Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Europe League http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 15:57:10 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Kadib Markii Sevilla Ku Guuleestay Europa League Haatan Maxaa Iska Badalay Dalalka Ugu Qaadista Badan Tartankan? http://hiilkubad.com/kadib-markii-sevilla-ku-guuleestay-europa-league-haatan-maxaa-iska-badalay-dalalka-ugu-qaadista-badan-tartankan/ http://hiilkubad.com/kadib-markii-sevilla-ku-guuleestay-europa-league-haatan-maxaa-iska-badalay-dalalka-ugu-qaadista-badan-tartankan/#comments Thu, 15 May 2014 11:21:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22147
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kadib Markii Sevilla Ku Guuleestay Europa League Haatan Maxaa Iska Badalay Dalalka Ugu Qaadista Badan Tartankan?], All Right Reserved. 2014.
]]>
Sevilla

Naadiga Sevilla waxay si rasmi ah ugu guulestay tartanka UEFA Europa League markii 3-aad mudo 7-sano gudaheeda ah kadib markii ay 4-2 rigoorayaal kaga qaaday naadiga Benfica guusha Sevilla ay gaartay ayaa ka dhigay in dalka Spain uu haatan tartanka qiimaha badan kooxahiis hanteen 8-jeer taariikh ahaan waxayna soo galeen kaalinta 2-aad ayagoo ka sara mareen dalka England balse weli kaalinta 1-aad dalka Talyaaniga ayaa ku jiro, hadaba tartankan taariikhdiisa dheer tahay marxalado kala duwan ayuu soo maray waayo bilawgii 70-kii kooxaha ka dhisan dalka England ayaa koobkan inta badan aruursan jireen waxaana markii ugu horeesay ku afbilaawday naadiga Tottenham waxayna markaas ka qaadeen kooxda Wolverhampton Wanderers oo iyadana England ka dhisan dabcan Spurs kaligeed guulo ma gaarin waxaa sidoo kalena koobkan xiliyadaas qaadeen kooxaha Liverpool iyo Ipswich Town.

Kooxaha reer England tartankan UEFA Cup waxayn hatneen 5-ka mid ah 13-sano ee ugu horeesay bilaabashadiisa laakiin 30-sano ee ugu dambeesay labo jeer oo kaliya ayay kooxaha England qaadeen koobkan waxaana ugu dambeesay Chelsea oo xili cayaareedkii hanatay.

Dhanka naadiyada reer Talyaani oo ah kooxaha ugu guulaha badan tartankan waxay qaadeen 9-jeer taariikh ahaan weliba waayihii quruxda badnaa ee Talyaaniga wuxuu ku beegnaa 1980-kii iyo 1990-kii weliba intii u dhaxeesay 1988/89 ilaa 1994/95 waxay tartankan qaadeen 7-jeer ayagoo 10-Final imaadeen!

Dalka Spian isagana bilawgii 2000 ayay koobkan calfashadiisa bilaabeen weliba 11-sano ee ugu dambeesay 6-jeer ayay ku guuleesteen tartankan sedex ka mid ah Sevilla ayaa qaaday sidoo kale Atletico Madrid labo jeer ayay hanatay halka Valencia ay qaaday sanadii 2004 sidoo kale Real Madrid ayaa labo jeer oo xariir ah horey u qaaday 1984/85 iyo 1985/86.

Kaalinta 4-aad dhanka hanashada tartankan waxaa ku jiraan kooxaha reer Jarmal oo iyagana ku guuleesteen 6-jeer sidoo naadiyada reer Holland iyagana 4-jeer ayay qaadeen halka kooxaha reer Portugal iyagana labo jeer ayay ku guuleesteen inkastoo laga qaaday 5-jeer, guud ahaan hoos kaga bogi isbadalka ku yimid sida loo kala qaadis badan yahay tartanka UEFA/Europa League dalalka Yurub:

Italy – 9 (6-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Juventus (1977, 1990, 1993), Inter Milan (1991, 1994, 1998), Parma (1995, 1999), Napoli (1989)

Spain – 8 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Sevilla (2006, 2007, 2014), Atletico Madrid (2010, 2012), Real Madrid (1985, 1986), Valencia (2004)

England – 7 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Liverpool (1973, 1976, 2001), Tottenham (1972, 1984), Ipswich Town (1981), Chelsea (2013)

