Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » La liga http://hiilkubad.com Fri, 04 Jul 2014 15:31:16 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 DEG-DEG: Kabtan Gabi Fernandez Oo Heshiiska U Kordhiyay Atletico Madrid http://hiilkubad.com/deg-deg-kabtan-gabi-fernandez-oo-heshiiska-kordhiyay-atletico-madrid/ http://hiilkubad.com/deg-deg-kabtan-gabi-fernandez-oo-heshiiska-kordhiyay-atletico-madrid/#comments Fri, 04 Jul 2014 13:53:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28214
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [DEG-DEG: Kabtan Gabi Fernandez Oo Heshiiska U Kordhiyay Atletico Madrid ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Gabi

Atletico Madrid ayaa ilaashaneysa xidigaheeda muhiimka ah kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixixeen kabtankooda Gabi Fernandez kaas oo kooxda kusii sugnaan doona ilaa July 2017.

Gabi ayaa qeyb weyn ka qaatay kacdoonkii Diego Simeone ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo kooxda ka dhisan Vincent Calderon ay ku guuleystay Horyaalka La Liga sidoo kalana 1-daqiiqo u jirsatay iney hanato Champions League markii ugu horeysay taariikhda inkastoo gool ka yimid Ramos iyo goolal daad ah oo ka dambeeyay ay u diideen.

Atletico Madrid ayaa bogga ay ku leedahay aalada isku xirka bulshada ee Twitter-ka ku shaacisay iney heshiis waqti dheer ah ka saxiixeen kabtankoda Gabi Fernandez.

Atleico Twitter

Sidoo kale Kabtan Gabi ayaa ka hadlay heshiiska cusub isagoo riyo ku tilmaamay inuu sanado kale sii joogo garoonka Vincent Calderon.

Ugu dambeyntii Gabi ayaa sii joogi doona Atletico Madrid xili goor sii horeysay ay heshiisyo cusub ka saxiixeen xidigaha Juanfran iyo Koke oo ka mid ah wiilasha ugu muhimsan kooxda.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [DEG-DEG: Kabtan Gabi Fernandez Oo Heshiiska U Kordhiyay Atletico Madrid ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/deg-deg-kabtan-gabi-fernandez-oo-heshiiska-kordhiyay-atletico-madrid/feed/ 0
Miyey FIFA U Ogolaaneysa Luis Suarez Inuu La Tababarto Barcelona Mudada Ganaaxa? http://hiilkubad.com/miyey-fifa-ogolaaneysa-luis-suarez-inuu-la-tababarto-barcelona-mudada-ganaaxa/ http://hiilkubad.com/miyey-fifa-ogolaaneysa-luis-suarez-inuu-la-tababarto-barcelona-mudada-ganaaxa/#comments Fri, 04 Jul 2014 13:32:55 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28205
Tags:  



Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Miyey FIFA U Ogolaaneysa Luis Suarez Inuu La Tababarto Barcelona Mudada Ganaaxa?], All Right Reserved. 2014.
]]>
Suarez bite

Xiriirka Kubada Cagta Aduunka FIFA ayaa ka hadlay warar ay saakay qoreen warbaahinta kubada cagta qaar kaas oo sheegayay in Fifa ay u ogolaatay Suarez inuu la tababaran karo kooxda Barcelona hadii uu ku biiro mudada ganaaxa.

Madaxa gudiga Anshaxa xiriirka kubada cagta Aduunka Claudio Sulser ayaa shaaca ka qaaday in FIFA aysan Suarez u oglaan doonin inuu ka qeyb qaato waxqabad walba oo kubada cagta mudada uu ganaxan yahay ee Afrta bilood balse wuxuu carabka ku adkeeyay in loo ogolaaday inuu tijaabo caafimaad u maro kaliya kooxda Barcelona hadii labada kooxood ay soo afjaraan heshiiska xidigaan.

“Ciyaariyahanka kama qeyb qaadan karo waxqabad kubadeed balse caafimaad wuu u mari karaa Barcelona” sidaa waxaa yiri Claudio Sulser.

Luis Suarez ayaa ganaax afar bilood ah garka loo galiyay kadib markii uu qaniinay daafaca reer talyaani Chiellini kulankii ugu dambeeyay group D.

