Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Heerka 1-aad http://hiilkubad.com Mon, 04 Aug 2014 14:31:40 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/ http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/#comments Thu, 24 Jul 2014 06:23:27 +0000 http://hiilkubad.com/?p=30243
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa], All Right Reserved. 2014.
]]>
cali sacid

Waa talaabo weyn oo taariikhi ah in markii ugu horeysay mid ka mida macalimiinta garsooreyaasha kubada Cagta Soomaaliya Cali Maxamed Axmed (Cali Saciid) uu macalin ka noqon doono tababar heer caalami ah oo dalka Cameroon loogu qaban doono garsooreyaasha Africa oo sanadka ka mid noqday garsooreyaasha kubada cagta aduunka ee FIFA.

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 30 ka mida garsooreyaasha FIFA ee kasoo jeeda qaarada Afrika kuwaas oo 9 ka mida ay haween yihiin, waxaana uu ka dhici doonaa Magaalada Yaounde ee caasimada dalka Cameroon inta u dhexeysa 3-9-ka bisha August ee inasoo aadan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka kubada cagta Afrika ee CAF.

Qoraalka CAf ayaa lagu sheegay in macalimiinta tababarka bixin doona ay kala yihiin: 1 Cali Maxamed Axmed (Soomaaliya) iyo 2 Alexander Cotey (Ghana). Ururka CAf ayaa dhawaan dallacsiiyay Mr Cali kaddib markii labadii sano ee lasoo dhaafay uu tababaradii loo qabtay macalimiinta Afrika ka galay kaalinta 1-aad.

Waxaa ay tani noqoneysaa markii ugu horesay taariikhda kubada cagta Soomaaliya oo macalin Soomaaliyeed uu helo darajadan oo kale, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

“Maalin weyn ayay u tahay umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bahweynta kubada cagta in macalinkeena Cali Maxamed Axmed loosoo magacaabay in tababarkan caalamiga ah uu casharro ka bixiyo, sababtoo ah taariikhda wali ma dhicin in macalin soomaaliyeed uu darajadaas ka gaaro kubada cagta aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Mr. Carab ayaa sheegay in sanadaha soo socdana ay Soomaaliya rajeyneyso in macalimiin kale oo Soomaaliyeed ay dalacsiin ka helaan ururrada CAF iyo FIFA, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed uu sanadihii u dambeeyay xooga saarayay dhanka horumarinta tacliinta is are loogu qaado aqoonta  iyo tayada garsoorka  iyo macalimiinta.

“Magacaabista Cali Maxamed Axmed waa natiijadii ka dhalatay howshii aan soo wadnay sanadihii lasoo dhaafay ee ku aadanayd sare u qaadista aqoonta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab oo si weyn ugu mahad celiyay ururada FIFA iyo CAf doorka aan dhamaadka lahayn oo ay ka qaadanayaan horumarinta kubada cagta dalka.

Somali Football Federation Media Department
Email:Somalifootballmedia:gmail.com



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/#comments Thu, 20 Mar 2014 07:11:24 +0000 http://hiilkubad.com/?p=18235
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Elman

Maalmo nasiino ah kadib waxaa maanta la ciyaari doona horyaalka heerka koowaad ee dalka soomaaliya ee loo yaqaano Nationlink Championship waxaana fooda isdari doona kooxaha Elman iyo Heegan oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka, labadaan kooxood ayaana ka mid ah afarta koox ee ugu sareeya horyaalka taasoo ka dhigan iney rajo wanaagsan ama mid meel dhexe ahba ay ka yeelan doonaan tartanka horyaalka.

Kooxda Elman ayaa fadhisa booska labaad ee horyaalka iyadoo leh 23-dhibcood waxeyna 4-dhibcood ka hooseyaan Banaadir Sports Club oo berito la ciyaari doonta kooxda LL.PP. Jeenyo, Si Kastaba kooxda Elman ayaa guushii ugu weyneyd horyaalka ka gaartay Savaana kulankii ugu dambeeyay markii ay 8-0 uga adkaadeen xili Sacad Saalax Xuseen uu noqday xidigii ugu horeeyay oo horyaalka ka dhaliya afar gool hal kulan.