Germany – 6 (8-jeer waalaga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Borussia Mönchengladbach (1975, 1979), Eintracht Frankfurt (1980), Bayer Leverkusen (1988), Bayern Munich (1996), Schalke 04 (1997)

Netherlands – 4 (2-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: Feyenoord (1974, 2002), PSV Eindhoven (1978), Ajax (1992)

Portugal – 2 (5-jeer waa laga qaaday): Kooxaha ku guuleesteen: FC Porto (2003, 2011)



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kadib Markii Sevilla Ku Guuleestay Europa League Haatan Maxaa Iska Badalay Dalalka Ugu Qaadista Badan Tartankan?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kadib-markii-sevilla-ku-guuleestay-europa-league-haatan-maxaa-iska-badalay-dalalka-ugu-qaadista-badan-tartankan/feed/ 0
Sawir: CAJIIB!!!! “Waligaa Sidaan Oo Kale Ma Aragtay” Laba Xidig Oo Sevilla Ka Tirsan Oo Sameeyay Sheeko Cusub http://hiilkubad.com/sawir-cajiib-waligaa-sidaan-oo-kale-ma-aragtay-laba-xidig-oo-sevilla-ka-tirsan-oo-sameeyay-sheeko-cusub/ http://hiilkubad.com/sawir-cajiib-waligaa-sidaan-oo-kale-ma-aragtay-laba-xidig-oo-sevilla-ka-tirsan-oo-sameeyay-sheeko-cusub/#comments Thu, 15 May 2014 05:16:33 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22081
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawir: CAJIIB!!!! "Waligaa Sidaan Oo Kale Ma Aragtay" Laba Xidig Oo Sevilla Ka Tirsan Oo Sameeyay Sheeko Cusub], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-2628385-1DD9391100000578-318_634x423

Kadib markii kooxda Sevilla ay xalay ku guuleystay koobka Europa League waxey garoonka Juventus ku dhex sameeyeen dabaal dag cajiib ah oo aad loola yaabay.

Kabtanka Kooxda Ivan Rakitic iyo  Daniel Carrico ayaana sheeko cusub ku dabaal keenay adigoo ka arki doona sawirka hoose.

 Daniel Carrico iyo Ivan Rakitic ayaana is shumiyay si ay ugu dabaal dagaan koobkooda, waana dhacdo aan ku badneen kubada cagta marka loo fiiriyo casriga haatan la jogo.

Kiss



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawir: CAJIIB!!!! "Waligaa Sidaan Oo Kale Ma Aragtay" Laba Xidig Oo Sevilla Ka Tirsan Oo Sameeyay Sheeko Cusub], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawir-cajiib-waligaa-sidaan-oo-kale-ma-aragtay-laba-xidig-oo-sevilla-ka-tirsan-oo-sameeyay-sheeko-cusub/feed/ 1
Sawiro: Daawo Dabaal Dagii Sevilla Ee Koobka Europa League http://hiilkubad.com/sawiro-daawo-dabaal-dagii-sevilla-ee-koobka-europa-league/ http://hiilkubad.com/sawiro-daawo-dabaal-dagii-sevilla-ee-koobka-europa-league/#comments Thu, 15 May 2014 05:10:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22071
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Daawo Dabaal Dagii Sevilla Ee Koobka Europa League], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-2628385-1DD93FC800000578-673_634x430

Kooxda Sevilla ayaa ku guuleysatay tartanka Europa League markeedii sadexaad taariikhda iyadoo ku biireysa kooxda Juve, Inter Milan & Liverpool oo ah kooxaha tirada ugu badan qaaday tartankaan.

Rigooreyaal 4-2 ayey kaga qaadeen kooxda Benfica xalay kulan xiiso badnaa oo ay gacan sareysay Benfica oo ka dhacay magaalada Torino gaar ahaan garoonka Kooxda Juventus.

