Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Muuqaal http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 18:01:23 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro) http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/ http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/#comments Tue, 17 Jun 2014 17:41:41 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25780
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Super Mario

Kooxda Arsenal waxay isku diyaarineysaa inay xooga saarto inta uu suuqa Yurub furan yahay sidii ay kula soo saxiixan laheed weeraryahanka xulka Italy iyo naadiga AC Milan Mario Balotelli oo la sadaalinaayo inuusan Serie A-da baaqi kusii ahaan doonin, wararka ayaa intaas ku daraayo in Arsenal ay xidigan haatan ku dooneyso £25 million, hadaba waxaan idiin heynaa 10-Arimaado Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato, fadlan hoos kaga bogo:

1) Si Wanaagsan Ayuu Luqada Ingiriiska U Kasaa

2) Waa Xidig awood badan sidoo kalena dhalintiisa wanaagsan tahay.

3) Waa laacib daacad ah oo qalbigiisa nadiif yahay.

4) Super Mario waa xidig madadaaliyo taageerayaasha iyo xitaa cayaartooyda garoonka ku jiraan.

5) Balotelli waa shaqsi isku kalsoon.

6) Kalsooni dheeraad ah ayuu isku qabaa marka loo eego xidigaha Arsenal ku sugan.

.

7) Waa ma ganbade waxaana laga qoray inuu hada ka hor yiri “Kaliya waxaa jiro hal xidig oo iga awood badan waa Messi, balse inta kale aniga ayay iga hooseeyaan!!”

8) Baabuur makaaga baahno! Super Mario meeshii uu joogo iyo gadiidkii laga heli karo ayuu soo raacaa xitaa Mooto ha noqoto isaga ayaa is dabaro oo tababarka soo xaadiro!

9) Waa xidig ay daafacyada ka cabsadaan sidoo kalena soo bandhigo farsamo cajiib badan mararka qaar.

.

10) Waa xidig soo jiidasho badan, dabcan hadii uu Arsenal imaado waa hubaal in qaar ka mid ah xidigaha aduunka ay Emirates usoo dhaqaaqi doonaan, xitaa waa macquul inuu madaxweyne Barack Obama ku qanciyo inuu Arsenal taageero u noqdo!!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw 10-Arimaad Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-10-arimaado-oo-arsenal-ku-qasbaayo-inay-mario-balotelli-lasoo-saxiixato-sawiro/feed/ 2
Wax Ka Ogaaw Sida Loo Sameeyay Kubadaa Koobka Aduunka Xagaagan Lagu Cayaari Doono (+Sawiro) http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-sida-loo-sameeyay-kubadaa-koobka-aduunka-xagaagan-lagu-cayaari-doono-sawiro/ http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-sida-loo-sameeyay-kubadaa-koobka-aduunka-xagaagan-lagu-cayaari-doono-sawiro/#comments Thu, 22 May 2014 06:03:24 +0000 http://hiilkubad.com/?p=23002
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Sida Loo Sameeyay Kubadaa Koobka Aduunka Xagaagan Lagu Cayaari Doono (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
World-Cup-2014-soccer-balls-pakistan-company-forward-sports

Koobka aduunka xiiso gaar ah ayuu leeyahay sanadkan waxaana maalin walbo laga soo bandhigaa xog ku aadan tartankan diyaar garowga loogu jiron maantana waxaan idiin heynaa macluumaad ku saabsan kubadaha koobka aduunka xagaagan lagu cayaari doono qaabka loo sameeyay iyo shirkada qandaraaskan qaadatay, inkastoo Adidas ay tahay shirakada masuulka ah sameynta qalabka kala duwan ee koobka aduunka la adeegsan doono hadana sameynta kubadaha lagu cayaari doono waxaa si gaar ah loogu wareeejiyay hawshaas kuna guuleestaya shirkad laga leeyahay dalka Pakistan waxayna shirkadan sameesay dadaal xoogan oo aad loogu amaanay madaama ay kubadaha koobka aduunka lagu cayaari doono ku sameesay waqtigii loogu tala tala galay, fadlan qaabkii loo sameeyay hoos kaga bogo muuqaal ahaan:

Khawaja Akhtar waa masuulka ugu sareeyo shirkada Sports Pvt, Pakistan wuxuuna kaga guuleestay qandaraaska kubad sameynta shirkad reer China , Khawaja Akhtar waa shaqsi jecel daawashada kubada cagta wuxuuna xagaagan u guuleestay inuu sameeyo kubada ay ku cayaari doonaan xidigaha aduunka ugu caansan ee dalka Brazil isugu imaan doonaan.