Sidoo kale Heegan ayaa kulankii ugu dambeeyay guuldaro kala kulmay kooxda Banaadir Sports Club markii 2-0 lagu garaacay, waxeyna ka riday kaalinta 4-aad iyagoo leh 21-dhibcood inkastoo ay la wadaagaan Jeenyo hadana gool tirsi ayaa looga galay kaalinta 3-aad.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/feed/ 0
Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/ http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/#comments Tue, 11 Mar 2014 06:27:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=17824
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
Kooxda Banaadir Sports Club ayaa  guul ka gaartay naadiga kaalinta labaad ku jirta ee Heegan, waxayna hoggaanka horyaalka Soomaaliya ku qabatay lix dhibcood.

Kooxda Banaadir Sports Club 12-daqiiqo oo qura ayey ku qaadatay inay hoggaanka u qabato ciyaarta, waxaana naadiga Heegan gool uga naxsaday Marcel Samson, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku horkacaysay naadiga Banaadir SC.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa kooxda Heegan waxaa kaarka cas ka qaatay daqiiqadii 88-aad xiddigooda Axmed Cusmaan Cabdulle (Axmadey Waji), markii uu kubadda gacan ku taabtay isagoon cidi ka dambeyn, waxaana rigoore loo dhigay kooxda Banaadir gool u bedelay weeraryahanka ajnabiga ah ee kooxdaasi Marcel Samson, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ay galabta guusha ku qaateen wiilasha Banaadir.

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa si wacan u badaal degtay markii ay ciyaarta dhammaatay sida aynay hanatay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, iyadoon laga adkaan, waxaana hadda ay horyaalka ku heysaa 27-dhibcood, halka Heegan oo ku soo xigta kuna jirta kaalinta labaad ay leedahay 21-dhibcood, iyadoo ay kooxda Banaadir ay u hareen saddex kulan oo qura.

Daawo Sawirrada:

DSC_0188

DSC_0227

DSC_0166

DSC_0278

DSC_0280

DSC_0284

DSC_0301

DSC_0304

Sawir kooxeed: Banaadir Sports Club

Sawir kooxeed: Heegan

DSC_0337

DSC_0344

DSC_0346

DSC_0359

DSC_0361

DSC_0371

DSC_0379

DSC_0382

DSC_0435

DSC_0496

DSC_0522

DSC_0531

DSC_0552

DSC_0554

DSC_0559

DSC_0561

DSC_0566

DSC_0569

DSC_0572

DSC_0575

DSC_0581

DSC_0585

DSC_0586

DSC_0587

DSC_0589

DSC_0590

DSC_0611

DSC_0618

DSC_0626

DSC_0629

DSC_0634

DSC_0640

DSC_0647

DSC_0650

DSC_0652

DSC_0654

DSC_0680

DSC_0692

DSC_0696

DSC_0697

DSC_0698

DSC_0702

DSC_0704

DSC_0705

DSC_0713

DSC_0714



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/feed/ 0
Xidiga Hore Ee Kooxda Muqdisho Axmed Cabaas Busuri Oo Lagu Soo Dhaweeyey Garoonka Banadir http://hiilkubad.com/xidiga-hore-ee-kooxda-muqdisho-axmed-cabaas-busuri-oo-lagu-soo-dhaweeyey-garoonka-banadir/ http://hiilkubad.com/xidiga-hore-ee-kooxda-muqdisho-axmed-cabaas-busuri-oo-lagu-soo-dhaweeyey-garoonka-banadir/#comments Sun, 02 Feb 2014 12:56:45 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=15594
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xidiga Hore Ee Kooxda Muqdisho Axmed Cabaas Busuri Oo Lagu Soo Dhaweeyey Garoonka Banadir], All Right Reserved. 2014.
]]>

Xidigii hore xulka qaranka dalka soomaaliya iyo Naadigii Menecipia Axmed Cabaas Busuri ayaa si wayn wayn loogu soo dhaweeyay garoonka Kubadda Cagta Banaadir (EX koonis ) iyadoona ay goobjoog u ahaayeen kumaan kun dadwayne oo isugu jira taageerayaal Madaxda Xirirada Guddiga olombikada iyo ciyaartoydii hore ee Isboorta dalka Nuucyadiisa kala duwan.

Axmed Cabaas Busuri oo ka mid ahaa laacibiinta farakutirska ahaa ee soo Maray Xulka Qaranka iyo Kooxdii Muqdisho ayaa ka qayb galay daawashada kulan ciyaareed u dhaxeeyay kooxaha Heegan iyo Horseed oo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta dalka, isagoo ay ka muuqatay farxad aan lasoo koobi karin oo ku aadan in uu arko 25 sano kadib bahda isboortiga oo siwayn ugu soo dhaweysay garoonka banaadir.