DAAWO DABAAL DAGGA SEVILLA:

Sevilla 1 Sevilla 2 Sevilla 3 Sevilla

article-2628385-1DD9284F00000578-351_634x418 article-2628385-1DD9391100000578-318_634x423 article-2628670-1DD9453300000578-961_634x431



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Daawo Dabaal Dagii Sevilla Ee Koobka Europa League], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-daawo-dabaal-dagii-sevilla-ee-koobka-europa-league/feed/ 0
Kooxda Sevilla Ku Guuleysatay Europa League Markii Ay Rigooreyaal Kaa Qaaday Dhigeeda Benfica http://hiilkubad.com/kooxda-sevilla-ku-guuleysatay-europa-league-markii-ay-rigooreyaal-kaa-qaaday-dhigeeda-benfica/ http://hiilkubad.com/kooxda-sevilla-ku-guuleysatay-europa-league-markii-ay-rigooreyaal-kaa-qaaday-dhigeeda-benfica/#comments Thu, 15 May 2014 05:05:57 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22068
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Sevilla Ku Guuleysatay Europa League Markii Ay Rigooreyaal Kaa Qaaday Dhigeeda Benfica], All Right Reserved. 2014.
]]>
Sevilla 2

Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa markeedii sadexaad ku guuleysatay koobka Europa League markii ay rigooreyaal 4-2 ah kaga qaaday kooxda Benfica kulan ka dhacay garoonka Juventus Arena ee magaalada Torino xalayto.

Ciyaarta waqtigii loogu taa galay waxey kusoo idlaatay 0-0, waxaana lag daray 30-daqiiqo oo dheeri ah waxba wey iska qaadi waayeen, balse qasaarooyin ay keeneen Oscar Cardozo iyo Rodrigo ayaa Benfica ku qasabtay in laga xoogo koobka Europa League.

Goolhaye Beto ayaana noqday halyeey markii uu laba rigoore ka qabtay labadaas xidig ee Cardozo iyo Rodrigo.

Sevilla ayaa tartankaan horay u qaaday 2006, hadana mar kale ayey difaacatay 2007 waxaana ay xalay u aheed markeedii sadexaad iyadoo barbaro la noqotay kooxaha Juventus, Inter Milan & Liverpool kuwaas oo min sadex jeer ku guuleystay.

Gacan sareynta kulanka waxaa lahaa Benfica balse wiilasha uu hogaamiyo Emry ayaa muujiyay dhabar adeeg iyo qaab difaaceed adag, habaarka Benfica ka heysta tartamada yurub ayaana wali dhamaan iyadoo ay ugu dambeysay koob yurub ah oo ay qaado 1962-dii.

Xili Ciyaareedkii hore Chelsea ayaa ka qadatay koobka markii ay timid Finalka tartanka.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Sevilla Ku Guuleysatay Europa League Markii Ay Rigooreyaal Kaa Qaaday Dhigeeda Benfica], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxda-sevilla-ku-guuleysatay-europa-league-markii-ay-rigooreyaal-kaa-qaaday-dhigeeda-benfica/feed/ 0
Line Upka Rasmiga Ah Finalka Europa League Sevilla vs Benfica http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-finalka-europa-league-sevilla-benfica/ http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-finalka-europa-league-sevilla-benfica/#comments Wed, 14 May 2014 18:22:49 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22035
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Finalka Europa League Sevilla vs Benfica], All Right Reserved. 2014.
]]>
2105005_w1

Finalka Europa League ayaa goor dhaw ka dhici doona garoonka Juventus iyadoo kooxda marwada duqda ah ay daawan doonto madama Benfica ay ka reebtay tartankaan.

Weeraryahanka Benfica Oscar Cardozo ayaa kursiga eydka kusoo bilawday waxaase la xushay booskiisa Rodrigo.

Dhanka kale Camero ayaa la fadhiisiyay iyadoo Bacca iyo Reys ay weerarka iska kaashan doonaan

Benfica: Oblak; Pereira, Siqueira, Luisao, Garay; Anorim, Gomes, Sulejmani, Gaitan; Lima, Rodrigo

Keydka: Artur, Vitoria, Jardel, Almedia, Djuricic, Cavaleiro, Cardozo

Sevilla: Beto, Fazio, Carrico, Moreno, Pareja; Coke, Mbia, Rakitic, Vitolo; Bacca, Reyes

Keydka: Varas, Navarro, Figueiras, Marin, Iborra, Trochowski, Gameiro



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Finalka Europa League Sevilla vs Benfica], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-finalka-europa-league-sevilla-benfica/feed/ 0
Sawiro: Waa Sidee Jawiga Magaalada Torino Ka Hor Kulanka Finalka Europa League http://hiilkubad.com/sawiro-waa-sidee-jawiga-magaalada-torino-ka-hor-kulanka-finalka-europa-league/ http://hiilkubad.com/sawiro-waa-sidee-jawiga-magaalada-torino-ka-hor-kulanka-finalka-europa-league/#comments Wed, 14 May 2014 17:56:26 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22021
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Waa Sidee Jawiga Magaalada Torino Ka Hor Kulanka Finalka Europa League ], All Right Reserved. 2014.
]]>
BnmvYe4IYAQtiBp

Magaalada Torino ee dalka talyaaniga waxaa goor dhaw ka dhici doonta kulan xiiso badan oo dhexmari doona kooxaha Sevilla oo ka dhisan Spain iyo Benfica oo ka dhisan Portugal waana kama dambeysta tartanka labaad ee yurub ugu qiimaha badan Europa League.