Bal Nala Arag Sida Loo Sameeyay Kubada Koobka Aduunka Lagu Cayaari Doono:



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Sida Loo Sameeyay Kubadaa Koobka Aduunka Xagaagan Lagu Cayaari Doono (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-sida-loo-sameeyay-kubadaa-koobka-aduunka-xagaagan-lagu-cayaari-doono-sawiro/feed/ 0
Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan http://hiilkubad.com/messi-iyo-cristiano-ronaldo-oo-hal-film-wada-jilaayo-daawo-video-xiiso-badan/ http://hiilkubad.com/messi-iyo-cristiano-ronaldo-oo-hal-film-wada-jilaayo-daawo-video-xiiso-badan/#comments Mon, 19 May 2014 10:32:28 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22681
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Messi and CR7

Waxaa dhamaad ku dhow filmkii weynaa ee lagu xayeysiinaayay Samsung GALAXY11 waxaana mashruucan ku baxay malaayiin lacago ah, xayeysiintan waxaa markii ugu horeesay la isugu keena labada laacib ee aduunka ugu wanaagsan xiligan la joogo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxayna ogolaadeen inay hal film wada jilaan, haatan filmkan ayaa dhamaad ku dhow waxaana laga soo bandhigay Video aad u xiiso badan kaasi oo muujinayo doorka ay labadan laacib ku leeyihiin filmkan waxayna ku jili doonaan inay dunida ka bad baadiyaan halis kusoo fool leh.

Filmkan lagu xayeysiinaayo GALAXY11 sidoo kale waxaa qayb ka ah qaar ka mid ah xidigaha aduunka ugu caansan sida Wayne Rooney, Radamel Falcao iyo kuwo kale waxaana kooxdan GAlAXY11 macalin u ah halyee Franz Beckenbauer oo hadafkiisa yahay inuu dunida ka bad baadiyo halis soo wajahday wuxuuna adeegsan doonaa Messi iyo Ronaldo oo hormuud ka ah Mission-ka aduunka lagu bad baadinaayo!

Messi ayaa muqaalka kowaad Mission-ka fulinaayo waxaana garab siinayaan xidigaha kala ah Mario Gotze iyo Stephan El Shaarawy waxayna si xeeladeesan ugu guuleesanayaan hadafkooda dabcan marwalbana waxaa tilmaamo siinayo macalin Beckenbauer.

Mission-ka labaad waxaa hogaaminaayo Cristiano Ronaldo oo isaga garab ka helaayo Falcao, Oscar iyo Rooney iyagana waxay sameenayaan farsamo iyo xeelad aad loola dhacay!

Sidoo kale filmkan muuqaalo kala duwan waxaa ku leh xidigo badan sida Victor Moses, London Donavon, goolhaye Iker Casillas iyo kuwo kale.

Dhamaadka muuqaalkan ayaa xiiso gaar ah leh waayo Mission-ka si wadajir ah ayay u fulinayaan Ronaldo iyo Messi waayo aalad qarxi rabto ayaa la rabaa in dunida laga bad baadiyo sidaa darteed goolhaye Casilas ayaa soo tuurayo aalada waxaa xabada saaranayo Rooney oo sii laadayo kadib Cristiano Ronaldo ayaa inta uu xabadka saarto lana sii ordo ayuu si awood ku dheehan aaladii qarxi rabtay u laadayo Messi ayaa markan la wareegayo aaladii qarxi rabtay wuxuuna qaab cajiib ah uga saarayaa dhismahii ay ku qarxi rabtay aaladan sidaas ayaana dunida oo idil lagu bad baadinaa.