Kooxdaha Liverpool iyo Barcelona ayaa dhameystay wadahadalkii u dhaxeeyay e ku aadanaa saxiixa Suarez balse sida ay shaacisay Daily Mail 48-saac ee soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaa saxiixa xidigaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Miyey FIFA U Ogolaaneysa Luis Suarez Inuu La Tababarto Barcelona Mudada Ganaaxa?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/miyey-fifa-ogolaaneysa-luis-suarez-inuu-la-tababarto-barcelona-mudada-ganaaxa/feed/ 0
RASMI: Kooxda Valencia Oo Ku Dhawaaqday Tababare Cusub http://hiilkubad.com/kooxda-valencia-oo-ku-dhawaaqday-tababare-cusub/ http://hiilkubad.com/kooxda-valencia-oo-ku-dhawaaqday-tababare-cusub/#comments Fri, 04 Jul 2014 09:46:53 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28177
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [RASMI: Kooxda Valencia Oo Ku Dhawaaqday Tababare Cusub], All Right Reserved. 2014.
]]>
Nuno

Kooxda kubada cagta Valencia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday tababaraheeda cusub kadib markii ay shaqada ka raacdeeyeen Pizzi oo ahaa macalin reer Argentina kaas oo xilka kooxa hayay mudo  6-bilood ah.

Nuno Espírito Santo oo horay goolhaye ugu ahaa kooxaha Deportivo iyo Porto kaas oo haata 40-jir ah ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Valencia kaas oo xilka kooxa heyn doona ilaa 30-ka June 2015.

Nuno Espírito Santo ayaa kubada cagta ka baxay 2010 markaas oo uu soo afjartay mudo uu ku jiray garoomada, waxaana haatan uu yahay tababaraha kooxda Valencia ee sanada soo socota.

Heshiiska waxaa ka mid ah in Nuno uu heli doono hal sano oo dheeraad ah hadii uu shaqo fiican qabto inta lagu guda jiro halka sano ee heshiiskiisa.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [RASMI: Kooxda Valencia Oo Ku Dhawaaqday Tababare Cusub], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxda-valencia-oo-ku-dhawaaqday-tababare-cusub/feed/ 0
Nacho Fernandez Oo Heshiis Kordhin Lix Sanno Ah Qalinka Ugu Duugay Real Madrid http://hiilkubad.com/nacho-fernandez-oo-heshiis-kordhin-lix-sanno-ah-qalinka-ugu-duugay-real-madrid/ http://hiilkubad.com/nacho-fernandez-oo-heshiis-kordhin-lix-sanno-ah-qalinka-ugu-duugay-real-madrid/#comments Fri, 04 Jul 2014 07:50:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28171
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Nacho Fernandez Oo Heshiis Kordhin Lix Sanno Ah Qalinka Ugu Duugay Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
nacho

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahan Nacho Fernandez uu saxiixay heshiis cusub ilaa iyo 6 sanno oo kale ah.

Ciyaaryahanka Akademiga Real Madrid kasoo baxay ayaa kulankiisa ugu horeeyay Los Blancos u saftay 2011 kulan ay 6-3 kaga adkaadeen Valencia.

Kooxda heysato Horyaalka Yurub ee Champions League ayaa ku dhawaaqday in 24 jirkan qalinka ku duugay heshiis uu kusii joogayo Santiago Bernebue tan iyo 2021.

“Real Madrid waxay shaacinaysaa in Nacho Fernandez uu saxiixay heshiis kordhin lix sanno ah,” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo dhigeen boga ay internet ka ku leeyihiin.

Nacho ayaa kulan keliya u saftay xulka Spain, waxa uuna Madrid kusoo biiray isagoo jiro 11 sanno jir waxa uuna Real Madrid B u saftay in ka badan 100 kulan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Nacho Fernandez Oo Heshiis Kordhin Lix Sanno Ah Qalinka Ugu Duugay Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/nacho-fernandez-oo-heshiis-kordhin-lix-sanno-ah-qalinka-ugu-duugay-real-madrid/feed/ 0
Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/ http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:09:15 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28158
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro], All Right Reserved. 2014.
]]>
On the move: Barcelona hope to wrap up a deal for Luis Suarez from Liverpool this week

Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa rajo fiican ka qabto in ay dhameystriaan lasoo saxiixitaanka xidig kooxda Liverpool ee ganaaxa adag la dul dhigay Luiz Suarez 48 saac ee soo socota iyadoo labada naadi ay isku af garteen in Barcelona ay bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska ciyaaryahanka uu kula jiro kooxda Reds oo ah £80million.

Gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee (FIFA) ayaa ogalaadey in Suarez uu caafimaadka u mari karo naadigii uu doono in uu ku biiro taas oo aa wax u dhibeyn ganaaxa 4 bilood ee garka loo galiyey taas oo soo dedejineysa in naadiga ka dhisan Catalonya uu soo gabo gabeeyo heshiiska laacibkan 48 saac ee inagu soo fooda leh.