Ciyaarta ayaa ka dhici doonta garoonka Juventus Arena ee ay leedahay kooxda horyaalnimada talyaaniga sadexda jeer ee isku xigta heysata ee Juve.

Daawo Sawiro Laga Soo Qabtay Isku Diyarinta Kulankaan:

2105005_w1 SL Benfica training - UEFA Europa League Final Sevilla FC training - UEFA Europa League Final FBL-EUR-C3-SEVILLA-TRAINING 2105731_w1 2105736_w1 2105737_w1 2105763_w1 Bnm9MccIYAIJoTq BnmS4lAIYAEARe0 Bnmv4nNIEAE8--u



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Waa Sidee Jawiga Magaalada Torino Ka Hor Kulanka Finalka Europa League ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-waa-sidee-jawiga-magaalada-torino-ka-hor-kulanka-finalka-europa-league/feed/ 0
Hordhac: Sevilla vs Benfica, Finalka Europa League Oo Caawa Ka Qabsoomi Doona Torino http://hiilkubad.com/hordhac-sevilla-benfica-finalka-europa-league-oo-caawa-ka-qabsoomi-doona-torino/ http://hiilkubad.com/hordhac-sevilla-benfica-finalka-europa-league-oo-caawa-ka-qabsoomi-doona-torino/#comments Wed, 14 May 2014 04:12:58 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21966
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Sevilla vs Benfica, Finalka Europa League Oo Caawa Ka Qabsoomi Doona Torino], All Right Reserved. 2014.
]]>
Sevilla vs Benfica

Magaalada Turin ee dalka Talyaaniga waxay caawo si qaas u soori doontaa kama dambeesta tartanka labaad ee qaarada Yurub ugu qiimaha badan waxaana ku wada hardami doonaan Sevilla oo calanka Spain wadato iyo Benfica oo iyadana sharafka Portugal difaaceyso, waxaana naga xasuusin ah in kulankan caawo uu xiiso gaar ah leeyahay madaama labadan naadi awood ahaan ay isku dheeli tiran yihiin sidoo kalena hamigooda uu aad u sareeyo waxaana la filan karaa Final aan horey loo arag in caawo la daawado, Sevilla waxay dooneysaa markii 3-aad inay tartankan ku guuleesato waayo 2-sano oo xariir ah ayay sare u qaaday 2006 iyo 2007 waxaana xiligaas la ran jiray UEFA Cup balse Benfica iyadana waxay dooneysaa inay iska reebto nasiib xumada ku habsatay waayo 7-final oo tartamada Yurub ah oo ay dhawaanahay cayaartan kooxdan dhamaan wey wada guul dareesatay sidaa darteed malxiisnimada inay ka baxdo ayay dhankeeda dooneysaa!

Xidigaha labadan naadi caawo ka maqnaan doonaan:

Sevilla xidiga ka maqnaan doonaaan: Denis Cheryshev (dhaawac), Sebastián Cristóforo (dhaawac), Jairo (ganaax), Vitolo (shaki ayaa ku jiro inuu safan karo)

Benfica xidigaha ka maqnaan doonaan: Silvio (dhaawac), Lubomir Fejsa (dhaawac), Enzo Pérez (ganaax), Eduardo Salvio (ganaax), Lazar Markovic (ganaax)

Kulamadii horey labadan naadi u dhex maray:

Labadan naadi hal mar ayay hada ka hor tartamada Yurub isku arkeen waxayna markaas ahayd 1957/58 wajigii hore ee koobka horyaalada Yurub, lugtii kowaad waxaa markaas 3-1 ku badisay naadiga Sevilla sidoo kalena lugtii labaad 0-0 ayay ku kala baxeen balse caawo xiligan casriga ah xifaaltan cusub ayaa u bilaaban doono.