Qabiir Isboorti Xaji Max’e Axmed Colow oo ka mid ahaa ciyaartoydii lagu bilaabay kooxda Muqdisho ayaa ka sheekeeyay taariikha da waxunua xusay in kooxda Menecipia la aasaayay 13/02/1963 ayna ka koobaanyeen 13 ciyaaryahan, basle xiligii Axmed Cabaas uu u ciyaarayay kooxda Ay ahayd xiligii ugu ficnaa.

Macali Max’ed Cabdulle Farayae oo Kooxda Muqdisho ka soo wada ciyaareen ayaa tilmaamay in Axmed Cabaas uu heer kasta ku wanaagsanaa, sidoo kale farayare waxuu tilmaamay in uu isagu yahay Ciyaaryahanki ugu horeeyay ee dalka dibadiisa sedex gool ku soo dhaliya lkn sedexda goolka uu ku caawiyay Axmed cabaas taasna ay tahay waxtarkiisa qayb ka mid ah.

Axmed Cabaas Busuri ayaa ayaa u mahad celiyay taageerayasha garoonka ku sugnaa Madaxda Xiriirada Ciyaartoydii hore waxuuna sheegay in uu ku dhiiri gelinayay in isboortiga hormarkiisa laga shaqeeyo, inta uu lahdlayay taageerayaasha ayaa u istaagay sacabna ku soo dahweeyay kuna sagootiyay.

Taariikh nololeedkiisa isboorti oo kooban:

Axmed Cabaas Busuri waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd Febraury 29/1964kii. waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe waxaa uu ku qaatay Yaasiin Cismaan, dugsiga sarena waxaa uu ku dhammaystay Sakhaawuddiin iyo macallin jaamac.

Ciyaaraha waxaa uu bilaabay isaga oo aad u da’yar oo uu aad u jeclaa Kubadda cagta…Dugsiga dhexe ee Yaasiin Cismaan ayuu u ciyaaray, sidoo kalena cayaarahii xaafadaha ee degmada Boondheere ayuu ka qaybgalay isaga oo u saftay kooxdiii la oran jiray Jeenyo.

1981 kii ayuu ka mid noqday 16 dhallinyaro yaryar oo uu barbaarinayay macallin Jarmal ahaa oo la oran jiray Klaus. kaasi oo uu si aad ah uga faa’iidaystay, waxaana arrintaasi uu uga mahadcelinayaa oo ka qaybgalka tababarkaasi sabab u ahaa nin la oran jiray Ismaaciil oo ku magac dheeraa “Aaciilka” kana shaqayn jiray Wasaaraddii Isboortiga.

Isla sannadkaasi waa 1981kii ayuu markii ugu horaysay u cayaaray kooxdii K/cagta heerka 2aad ee naadigii Muqdisho, dabadeedna ciyaarihii gobolada ee caanka ahaa ayuu ka qaybgalay oo uu u saftay gobolka Banaadir, iyaga oo tartanka cayaarahaasi ka galay kaalinta 2aad oo kooxdii gobolka jubbada Hoose ay uga adkaadeen 1 iyo 0 cayaartoodii kama dambaysta ahayd.

1985kii ayaa loo magacaabay cayaaryahanadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana uu ka qaybgalay cayaaro caalami ah isaga oo la cayaaray waddamadii kala ahaa: Uganda, Ruwanda, Burundi. Zimbabwe,Kenya, Nigeria iyo Sacuudiga.  1986kii waxaa Axmed Cabaas sanadkaasi loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa “Best Player”. kadib marki uu kooxiisa kula guulaystay horyaalka Dalka.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xidiga Hore Ee Kooxda Muqdisho Axmed Cabaas Busuri Oo Lagu Soo Dhaweeyey Garoonka Banadir], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xidiga-hore-ee-kooxda-muqdisho-axmed-cabaas-busuri-oo-lagu-soo-dhaweeyey-garoonka-banadir/feed/ 0
Hordhaca: Jeenyo vs Heegan: Kooxda Jeenyo Oo Jaanis U Heysata Iney Hogaanka La Wareegto http://hiilkubad.com/hordhaca-jeenyo-heegan-kooxda-jeenyo-oo-jaanis-heysata-iney-hogaanka-la-wareegto/ http://hiilkubad.com/hordhaca-jeenyo-heegan-kooxda-jeenyo-oo-jaanis-heysata-iney-hogaanka-la-wareegto/#comments Thu, 23 Jan 2014 04:31:47 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=14576
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca: Jeenyo vs Heegan: Kooxda Jeenyo Oo Jaanis U Heysata Iney Hogaanka La Wareegto], All Right Reserved. 2014.
]]>
Jeenyo

Jeenyo iyo Heegan ayaa galabta isku farasaari doona garoonka Banaadir Stadium kulan xiiso badan oo ay taagerayasha labada dhinac wada sugayaan.