Fadlan Video hoos ka daawo kadib adiga ayaaba faalo ka bixin doontid hadaba maxay kula tahay Filmkan yaa atoore ka ah Messi iyo Ronaldo sidoo kalena muuqaalkan kooban labadan xidig midkee siweyn kuu soo jiitay, faaladada waa adiga aqriste!!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/messi-iyo-cristiano-ronaldo-oo-hal-film-wada-jilaayo-daawo-video-xiiso-badan/feed/ 4
Daawo: Video Soo Koobaayo 9-sano Aysan Arsenal Wax Koob Ah Qaadin Dunida Kubada Cagta Wixii Iska Badalay!! http://hiilkubad.com/daawo-video-soo-koobaayo-9-sano-aysan-arsenal-wax-koob-ah-qaadin-dunida-kubada-cagta-wixii-iska-badalay/ http://hiilkubad.com/daawo-video-soo-koobaayo-9-sano-aysan-arsenal-wax-koob-ah-qaadin-dunida-kubada-cagta-wixii-iska-badalay/#comments Sat, 17 May 2014 10:02:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22413
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Daawo: Video Soo Koobaayo 9-sano Aysan Arsenal Wax Koob Ah Qaadin Dunida Kubada Cagta Wixii Iska Badalay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Gunners Draught Era

Caawo fiidkii Arsenal waxay ku taameysaa inay ku guuleesato koobkii ugu horeeyay mudo 9-sano kadib sidaa darteed naadigan faca weyn mudo dheer ayaysan wax koob ah arkin waxaana xiligaas dunid kubada cagta iska badalay waxyaabo badan oo aan lasoo koobi karin sidaa darteed film kooban ayaa laga sameeyay wixii caalamka iska badalay mudada 9-sano oo aysan Arsenal  wax koob ah qaadin, tusaale ahaan 9-sano oo aysan Arsenal wax koob ah qaadin 29-naadi oo reer England ah ayaa koobab kal duwan hanteen, dabcan qaarada Yurub wixii ka dhacayna masoo koobi karno, filmkan bal nala daawo kadib adiga ayaa wax badan ogaan doontid:

Hadii aan Idiin soo koobno filmkan wuxuu soo bandhigay:

Waxaa kasoo wareegatay 3250-maalmood galabkii ay Arsenal ku guuleesatay koobkeedii ugu dambeeyay!

Tottenham tan iyo markaas waxaa hogaankeeda isku badaleen 5-macalin hada waa 9-sano aysan Arsenal wax koob ah qaadin!

Laga soo bilaabo sanadii 2005 ilaa haatan koox walbo oo England ka dhisan macalinkeeda way iska badashay marka laga reebo Arsenal.

Arsenal waxay qarash gareesay 9-sano ee ugu dambeesay 250-milyan oo pound ilaa haatana wax koob ah ma qaadin!

Man United waxay mudadaas ku guuleesatay 15-koob oo heer caalami ah! Chelsea 11-koob halka Liverpool iyo Man Ciy ay min 5-koob ku guuleesatay isla mudada aysan Arsenal wax koob ah qaadin. halka Tottenham 1-koob qaaday

23-cayaaryahan oo Arsenal ka tagtay 9-sano ee ugu dambeesay 68-koob ayay ku guuleesteen.

Naadiga haweenka Arsenal waxay ku guuleesteen 29-koob 9-sano ee ugu dambeesay

Lionel Messi wuxuu dhaliyay 390-kulan asigoo cayaaray 352-kulan mudada 9-sano ah oo aysan Arsenal wax koob ah qaadin. 4-jeer oo xariir ah ayuu Ballon d’Or ku guuleestay sidoo kalena 15-koob oo heer caalami ah ayuu xidigan qaaday

Pep Guardiola 9-sano ee ugu dambeesay gudaheeda ayuu cayaarahakaga fariistay sidoo kalena uu macalin ku noqday wuxuuna ku guuleestay 14-koob oo heer caalami ah. kadib Bayern ayuu sanadkan qabtay wuxuuna u qaaday 3-koob oo dheeraad ah



