jiray daroogada oo ay xifaaltami jireen kadib markii falkaas marqaatiyaal loo helay waxaa Rene Higuita lagu xukumay 7-bilood oo xarig ah!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/feed/ 0
Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad: http://hiilkubad.com/wararkii-subaxnimo-ee-caalamka-kusoo-kordhay-kaga-bogo-hiilkubad/ http://hiilkubad.com/wararkii-subaxnimo-ee-caalamka-kusoo-kordhay-kaga-bogo-hiilkubad/#comments Fri, 16 May 2014 06:21:10 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22197
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad:], All Right Reserved. 2014.
]]>
Wargeys1

Waa Maalin Jimo ah oo ay taariikhduna tahay 16-May-2014, wararkii saakay ay kubada cagta ka qoreen wargeysyada iyo website-yada afka qalaad ee kubada cagta ayaan idiin soo gudbineynaa.

Inkastoo suuqa kala iibsiga uu xiran yahay hadana waxaa jira xan ay baahiyeen warbaahinta caalamka kubada cagta kuwaas oo hordhac u ah suuqa kala iibsiga ee furmi doona bisha June ee soo aadan.

  • Naadiga Everton ayaa qarka u saaran inay 6-milyan oo pound k iibsato xidiga Flop-ka ka noqday Man United Tom Cleverley.
  • Kooxaha Dortmund iyo Juventus ayaa kulan wada qaateen waxayna ka wada hadleen qaabkii Dortmund looga iibin lahaa Ciro Immobile oo haatan ka tirsan Torino balse miliyadiisa qayb ka mid aay Juve leedahay waxayna Juve soo dhaweesay dalabka naadiga reer Jarmal inkastoo Juve ay dhankeeda dalbatay in heshiiskan uu qayb ka noqdo Mats Hummels.
  • Naadiga Inter Milan ayaa wada xaajood rasmi ah la furtay kubad bur buriyaha Liverpool Lucas Leiva oo la hubo inuu xagaagan Anfield isaga tagi doono.
  • Man United ayaa ahmiyad gaar ah siin doonto soo xero galinta Kevin Strootman waxayna United dalab lagu sheegay 34-milyan oo euro ah u gudbisay kooxda AS Roma oo uu xidigan ka tirsan yahay.
  • Naadiga Napoli ayaa xidigeeda Valon Behrami dul dhigtay 20-milyan oo euro a waxaana saxiixiisa ku raad joogaan Tottenham iyo Dortmund.
  • Mario Mandzukic oo iska diiday dalabkii Arsenal wuxuuna xidigan wargesyada dalkiisa Croatia kasoo baxo u sheegay inuu Real Madrid ku biiri doono hadii ay xagaagan kooxdiisa Bayern fasaxeyso.
  • Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dagaalamayaan saxiixa Salomon Kalou oo horey ugu cayaari jiray Chelsea balse haatanka tirsan naadiga Lille ee dalka France wuxuuna xidigan diyaar u yahay inuu EPL dib ugu soo laabto.
  • Bacary Sagna ayaa wada hadalo rasmi ah la furay maamulka kooxda Man City waxaana la filaa inuu xidigan City ku biiro maal maha nagu soo fool leh asigoo si xor ah uga mid noqon doono.
  • Bayern Munich ayaa dhigeeda Chelsea ka dalbatay in David Luiz iyo Mario Mandzukic ay labadan naadi is dhaafsadaan waxaana haatan laga sugaa jawaabta ay Blues arinkan ka bixin doonto.
  • Macalinka Liverpool Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisa ay hormar wanaagsan ka sameesay sidii ay kusoo xero galin laheed 18-jirka daafaca kaga cayaaro naadiga Hamburg Jonathan Tah iyo xidiga garabka bidix ee dadafac Sevilla kaga cayaaro Alberto Moreno.
  • Macalin Van Gaal ayaa wargesyada dalka Holland  u sheegay inuu Man United keeni doono xidigaha kala ah Thomas Muller, Arjen Robben iyo Mats Hummels oo dhamaantood Bundesligaha Jarmalka ka cayaaraan.
  • Xidiga naadiga Tottenham ka tirsan Andros Townsend ayaa haatan lasoo xariireen kooxaha Everton iyo New Castle asigoo diyaar u ah inuu dalabyadan kala doorto.
  • Liverpool ayaa isha la raaceyso kubad sameeyaha naadiga Valencia Daniel Parejo waxaana 25-jirkan lagu qiimeeyaa 20-milyan oo pound sidoo kalena Arsenal iyo Everton ayaa saxiixiisa ku raad joogaan.
  • Man City ayaa sheegtay inay ku guuleesatay soo xero galinta daafaca naadiga Roma iyo xulka Moroco Mehdi Benatia waxayna City ku qaadan doontaa 20-milyan oo euro ah.


Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad:], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wararkii-subaxnimo-ee-caalamka-kusoo-kordhay-kaga-bogo-hiilkubad/feed/ 1
London Team Of The Season: Arsenal Iyo Chelsea Oo Xidigahii Ugu Badnaa Ku Yeeshay Xili Cayaareedkan http://hiilkubad.com/london-team-season-arsenal-iyo-chelsea-oo-xidigahii-ugu-badnaa-ku-yeeshay-xili-cayaareedkan/ http://hiilkubad.com/london-team-season-arsenal-iyo-chelsea-oo-xidigahii-ugu-badnaa-ku-yeeshay-xili-cayaareedkan/#comments Thu, 15 May 2014 08:10:36 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22124
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [London Team Of The Season: Arsenal Iyo Chelsea Oo Xidigahii Ugu Badnaa Ku Yeeshay Xili Cayaareedkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
London-TOTS-2014

Premiership-ka England oo dhawaan soo idlaaday waxaa u hardameen 20-naadi oo inta badan kooxahan ay ka dhisan yihiin magaalada London sida Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ay ugu tun weyn yihiin sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday 11-xidig oo xili cayaareedkan wacdaro ka dhigeen Premiership-ka kuwaas oo magaalada London kooxaha ka dhisan u saftaan waxaana xusid mudan in (London Team Of The Season 2013/14) liiska ugu badan waxaa ku yeesheen kooxaha Arsenal iyo Chelsea balse Tottenham oo sanadihii ugu dambeeyay liiskan xidigo badan ku yeelan jirtay sanadkan waxbda kuma lahaanin waxaana booskeeda laacibiin liiskan ku yeelatay naadiga Crystal Palace oo wacdaro xoogan ka dhigantahy EPL, hadaba hoos kaga bogo naadiga ugu fiican magaalada London iyo 11-ka xidig ay ka kooban tahay:

Goolhaye: Wojciech Szczesny (Arsenal)

Daafaca: Laurent Koscielny (Arsenal), Gary Cahill (Chelsea), Branslav Ivanovic (Chelsea), Joel Ward (Crystal Palace)

Khadka dhexe: Aaron Ramsey (Arsenal), Mesut Ozil (Arsenal), Mile Jedinak(Crystal Palace),

Weerarka: Santi Cazorla (Arsenal),  Ededn Hazard (Chelsea), Olivier Giroud (Arsenal)

Xidigo mudan in liiskan lagu daro balse aanan calfanin: Pter Cech, Cesar Azpilicueta, Per Mertesacker, Bacary Sagna, Emanuel Adebaour, John Terry,

F.G: Inkastoo kaalin ahaan ay kooxda Chelsea sareysay Premiership-ka hadana Arsenal waxay liiskan xidigaha London ugu wanaagsan ugu badatay inay hogaanka horyaalka heesay 128-maalmood sidoo kalena xidigaha Wenger ay noqdeen naadigii waqtigii ugu dheeraa hogaanka EPL haayay xili cayaareedkii 2013/14 ee dhawaan dhamaaday.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [London Team Of The Season: Arsenal Iyo Chelsea Oo Xidigahii Ugu Badnaa Ku Yeeshay Xili Cayaareedkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/london-team-season-arsenal-iyo-chelsea-oo-xidigahii-ugu-badnaa-ku-yeeshay-xili-cayaareedkan/feed/ 0
Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay http://hiilkubad.com/liverpool-oo-safarkii-ireland-ay-ku-tagtay-guul-kala-soo-laabatay/ http://hiilkubad.com/liverpool-oo-safarkii-ireland-ay-ku-tagtay-guul-kala-soo-laabatay/#comments Wed, 14 May 2014 18:54:23 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22053
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay], All Right Reserved. 2014.
]]>
LFC

Naadiga Liverpool ayaa 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Shamrock Rovers cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Aviva ee magaalada Dublin, kulankan xiisaha badan taageerayaal farabadan ayaa usoo daawasho tageen wuxuuna tababare Brenden Rodgers ka farxiyay taageerayaasha reer Ireland madaama xidigahiisa dhalinta yar ay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan wuxuuna macalinkan kulankan xiisaha badan kusoo bilaabay xidigo dhalin yar inkastoo qaar ka mid ah ruug cadaayasha Reds ay cayaartan ka qayb qaateen waxaana kulankan gool ku aah furay Iago Aspas daqiiqadii 8-aad, wiilka amaahda ka soo laabtay Fabio Borini ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay markii la isku soo laabtay qaybtii dambe oo cayaarta socoto 47-daqiiqo.