Guud ahaan Sevilla 16-kulan ayay la cayaartay naadiyada ka dhisan dalka Portugal dhamaan tartamada kala duwan waxayna guuleesatay 8-kulan, 5-kulan iyada ayaa laga badiyay halka 3-kulana ay bar bar dhac la gashay waxaana naga xasuusin ah in isla xili cayaareedkan oo kaliya ay 4-kulan la cayaartay kooxaha reer Portugal isla tartankan.

Benfica guud ahaan iyadana 22-kulan ayay kooxaha reer Spain tartamada Yurub la cayaartay waxaa laga badiyay 10-ka mid ah halka 5-kulan ay guuleesatay sidoo kalena 7-kulana bar bar dhac ayay la gashay balse 14-kulan ee ugu dambeesay Benfica oo ay la cayaartay kooxaha reer Spain wax guul ah ma aysan arag!

Magaalada Turin labadan naadi kooxee ku nasiib badan:

Sevilla waa markii ugu horeesay oo ay magaalada Turin caawo ku cayaarto, laakiinkse Benfica nasiib wacan ayay magaaladan ku leedahay madaama ay marar badan Juvenus kula cayaartay markii ugu horeesay weliba kulankii ugu dambeeyay waxay 0-0 garoonkan kula gashay Juve taasi oo u saamaxday Benfica inay kama dambeesta tartankan usoo gudubto.

Imisa koob ayay tartamada Yurub labadan naadi ku guuleesteen:

Benfica iyo Sevilla min labo jeer ayay tartamada Yurub koobab ka heleen sidaa darteed dhankaas way ka siman yihiin, waxay kooxda reer Portugal ku guuleesatay koobka horyaalada Yurub sanadihii 1960/61 & 1961/62 halka Sevilla ay UEFA Cup ku guuleesatay sanadihii 2005/06 & 2006/07.

Habaarka Benfica ku habsaday caawo masoo afjarmi doontaa:

Naadiga Benfica waxaa habaaray macalinkoodii hore Bela Guttman oo u dhashay dalka Hungary waayo halyeegan wuxuu Benfica hogaaminaayay intii u dhaxeesay 1959 iyo  1962 wuxuuna u qaaday mudadii 3-sano ahay labo jeer horyaalka Portugal iyo labo jeer koobka horyaalada Yurub balse si xanuun badan ayuu Benfica isaga tagay madaama ay maamulkii waagaas Benfica wateen iyo macalinkan isku qilaafeen lacagahii mushaar ahaan loo siin jiray Guttman shaqadiisii ayuu waayay si fool xun ayaa xilka Benfica looga qaaday balse macalinkan hal oraah oo caan baxday ayaa afkiisa laga hayaa wuxuuna yiri “Benfica koob Yurub ah kuma guuleesan doonto 100-sano ee soo socoto!!” tan iyo maalinkaas waxaa laga joogaa 52-sano ilaa haatana Benfica 7-final tartamada Yurub oo ay cayaartay waa laga qaaday tolow caawo habaarka Guttman maka hari doonaa ama markii 8-aad ayaa koobka Yurub laga qaadi doonaa??

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan naadi caawo kusoo gali doonaan:

Sevilla: Beto, Navarro, Pareja, Fazio, Coke, Carriço, Mbia, Vitolo, Rakitic, Reyes, Bacca

Benfica: Moraes, Garay, Luisao, Pereira, Siqueira, Gomes, Gaitan, Amorim, Djuricic, Lima, Rodrigo



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Sevilla vs Benfica, Finalka Europa League Oo Caawa Ka Qabsoomi Doona Torino], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-sevilla-benfica-finalka-europa-league-oo-caawa-ka-qabsoomi-doona-torino/feed/ 0
Thierry Henry Oo Kusoo Biiray Barta Twitter-ka, 16,000 Taageere Ayuu Ku Kasbaday Mudo Sadex Saac Ah http://hiilkubad.com/thierry-henry-oo-kusoo-biiray-barta-twitter-ka-16000-taageere-ayuu-ku-kasbaday-mudo-sadex-saac-ah/ http://hiilkubad.com/thierry-henry-oo-kusoo-biiray-barta-twitter-ka-16000-taageere-ayuu-ku-kasbaday-mudo-sadex-saac-ah/#comments Tue, 13 May 2014 03:21:04 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21817
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Thierry Henry Oo Kusoo Biiray Barta Twitter-ka, 16,000 Taageere Ayuu Ku Kasbaday Mudo Sadex Saac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
Henry