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Daawo: Video Soo Koobaayo 9-sano Aysan Arsenal Wax Koob Ah Qaadin Dunida Kubada Cagta Wixii Iska Badalay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/daawo-video-soo-koobaayo-9-sano-aysan-arsenal-wax-koob-ah-qaadin-dunida-kubada-cagta-wixii-iska-badalay/feed/ 0
Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen? http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/ http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/#comments Sat, 17 May 2014 08:02:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22385
Tags:  



Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen?], All Right Reserved. 2014.
]]>
Marlon King and 10 Footballers Who've Been to Prison

Naadiga Sheffield United waxay dhawaan iska fasaxday oo ay qandaraaskiisa nasaqday weeraryahanka lagu magacaabo Marlon King mana la filaayo in xidigan uu xirfadiisa cayaareed ku shaqeyn doono goor dhow waayo sedex jeer oo kala duwan ayuu xabsi muteestay sidaa darteed Marlon King magaciisa waa hubaal inuusan ehel usii ahaan doonin kubada cagta, weliba The Guardian wuxuu sheegay in xidigan mudo 18-bilood uu xabsi ku qaadan doono madaama uu shil baabuur uu galay asigoo ku waday gaarigiisa xadkii loogu tala galay mid ka baxsan sidoo kalena King oo horey ugu cayaari jiray naadiga Hull City labo jeer oo kale ayuu xabsi galay mar waxaa lagu eedeeyay xatooyo halka markalena lagu eedeeyay inuu gabar 20-jir ah oo ardayad ah inuu faraxumeyn kula kacay!

Hadaba waxaan idiin soo xulnay taariikh ahan 10-cayaaryahan oo la mid ah Marlon King kuwaas oo noloshooda xabsi kusoo qaateen, fadlan hoos kaga bogo:

Breno

Breno (Barzil/Bayern Munich): September 2011, ayaa daaafacan magaalada Munich lagu xiray kadib markii uu gabi ahaanba gubtay gurugiisii waxaana laga helay aqalkiisii alaadada arson ee wax gubto waxaana lag xukumay sedex sano oo xarig ah ugu dambeyntii August 2013 ayaa lasoo daayay! haatana dhalinta yar ee Bayern ayuu macalin u yahay.

Lee Hughes

Lee Hughes (West Bromwich): November 2003 Hughes shil culus ayuu galay asigoo watay gaarigiisii Marcedes wuxuuna ka baxay wadada asigoo ku dhacay gaari kale taasi oo sababtay inuu qof shacab ah ku dhinto shilkaas, balse Hughes goobta ayuu isaga cararay markii lasoo qabtay xidigan waxaa lagu xukumay 6-sano inkastoo uu mudo 3-sano ah xabsiga ku qaatay haatana wuxu ka tirsan yahay naadiga Forest Green Rovers.

Joey Barton

Joey Barton (Man City): waa shaqsiga ugu muranka badan dadka kubada cagta ku aftirsado marka laga hadlaayo balse May 2008 Barton wixii uu sameeyay ilaa haatan lama iloobi karo waayo cunug dhalin yar ayuu afka ka tumay asigoo ugu yaraan 20-feer ah kala dhacay xili ay maqaayad laga cunteeyo isku af dhaafeen falkan naxdinta badan ayaa sababay in lagu ganaaxo Barton sidoo kalena 77-cisho ayuu xabsi kusoo qaatay!

Duncan Ferguson (Rangers): waxaa lagu tilmaamaa marka qaar nin waalan waayo falalkii uu sameenayo isaga xitaa isma ogo waxaana la iloobi karin in 1994 asigoo garoonka ku jiro uu madaxiisa si xun ugu hirtiyay daafacii la oran jiray John McStay wuxuuna falkaas ku muteestay 3-bilood oo xarig ah, balse waxaa la yaab ah in falkaas xitaa calaamad jaale ah lagu siinin galabkaas!

Jan Molby

Jan Molby (Liverpool): Xidigii hore ee Liverpool khadka dhexe kaga cayaari jiray isagana sanadii 1989 xarig 3-bilood ah ayuu muteestay kadib markii uu shil baabuur uu isaga qalad ku lahaa galay wuxuuna dhameestay xarigiisa kadibna kooxdiisii ayuu dib ugu soo laabtay isla xili cayaareedkaas.