View image on Twitter

Macalin Rodgers wiilasha dhalinta yar ee uu kulankan ku aaminay dadaalkooda way kasoo baxeen waxaana cayaarta 3-0 ka dhigay Martin Kelly daqiiqadii 76-aad, ugu dambeyntii xidiga dhalinta yar ack Dunn, oo badal kusoo galay ayaa cayaarta 4-0 ka dhigay daqiiqadii 84-aad, wuxuuna kulankan xiisaha badan kusoo idlaaday 4-0, kadb markii kulankan uu soo idlaaday taageerayaasha reer Ireland ayaa u mahad celiyeen xidigaha Liverpool iyo macalinkooda Rodgers oo safar dag dag ah kusoo aadeen Ireland ayagoo daalan madaama bilawgii todobaadkan uu Premiership-ka soo idlaada waxayna kooxda Liverpool haatan gali doontaa fasax dheer qaar ka mid ah xidigaha kooxdan koobka aduunka ayay ka qayb qaadan doonaan halka qaar kalena ay iska dalxiisi doonaan sida Agger, Coutinho, Skrtel, Lucas, Allen iyo kuwo kale oo aan koobka aduunka cayaari doonin.

View image on Twitter

Xaqiiqada kulankan iyo Line Up-ka ay Livpool Kusoo Gashay:

Liverpool: Jones, McLaughlin, Kelly, Paez, Smith, Lucas, Allen, Coady, Ibe, Borini, Aspas.

Badalka u fadhiyay Liverpool: Ward, Dunn, Williams, Peterson, Lussey, Randall, Teixeira, Trickett-Smith, Brannagan.

Xidigaha Liverpool lasoo safreen balse aanan cayaarin kulankan: Daniel Agger, Philippe Coutinho iyo Martin Skrtel



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/liverpool-oo-safarkii-ireland-ay-ku-tagtay-guul-kala-soo-laabatay/feed/ 1
5-Xidig oo Serie A-da Miisaan Ku Leh Oo La Sheegay Inay Xagaagan Meel Kale Ka Xamaalan Doonaan http://hiilkubad.com/5-xidig-oo-serie-a-da-miisaan-ku-leh-oo-la-sheegay-inay-xagaagan-meel-kale-ka-xamaalan-doonaan/ http://hiilkubad.com/5-xidig-oo-serie-a-da-miisaan-ku-leh-oo-la-sheegay-inay-xagaagan-meel-kale-ka-xamaalan-doonaan/#comments Wed, 14 May 2014 18:05:57 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22036
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [5-Xidig oo Serie A-da Miisaan Ku Leh Oo La Sheegay Inay Xagaagan Meel Kale Ka Xamaalan Doonaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
????????????????????????????????
Horyaalka Talyaaniga waxaa ku sugan xidigaha ugu caansan caalamka intooda badana kubada cagta miisaanka ku leh madaama horyaalkan lasoo gaba gabeen doono axaa nagu soo fool leh waxaan idiin heynaa 5-cayaarryahan oo la sheegay inay Serie A-da isaga hayaami doonaan madaama ay doonayaan inay mustaqbalkooda cayaareed kasii wataan horyaale kale xidigahan waxaa loo soo xulay inay gudaha Talyaaniga miisaan culus ku leeyihiin sidoo kalena hadii ay baxaan laga dareemi doono horyaalkan qiimahiisa, fadlan laacibiintaas hoos kaga bogo:

Kevin Strootman – AS Roma: 24-jirkan Man United ayaa diyaar u ah inay £30million ku iibsato madaama macalinkan Van Gaal uu taageero ka heesto.

Kaka – AC Milan: Inkastoo da’diisa hore usii badatay hadana Kaka Serie A-da miisaan culus ayuu ku leeyahay balse wuxuu go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed kusoo gaba gabeeyo Waqooyiga dalka Mareekanka.