Wixii la sugaabaa halyeey Thierry Henry ayaa si rasmi ah u bilaabay adeegsiga barta Twitter-ka oo ah hoy ay bulshada caalamka afkaartooda isku dhaafsato waxaana la yaab noqotay in sedexdii saac ee ugu horeesay oo u Henry adeegseenaayya Twitter-ka inuu ku kasbaday 16,000 oo taageero ah! halyeegan oo ah laacibka ugu goolasha badan taariikh ahaan kooxda Arsenal sidoo kalena lagu tilmaamo weeraryahankii ugu wanaagsanaa ee Premiership-ka kasoo muuqdo, Henry muuqaalkii ugu horeeyay eee uu barta Twitter-ka soo galiyay waxaa durbadiiba faalo ka bixiyeen 12,000 oo qof sidoo kalena siweyn ayay ugu soo dhaweeyeen adeegsiga aaladan hormartay.

36-jirkan u dhashay dalka France waxaa Twitter-ka kusoo dhaweeyay Cesc Fabregas oo ay Arsenal u wada cayaari jireen sidoo kalena waxaa kusoo dhaweeyay Robin Van Persie oo isagana Gunners-ka u cayaari jiray balse haatan Man United ka tirsan, Henry ayaa ka mid noqon doono koox wariyeyaal oo ah oo BBC usoo tabin doonaan cayaaraha aduunka sidaa darteed halyeegan ayaa doonayo inuu xiriir toos ah la sameeyo bulshada caalamka oo idil inta uu koobka aduunka ka socon doono dalka Brazil, Thierry Henry ayaa dar dar kusoo galay Twitter-ka waxaaa hubaal ah hadii uu sidaan kusii socdo inuu ka mid noqon doon shaqsiyaadka ugu shacbiyada badan marka ay timaado adeegsiga alaadada Twitter-ka wuxuuna ka taageero badnaan doonaa xidigo haatan weli kubada cagta cayaaraan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Thierry Henry Oo Kusoo Biiray Barta Twitter-ka, 16,000 Taageere Ayuu Ku Kasbaday Mudo Sadex Saac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/thierry-henry-oo-kusoo-biiray-barta-twitter-ka-16000-taageere-ayuu-ku-kasbaday-mudo-sadex-saac-ah/feed/ 0
Waa Kuwee 10-ka Macalin Ee Haatan Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay? http://hiilkubad.com/waa-kuwee-10-ka-macalin-ee-haatan-qaarada-yurub-loogu-doonista-badan-yahay/ http://hiilkubad.com/waa-kuwee-10-ka-macalin-ee-haatan-qaarada-yurub-loogu-doonista-badan-yahay/#comments Mon, 12 May 2014 06:38:16 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21709
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Waa Kuwee 10-ka Macalin Ee Haatan Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay?], All Right Reserved. 2014.
]]>
louis-van-gaal-jurgen-klopp_3128598

Horyaalada Yurub ugu xiisaha badan intooda badan way soo gaba gaboobeen sidaa darteed koox walbo waxay dooneysaa inay xili cayaareedka isbadal xoogan la imaado sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday 10-ka macalin ee haata loogu doonista badan waxayna macalimiintan caan ku noqdeen in saxaafada ay maalin walbo hadal heyso sidoo kalena koox gaar ah lala xariirinaayo inay hogaankooda la wareegi doonaan, hadaba hoos kaga bogo 10-ka tababare ee xiligan loogu doonista badan yahay sidoo kalena ay u badan tahay inay xagaagan kooxo cusub hogaankooda la wareegi doonaan:

10. David Moyes (Free Agent)

9. Ronald Koeman (Feyenoord)

8. Ernesto Valverde (Athletic Bilbao)

7. Rene Girard (Lille)

6. Rudi Garcia (Roma)

5. Frank de Boer (Ajax)

4. Diego Simeone (Atletico Madrid)

3. Jurgen Klopp (Borussia Dortmund)

2. Arsene Wenger (Arsenal)

1. Louis van Gaal (Netherlands National Team)

Sidoo kale macalimiin lagu raad joogo oo ay kooxo badan doonayaan balse aanan liiskan soo galin ayaa jiro waxaana kasoo xulnay tababarayaasha hoos ku qoran:

Vincenzo Montella (Fiorentina)