Jermaine Pennant

Jermaine Pennant (Birmingham): 2005 ayuu xidigan xabsi galay kadib markii la qabtay asigoo qamri cabsan gaarigiisa raaxada ah wato, Pennant sedex bilood oo xarig ah ayaa lagu xukumay balse 30-maalmood markii uu ku jiray ayaa lasoo daayay.

Adams

Tony Adams (Arsenal): Halyeegii hore ee Arsenal mudo dheer wuxuu cabista Alkoloda iyo qamriga ayuu caado ka dhigtay balse May 1990 ayuu fadeexad culus la kulmay kadib markii uu shil baabuur galay asigoo cabsan weliba darbiga aqalkiisa ayuu ku dhuftay gaarigiisa madaama xaadkii loogu tala galay mid ka baxsan uu gaarigiisa ku waday waxaa lagu xukumay 4-bilood oo xarig ah balse 57-cisho markii uu xabsiga ku jiray waala soo daayay Adams.

Ian Wright

Ian Wright (Crystal Palace): Halyeeii hore ee Arsenal waayihiisii uu dhalinta yaraa markii uu ka tirsanaa naadiga Crystal Palace ayuu isna xabsiga soo dhadhamiyay qaraarkiisa waayo Wright labo baabuur ayuu lahaa balse wuxuu iska diiday ama dafiray inuu bixiyo canshuuraadkii iyo lacagihii ceymiska ee laga rabay ugu dambeyntii Wright waa lasoo qabtay waxaana laga qaaday lacagihii laga rabay sidoo kalena 14-cisho oo xabsi ay ayuu soo liqay!

George Best

George Best (Man United): Halyeegii Man United ee geeriyooday sanadii 1984 ayuu xasbiga galay inkastoo markaas uu cayaaraha ka fariistay hadana Best waxaa qabteen Booliska asigoo gaarigiisa xawaaro xad dhaaf ah ku wado madaama uu cabsanaa sidoo kalena booliskii ayuu la dagaalay taasina waxay keentay in xabsiga loo taxaabo.

Rene Higuita

Rene Higuita (Colombia): Ma jiro shaqsi ka dambi culus goolhayihii xulka Colombia waayo wuxuu ku lug yeeshay falal burcadnimo ah waxaana la wada xasuustaa in sanadii 1994 ayuu koobkii aduunka kaga maqnaaday madaama la xukumay kadib markii uu ku lug yeeshay fal afduub ah oo ay soo agaasimeen burcadii Colombia ugu caansadeen ee xiligaas ka ganacsan jirtay daroogada! Sidoo kale mar labaad wuxuu ku lug yeeshay Rene Higuita falkale asigoo shaqsi ahaantiisa afduubay gabar uu dhalay nin isaga ka ganacsan jiray daroogada oo ay xifaaltami jireen kadib markii falkaas marqaatiyaal loo helay waxaa Rene Higuita lagu xukumay 7-bilood oo xarig ah!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sheeko Yaab Badan: Maxaa Ka Taqaan 10-ka Laacib ee Nolosheeda Xabsi Soo Mareen?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sheeko-yaab-badan-maxaa-ka-taqaan-10-ka-laacib-ee-nolosheeda-xabsi-soo-mareen/feed/ 0
Wax Ka Ogaaw Taariikh Ahaan 10-ka Xul Ee Maaliyadii Ugu Xumeed Koobka Aduunka Lasoo Shirtageen (+Sawiro) http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-taariikh-ahaan-10-ka-xul-ee-maaliyadii-ugu-xumeed-koobka-aduunka-lasoo-shirtageen-sawiro/ http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-taariikh-ahaan-10-ka-xul-ee-maaliyadii-ugu-xumeed-koobka-aduunka-lasoo-shirtageen-sawiro/#comments Sat, 17 May 2014 06:59:41 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22379
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Taariikh Ahaan 10-ka Xul Ee Maaliyadii Ugu Xumeed Koobka Aduunka Lasoo Shirtageen (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Top-10-Worst-Kits-in-World-cup-History