Kooxda Blaugrana ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay kooxda ku soo biirayaan dhiig cusub iyadoo kooxdu ay ku fashilantey xilli ciyaareedkii dhamaadey in ay ku guuleystaan wax koob ah taas oo madaxda kooxda ka dhigtey in gacanta geliyaan jeebkooda si ay u dejiyaan jamaahiirta naadiga oo aan ku qancin qaab ciyaareedkii kooxda xilli ciyaareedkii tagey.

Suarez ayaa waxa uu noqon doonaa hadii uu dhameystiro u wareegidiisa naadiga Barcelona saxiixooda labaad kadib markii ay horey ula wareegeen laacibka khadka dhexe ee xulka Croatia Ivan Rakitic iyadoo ciyaaryahan Suarez uu daneynayo in uu xirto maaliyada ay caanka ku tahay kooxda Barcelona.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/feed/ 0
Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/ http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:04:21 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28154
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-2679882-1F47C1E000000578-127_638x457

maalmihii dambe wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa bilaabay inay iska qoraan warar aan la hubin ayagoo horey u qoray in Kroos uu biiray Real Madrid isla markaas uu saxiixay shan sano oo heshiis taasoo markii dambe uu beeniyey Kroos kadib shir jaraa;id oo uu qabtay.

sidoo kale wargeysyada Spain ayaa qoray In Xidigga kooxda Monoca Radamel Falcao uu ku biiray Kooxda Heysata Champions League Real Madrid loona xiri doono Nambar 9, dhanka kalana waxay qoreen in Real ay qarka u saaran tahay inay heshiis la gaarto laacibka haya gool dhalinta Koobka Adduunka ee James Rodrioguez.

Braced for action: Falcao wore a knee brace in Monaco's first pre-season training session last week

Haddaba waxaa arrintaas wax kama jiran ku tilmaamtay kooxda leh milkiyada labadaan Xidig ee Monoco waxayna si cad u sheegtay inaysan iibin doono labadaan xidig oo ay ku sheegtay inay muhiim u yihiin kooxda.

Revelation: James Rodriguez has been brilliant at the World Cup and Monaco will want to keep hold of him

Madaxweynaha Kooxda Monoca Vadim Vasilyev oo shir jaraa’id qabtay ayaa saxaafadda u sheegay in Falcoa iyo Rodrioguez aysan jirin wax koox ah ay oo ay wadahadal kula galeen iibkooda.

” Ilaa Hadda Ma jirto wax go’aan ah oo ku aadan labadasn xidig, mana jiraan hal koox oo aan wadahadal kula jirno si ay nooga qaataan xidigaheena muhiimk ah” ayuu yiri.

” Falcoa wuxuu muujiyey karti iyo Cayaar Wanaag sanadkii uu nala joogay ee 2014-2015 waxaana rajeeneynaa inuu kooxda ku qanacsan yahay inuu la sii joogo”

Vidoa: Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha mono



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/feed/ 0
Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/ http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/#comments Thu, 03 Jul 2014 20:35:42 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28141
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray], All Right Reserved. 2014.
]]>
428298_heroa

Toni Kroos ayaa inkiray inuu heshiis la gaaray kooxda Spain ee Real Madrid, wuxuuna ku adkeystay inuusan weli mustaqbalkiisa wax go’aan ka gaareen ilaa uu koobka adduunka ka dhamaado.

Warar laga helay Spain ayaa sheegay in xidiga Bayern Munich qadka dhexe ugu cayaaro uu heshiis €25 million ugu wareegay kooxda heysata Champions League Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis Shan Sano ah.

Kroos ayaa heshiis uu kula jiro kooxda Bayern Munich waxaa uga dhiman hal sano, maruu ka hadlaayey ciyaarta dhex mari doonto habeen dambe Xulaka Germany iyo France ayuu sheegay inuusan wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalkiisa.

Kroos ayaa yiri: ” Kuma Caawin Karo, wax sidaas u badan kaagma sheegi karo, kama hadli karo waxa ay qoreen wargeysyada”

” Dhowr jeer ayaan sheegay inaanan go’aan ka gaareen mustaqbalkeyga ilaa uu kasoo idlaanayo koobka adduunka”

” Isla markii uu dhamaado koobka adduunka, waxaan qaadan doonaa go’aan markaasna ayaan wax ku dhawaaqi doonaa, laakiin ma dhici doonto anigoo Brazil joogo inaan sameeyey saxiix”.

Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli labadaan beri la hadal hayey inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis cusub.

 

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/feed/ 0
 Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/ http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:14:13 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28127
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Puyol

Halyee Carlos Puyol oo dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay ayaa siweyn maamulka kooxdiisa ugu booriyay inay lasoo saxiixdaan Luis Suarez oo siweyn loo hadal haya inuu Barcelona usoo dhaqaaqi doono, kabtan Puyol oo mustaqbalkiisa cayaareed oo dhan u hibeeyay garoonka Camp Nou ayaa ka hadlay arinka Suarez wuxuuna yiri “Luis Suarez waa weeraryahan aad u wanaagsan horey ayaan ula cayaaray waana aqaan tayadiisa sidaa daarteed maamulkeena waxaan ku boorin lahaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan xidigan Camp Nou u keenaan”

Carlos Puyol oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “cayaaryahan walbo waxaa laga rabaa inuu dareenkiisa xakameeyo waayo caruurta na daawaneyso waxa aan garoonka kuso bandhigno ayay marwalbo sameeyaan sidaa darteed waxaan filaa in qaladkii Suarez ka dhacay uusan mar labaad u laaban doonin” Puyol oo 36-jir ah ayaa aaminsan in Suarez tayadiisa aysan hoos u dhici doonin sidoo kalena Barcelona aysan wax sharaf dhac ah kala kulmi doonin hadii ay Suarez lasoo saxiixato madaama xidigan dhawaan xiriirka kubada cagta ay mudo 4-bilood ah ka ganaaxeen inuu cayaaraha ku lug lahaado.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/feed/ 0
Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/ http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:08:53 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28122
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto], All Right Reserved. 2014.
]]>
?????????????????????????????????????????????????????????????????

Angel Di Maria ayaa hadda qadarinaayo inuu u wareegsado horyaalka ingiriiska, wuxuuna diiday dalabkii kaga imaaday kooxda Chelsea oo uu macalinka u yahay Jose Mouinho sida ay qortay Daily Express.

Kooxda Chelsea ayaa kamid ah kooxo badan oo xiiseenayo xidigaan reer Argentina kuwaasoo ka kala dhisan horyaalada ugu caansan qaaradda Yurub iyadoo kooxda Real Madrid ay sheegtay inay ku fasixi karto 40 Malyan.

Macalinka kooxda Arsenal Wenger ayaa soo cusbooneysiiyey xiisihii uu u qabay Di Mari, iyadoo la xasuusto in wenger uu sanadkii hore ku fashilmay dalabyadii uu u diray Benzema iyo Di Mari.

Wararka ayaa sheegaya inay Arsenal diyaar u tahay inay ka dulqaado xidigaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United, iyadoo Di Mari uu xiiseenayo kooxda Arsenal.

dhibka keenay in xidigaan uu diido dalabka Chelsea ayaa lagu micneeyey inuusan jecleyn ka hoos cayaaridda macalinka kaligii taliska ah ee Chelsea Mourinho, midkaas oo ay isku soo dagaaleen kooxda Chelsea intii uu macalinak u ahaa.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/feed/ 0
Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/ http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/#comments Thu, 03 Jul 2014 18:41:07 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28116
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria], All Right Reserved. 2014.
]]>
dimaria-falcao490ai

Wargesyada dalka Spain ayaa qoreen in kooxaha AS Monaco iyo Real Madrid uu wada xaajood rasmi ah u bilaawday labadan koox ayaa ka wada hadli doonaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen xidigaha kala ah Radamel Falcao iyo Angel Di Maria, madaama Real Madrid ay bilihii ugu dambeesay ku raad joogtay soo xero galinta Falcao sidoo kalena ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay kooxda reer Spain ayaa aqbashay inay dhigeeda Monaco ku wareejiso Angel Di Maria oo kalsoonida maamuka Madrid waayay.

Labadan xidig waxaa wakiil u wada ah Jorge Mendes oo xiriir wanaagsan la leh maamulka Real Madrid sidaa darteed heshiiskan inuu hirgalo ayaa loo badinaa maal mahanagu soo fool leh, Di Mari ayaa dhawaan Real Madrid ka dalbaday inay sanad walbo siiyaan €4m balse Real ayaa dalabkiisa u gacan seertay wuxuuna haatan lacagahaas ka heli doonaa kooxda Monaco madaama labadan labadan xidig min €50m lagu qiimeeyo labadan koox siweyn ayay ugu qanacsan yihiin inay Di Maria iyo Radamel Falcao si dhaafsasdan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/feed/ 0