Roberto Martinez (Everton)

Luciano Spalletti (Free Agent)

Paco Jemez (Rayo Vallecano)

Thomas Tuchel (Mainz)



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Waa Kuwee 10-ka Macalin Ee Haatan Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/waa-kuwee-10-ka-macalin-ee-haatan-qaarada-yurub-loogu-doonista-badan-yahay/feed/ 0
Kooxaha Benfica Iyo Sevilla oo Usoo Baxee Finalaha Europa League Halka Juve Iyo Valencia Iska Raali Ahaada La Dhahay!! http://hiilkubad.com/kooxaha-benfica-iyo-sevilla-oo-usoo-baxee-finalaha-europa-league-halka-juve-iyo-valencia-iska-raali-ahaada-la-dhahay/ http://hiilkubad.com/kooxaha-benfica-iyo-sevilla-oo-usoo-baxee-finalaha-europa-league-halka-juve-iyo-valencia-iska-raali-ahaada-la-dhahay/#comments Fri, 02 May 2014 05:59:39 +0000 http://hiilkubad.com/?p=20718
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxaha Benfica Iyo Sevilla oo Usoo Baxee Finalaha Europa League Halka Juve Iyo Valencia Iska Raali Ahaada La Dhahay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Benfica

Rajadii ay naadiga Juventus ka qabtay inay garoonkeeda ku cayaarto kama dambeeta Europa League ayaa u suura gali weesay kadib markii Benfica ay hor istaagtay wiilasha macalin Antonio Conte ayaa dadaal badan sameeyeen balse natiijadii kulankii xalay waxay kusoo idlaatay 0-0 taasi oo ka dhigtay in Juve garoonkeeda joogto ay usoo bixi weyso Finalaha Europa League madaama lugtii hore 2-1 looga soo badiyay, Benfica oo difaaceyso sharafka dalka Portugal ayaa geesinimo muujisay waxayna kooxdan soo gaartay Finalaha tartankan sanadkii labaad oo xariir ah balse markan ma doonayaan in mar labaad laga qaado madaaama sanadkii hore 2-1 Chelsea koobka kaga qaaday.

Geeska kale naadiga Valencia ayaa dadaal xoogan sameesay sidoo kalena kuna dhawaatay inay Finalaha Europa Leage usoo baxdo madaama ay 3-0 gaarsiiyeen naadiga Sevilla balse nasiib daro daqiiqadihii dheeriga ah ee kulan laga duray ayay Sevill ayaa heshay goolkii u suura galiyay inay Finalka u gudubto waxayna cayaartii xalay kusoo idlaatay 3-1, Valencia oo dar dar kulankan ku bilaawday ayaa labo gool heshay qaybtii hore waxaana u kala dhaliyeen 14′ Sofiane Feghouli iyo Beto oo gool kama ah iska dhaliyya daqiiqadii 26-aad balse taageerayaasha Valencia waxaa sii farxad galiyay markii cayaarta 3-0 uu ka dhigay Jérémy Mathieu daqiiqadii 70-aad waxayna aamineyn inay Finalaha u gudbeen balse daafaca reer Cameroon Stéphane M’Bia aaa qalbi jab ku riday Valencia madaama daqiiqadii 90+4 uu gool ka dhliyay waxaana sidaas Finalka ugu gudubtay Sevilla madaama ay lugtii hore 2-0 ku badisay waxayna kusoo baxday sharciga goolasha inkastoo isku darka laba lug ay labadan koox la imaadeen 3-3 balse goolkii ay Sevilla ku dhalisay garoonka Valencia ayaa Finalka usoo saaray.

14-ka bishan May waxaa kama dambeesta tartankan xiisaha badan magaalada Turin ku wada cayaari doonaan kooxaha Banfica oo ka socoto dalka Portugal iyo Sevilla oo Spain mataleyso waxaana xusida mudan in Sevilla aysan tartankan labo jeer ku guuleesatay sanadihii 2006 iyo 2007 halka Benfica aysan marnaba tartankan ku guuleesanin.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxaha Benfica Iyo Sevilla oo Usoo Baxee Finalaha Europa League Halka Juve Iyo Valencia Iska Raali Ahaada La Dhahay!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxaha-benfica-iyo-sevilla-oo-usoo-baxee-finalaha-europa-league-halka-juve-iyo-valencia-iska-raali-ahaada-la-dhahay/feed/ 0