Maalin walbo sheekooyin xiiso badan oo ku saabsan koobka aduunka ayaa lasoo bandhigaa ka hor inta uusan tartankan si rasmi ah uga bilaabanin dalka Brazil bisha nagu soo fool leh waxaan maalin walbo idiin soo gudbin doonaa dhacdooyinka taariikhiga ah ee kooban xiisaha badan la xariiraan sidaa darteed maanta waxaan idiin heynaa maqaal ku saaban 10-kii xul ee taariikh ahaan koobka aduunka lasoo shirtageen maaliyadii ugu xumeed, ma ahan inay hal tartan lasoo shirtageen balse tartamadii lasoo cayaaray ayaa laga soo dhex xulay xulalkii maaliyadii ugu fool xumeed lasoo shirtageen, hadaba boos kaga bogo muuqaalka maaliyadahaas iyo xiliyadii ay xulalkaas lasoo shirtageen:

the worst kits wear by any team

#1: USA : 1994 Kits of  World Cup :

most powerful kits

#2: Bolivia : 1930 of Fifa World Cup :

most worst kits

#3: Germany : 1994 Kits of  World Cup :

old kits of Mexico

#4: Mexico : 1998 Kits of  World Cup :

the worst kits of scotland

#5: Scotland : 1986 Kits of World Cup :

the most influential kits

#6: England : 1990 Kits of World Cup :

powerful teams of world cup

#7: Spain : 1994 Kits of World Cup :

most contrasted kits in world

#8: Ecuador : 2006 Kits of World Cup :

most advances kits in world

#9: Jamaica : 1998 Kits of World Cup :

most powerful kits to see

#10: South Africa : 1998 Kits of World Cup :

F.G: koobabkii aduunka 1994 iyo 1998 ayaa noqdeen tartamadii maaliyadihii ugu xumaa lasoo shirtago weliba in sedex xul oo top 10-ka sare ku jiraan ayaa lasoo shirtageen maaliyado fool. Tolow sanadkan xulkee lasoo shirtagi doono maaliyad fool xun?



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Taariikh Ahaan 10-ka Xul Ee Maaliyadii Ugu Xumeed Koobka Aduunka Lasoo Shirtageen (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-taariikh-ahaan-10-ka-xul-ee-maaliyadii-ugu-xumeed-koobka-aduunka-lasoo-shirtageen-sawiro/feed/ 0
Qosol Badanaa:Muqaal Ahaan Isbadalka Ku Yimid Qaar Ka Mid Ah Laacibiinta Ka Qayb Qaadan Doonaan FIFA World Cup http://hiilkubad.com/qosol-badanaamuqaal-ahaan-isbadalka-ku-yimid-qaar-ka-mid-ah-laacibiinta-ka-qayb-qaadan-doonaan-fifa-world-cup/ http://hiilkubad.com/qosol-badanaamuqaal-ahaan-isbadalka-ku-yimid-qaar-ka-mid-ah-laacibiinta-ka-qayb-qaadan-doonaan-fifa-world-cup/#comments Thu, 15 May 2014 19:44:56 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22193
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Qosol Badanaa:Muqaal Ahaan Isbadalka Ku Yimid Qaar Ka Mid Ah Laacibiinta Ka Qayb Qaadan Doonaan FIFA World Cup], All Right Reserved. 2014.
]]>
Inta badan laacibiinta aduunka ugu caansan waxaa laga hayaa sawiro min bilaaw ilaa dhamaad maalintii ay kubada cagta kusoo biireen sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo bandhigay muuqaalo muujinaayo isbadalka wajihaan ku yimid qaar ka mid ah xidigaha aduunka ugu caansan ee xagaagan koobka aduunka ka qayb qaadan doonaan, qaarkood waxaa ka muuqato in da’da ay ka daba timid marka loo bar bar dhigo waayo waayo muqaalkooda sida uu ahaan jiray.Hadaba laacibiintaan la is bar bar dhigay muuqaalkooda hoos kaga bogo waa hubaal inaad qosli doontid, balse haki kadsoomin qaar ka mid ah waxba iskama badalin muqaalkooda waxaaba is leedahay marbada da’dooda waxba kuma kordhin.Fadlan hoos kaga bogo sawiran xiisaha badan waxaana kasoo xiganay www.eurosport.com. Waxaa naga xasuusin ah in sawiradan la isku bar bar dhigay ay yihiin 8-sano ka hor markii xidigaha ay ka qayb qaateen koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Jarmalka iyo maanta muuqaalkooda sida uu yahay ayadoo sanadkan 2014 dalka Brazil tartankan lagu qaban doono ay ka qayb qaadan doonaan:



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Qosol Badanaa:Muqaal Ahaan Isbadalka Ku Yimid Qaar Ka Mid Ah Laacibiinta Ka Qayb Qaadan Doonaan FIFA World Cup], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/qosol-badanaamuqaal-ahaan-isbadalka-ku-yimid-qaar-ka-mid-ah-laacibiinta-ka-qayb-qaadan-doonaan-fifa-world-cup/feed/ 1
Top 10 Video: Daawo 10-ka Gool Ee Ugu Quruxda Badnaa Premiership-ka Xili Cayaareedkan: http://hiilkubad.com/21583/ http://hiilkubad.com/21583/#comments Sat, 10 May 2014 18:38:13 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21583
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Top 10 Video: Daawo 10-ka Gool Ee Ugu Quruxda Badnaa Premiership-ka Xili Cayaareedkan:], All Right Reserved. 2014.
]]>
Luis Suarez

Horyaalka England hal kulan oo qura ayaa ka harsan waxaana idiin heynaa 10-ka gool ee ugu quruxda badan xili cayaareedkan 2013/14 waxaana goolashan lagu doortay kadib markii codeyn mudo bilooyin ah loo sameenayay sidoo kalena dhamaan daafaha caalamka ayaa laga marag kacay quruxda ay goolashan leeyihiin, fadlan hoos kaga bogo muuqaalkan ama Video-ka laga sameeyya 10-ka gool ee xili cayaareedkan ugu goolasha badan:

1 PAJTIM KASAMI (Crystal Palace v FULHAM)

2 JONJO SHELVEY (SWANSEA v Aston Villa)

3 WAYNE ROONEY (West Ham v MAN UTD)

4 LUIS SUAREZ (LIVERPOOL v Norwich)

5 JACK WILSHERE (ARSENAL v Norwich)

6 ROSS BARKLEY (Newcastle v EVERTON)

7 DANIEL STURRIDGE (LIVERPOOL v West Brom)

8 SANDRO (TOTTENHAM v Man Utd)

9 ASMIR BEGOVIC (STOKE v Southampton)

10 MORGAN AMALFITANO (WEST BROM v Cardiff)



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Top 10 Video: Daawo 10-ka Gool Ee Ugu Quruxda Badnaa Premiership-ka Xili Cayaareedkan:], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/21583/feed/ 0
Helena Costa Oo Noqotay Haweyneedii Ugu Horeesay Ee Macalin Ka Noqoto 5-Horyaal Ee Yurub Ugu Caansan!! http://hiilkubad.com/helena-costa-oo-noqotay-haweyneedii-ugu-horeesay-ee-macalin-ka-noqoto-5-horyaal-ee-yurub-ugu-caansan/ http://hiilkubad.com/helena-costa-oo-noqotay-haweyneedii-ugu-horeesay-ee-macalin-ka-noqoto-5-horyaal-ee-yurub-ugu-caansan/#comments Wed, 07 May 2014 16:26:50 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21377
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Helena Costa Oo Noqotay Haweyneedii Ugu Horeesay Ee Macalin Ka Noqoto 5-Horyaal Ee Yurub Ugu Caansan!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Helena-Costa

Helena Costa oo u dhalatay dalka Portugal ayaa ku tilaabsatay heer aan laga fileyn madaama si rasmi ah haweyneedan loogu magacaabay macalimada naadiga heerka labaad Clermont Foot ee ka dhisan dalka France, aqbaartan dalka France oo kaliya ma hareynin balse Yurub oo dhan ayay madaxa ka qabsatay madaama ay gabadhan noqotay haweyneedii ugu horeesay ee macalin ka noqoto 5-horyaal ee qaarada Yurub ugu caansan (Premiership, La Liga, Bundesliga, Serie, Ligue 1).