Arturo Vidal – Juventus: 26-jirkan £25million ayaa lagu qiimeeyaa waxaana saxiixiisa isku heestaan kooxaha Bareclona iyo Real Madrid waana xidiga ugu awood badan laacibiinta Serie A-da haatan ka cayaarto.

Paul Pogba – Juventus: 21-jirkan hormar weyn ayuu sameeyay tan iyo markii uu Man United isaga soo tagay waxaana la hubaa inu xagaagan Serie A-da isaga dhaqaaqi doono waxaana ilaa haatan baadi goob xoogan ugu jirto PSG oo lacago badan ku dooneyso.

Mario Balotelli – AC Milan: Super Mario waxaa la filaa inuu Premiership-ka dib ugu soo laaban doono madaama ay Arsenal u gacan haatineyso sidoo kalena naadiga Monaco ayaa mushaar badan u balan qaaday waxaana la rajeynaa inuusan Serie A-da baaqi kusi ahaan doonin.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [5-Xidig oo Serie A-da Miisaan Ku Leh Oo La Sheegay Inay Xagaagan Meel Kale Ka Xamaalan Doonaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/5-xidig-oo-serie-a-da-miisaan-ku-leh-oo-la-sheegay-inay-xagaagan-meel-kale-ka-xamaalan-doonaan/feed/ 0
Kooxdii Ugu Wanaagsaneed Bundesligaha Jarmalka Xili Cayaareedkii 2013/14 Oo Shaaca Laga Qaaday: http://hiilkubad.com/kooxdii-ugu-wanaagsaneed-bundesligaha-jarmalka-xili-cayaareedkii-201314-oo-shaaca-laga-qaaday/ http://hiilkubad.com/kooxdii-ugu-wanaagsaneed-bundesligaha-jarmalka-xili-cayaareedkii-201314-oo-shaaca-laga-qaaday/#comments Mon, 12 May 2014 16:17:49 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21803
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxdii Ugu Wanaagsaneed Bundesligaha Jarmalka Xili Cayaareedkii 2013/14 Oo Shaaca Laga Qaaday:], All Right Reserved. 2014.
]]>
Bundesliga Team of the season

Horyaalka Jarmalka bilawgii todobaadkan ayuu si rasmi ah usoo idlaaday inkastoo Bayern Munich ku guuleesatay Bundesligaha asigoo 7-kulan ka harsan tahay hadana xidigaha horyaalkan ka cayaaraan xili cayaareedkan waxay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan sidaa darteed waxaa si rasmi ah shaaca laga qaaday 11-kii xidig ee ugu wanaagsaneed Bundesligaha xili cayaareedkii 2013/14 oo dhawaan soo idlaaday, waxaana la yaab noqotay in kooxda Dortumund ay ku yeelatay liiskan 5-laacib inkastoo naadigan kaalinta 2-aad ku dhameesatay halka Bayern Munich oo horyaalka ku guuleesatay ay iyadana 5-laacib ku yeelatay, fadlan hoos kaga bogo kooxdii laga sameeyay xili cayaareedkaan Bundesligaha Jarmalka oo dadaalkooda lagu soo xushay:

Goolhaye: Manuel Neuer (FC Bayern München): 14-kulan wax gool ah lagama dhalinin!

Daafaca: Atsuto Uchida (FC Schalke 04), Sokratis (Borussia Dortmund), David Alaba (Bayern), Mats Hummels (Dortmund)

Khadka dhexe: Nuri Sahin (Dortmund), Philipp Lahm (Bayern), Arjen Robben (Bayern ), Franck Ribery (Bayern),

Weerarka: Marco Reus (Dortmund), Robert Lewandowski (Dortmund):

Xidigo Mudan in La Xuso Madaama Ay Dadaal Muujiyeen Xili Cayaareedkan: Marc Andre ter Stegen (Monchengladbach), Rafinha (Bayern), Dante (Bayern), Naldo (Wolfsburg), Ricardo Rodriguez (Wolfsburg), Hajime Hosogai (Hertha), Bastian Schweinsteiger (Bayern), Jefferson Farfan (Schalke), Mario Götze (Bayern), Heung-Min Son (Leverkusen), Mario Mandzukic (Bayern).



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxdii Ugu Wanaagsaneed Bundesligaha Jarmalka Xili Cayaareedkii 2013/14 Oo Shaaca Laga Qaaday:], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxdii-ugu-wanaagsaneed-bundesligaha-jarmalka-xili-cayaareedkii-201314-oo-shaaca-laga-qaaday/feed/ 0