Helena Costa oo 39-jir ah dhawaan waxay macalin u ahayd xulka gabdhaha Iran sidoo kalena waxay shaqooyin kala duwan kasoo qabatay naadiyada Benfica iy Celtic balse markaan tilaabo sare ayay hore u qaaday  madaama si rasmi ah xil cayaareedka dambe ayadoo macalin ah loogu dhex arki doono horyaalka heerka labaad ee dalka France, sidoo kale gabadhan waxay horey macalin ugu soo noqotay xulka gabdhaha Qatar balse markii ugu horeesayay ayay noqon doontaa oo ay ragg hogaamiso waxaana Helena lagu wareejiyay hogaanka naadiga Clermont Foot oo ay ku sugan yihiin 17-cayaatooy oo ragg ah sidoo kalena xidigo dhalin yar ayaa kooxdan lagu soo kordhin doonaa,

Waxaa naga xasuusin ah sanadii 1999 gabadha lagu magacaabo Carolina Morace macalinimada kooxdii heerka 3-aad ee dalka Talyaaniga Viterbese balse gabadhan shaqada kuma waarin kaliya labo kulan ayay heesay naadiga Viterbese! sidaa darted Helena Costa oo ah qof karti badan waxay wacad ku martay inaysan midaas oo kale ku dhici doonin sidoo kalena ay naadiga Clermont Foot keeni doonto heerka 1-aad ee horyaalka France waxaana si rasmi ah saxaafada loogu soo badhigi doona marka uu xili cayaareedkan dhamaado oo haatan dalka France ka harsan labo kulan oo qura.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Helena Costa Oo Noqotay Haweyneedii Ugu Horeesay Ee Macalin Ka Noqoto 5-Horyaal Ee Yurub Ugu Caansan!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/helena-costa-oo-noqotay-haweyneedii-ugu-horeesay-ee-macalin-ka-noqoto-5-horyaal-ee-yurub-ugu-caansan/feed/ 0
Muqaalo Qosol Badan Oo Laga Sameeyay Guuldaradii Liverpool Ay Kala Kulantay Chelsea!! http://hiilkubad.com/muqaalo-qosol-badan-oo-laga-sameeyay-guuldaradii-liverpool-ay-kala-kulantay-chelsea/ http://hiilkubad.com/muqaalo-qosol-badan-oo-laga-sameeyay-guuldaradii-liverpool-ay-kala-kulantay-chelsea/#comments Sun, 27 Apr 2014 16:04:23 +0000 http://hiilkubad.com/?p=20197
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muqaalo Qosol Badan Oo Laga Sameeyay Guuldaradii Liverpool Ay Kala Kulantay Chelsea!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Steven Jokes

Kooxda Liverpool ayaa aamintay inaan laga xigin hanashada Premiership-ka England sidoo kalena macalin Brenden Rodgers ayaa aaminsanaa in xidigahiisa ay ciqaabi doonaan Chelsea oo kulankan kusoo bilaawday xidigo aanan si joogto ah Premiership-ka uu cayaarin balse ugu dambeyntii dhibcaha waxaa la tagay macalin Jose Mourinho oo haatan aaminsan in kooxdiisa Chelsea ay horyaalkan hanan karto madaama ay 2-dhibcood oo qura ka hooseeyaan kooxda Liverpool, hadaba guuldarada Reds ku dhacday waxaa eeda dusha looga tuuray kabtan Steven Gerard oo nasiib xumo qalday kubad aan laga fileyn kadib markii uu sibxaday waxaana u mahad celiyay Demba Ba oo shabaqa ku hubsaday kubada.

Hadaba muuqaalo xiiso badan ayaa laga sameeyay markii uu kabtan Steven sibxaday sidoo kalena asigoo arkaayo kubada uu Demba Ba ku horqaatay, kulankan wuxuu ku idlaaday 2-0. hada hoos kaga bogo sawiradan qosolka badan:



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muqaalo Qosol Badan Oo Laga Sameeyay Guuldaradii Liverpool Ay Kala Kulantay Chelsea!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/muqaalo-qosol-badan-oo-laga-sameeyay-guuldaradii-liverpool-ay-kala-kulantay-chelsea/feed/ 0