Jeenyo ayaa kulankeedii ugu dambeeyay barbaro aysan u qalmin ka heshay kooxda Banaadir Sports Club halka Heegan ay guuldaro la isku xiiqay ka heshay Elman. Jeenyo ayaa leh 10-dhibcood halka Heegan ay leedahay 9-dhibcood waana laba kooxood oo kaalmaha xagooda isku xiga.

C/qaadir Shariif Muqtaar Niinje oo ah weeraryahanka Jeenyo ayaa seegi doona kulanka galabta kaas casaan la siiyay kulankii Banaadir Sports Club.

Dhanka kale Ma jirto xidig Heegan ah kulankaan seegaya waxaana halis ku jira deeq aaryo oo qaba kaarka digniinta haduu qaato kulankaan jaale wuxuu seegayaa kulanka xiga.

XUSUUS:

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta ayaa digniin kama dambeys ah usoo jeediyay numberka (7-aad) ee kooxda Jeenyo Maxamuud C/nuur Meeman kadib markii uu diday awaamiirta Waaxda Caafimaadka inkastoo uusan ganaax ku dhicin.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca: Jeenyo vs Heegan: Kooxda Jeenyo Oo Jaanis U Heysata Iney Hogaanka La Wareegto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhaca-jeenyo-heegan-kooxda-jeenyo-oo-jaanis-heysata-iney-hogaanka-la-wareegto/feed/ 0
Live: Toos Ah Ula Soco Kulanka Xiisaha Leh Ee Dhexmaraya Kooxaha Heegan & Elman http://hiilkubad.com/live-toos-ah-ula-soco-kulanka-xiisaha-leh-ee-dhexmaraya-kooxaha-heegan-elman/ http://hiilkubad.com/live-toos-ah-ula-soco-kulanka-xiisaha-leh-ee-dhexmaraya-kooxaha-heegan-elman/#comments Thu, 16 Jan 2014 12:20:53 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=14026
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Live: Toos Ah Ula Soco Kulanka Xiisaha Leh Ee Dhexmaraya Kooxaha Heegan & Elman], All Right Reserved. 2014.
]]>
???????????????????????????????

Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad.com waxey ku guuleysatay iney akhristayaasheeda usoo tabiso ciyaarta xiisaha leh ee galabta dhexmari doona kooxaha Heegan iyo Elman kulan ka tirsan Horyaalka Heerka Koowaad ee dalka.

Kulankaan ayaa ah kii Shanaad ee Labadaan Kooxood, Dhacdooyinka ka dhaca garoonka, Kaararka La bixiyo, Natiijada Ciyaarta dhamaan waan idiin soo tabin doonaa idinkoo si toos ah ugala socon kara Barnaamijka Hoose ee Live-ka ah.

Labadaan Kooxood ayaa kooxdii guul hesho ay nasiib u yeelaneysaa iney Hogaanka si kumeel gaar ah ugu fariisato waana kulan ka mid ah midka ugu culus Horyaalka.

SI TOOS AH HALKAAN UGALA SOCO:

Kasoo Hadal Fikirkaaga, qeybta hoose ee fikradaha ama hadii kale barnaamijka ayaaba leh qeyb sida toos ah aad fikirkaga ugu soo gudbisan karto.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Live: Toos Ah Ula Soco Kulanka Xiisaha Leh Ee Dhexmaraya Kooxaha Heegan & Elman], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/live-toos-ah-ula-soco-kulanka-xiisaha-leh-ee-dhexmaraya-kooxaha-heegan-elman/feed/ 0
Hordhaca Heegan vs Elman: Kooxda Elman Oo Isha Ku Heysa Hogaanka Horyaalka http://hiilkubad.com/hordhaca-heegan-elman-kooxda-elman-oo-isha-ku-heysa-hogaanka-horyaalka/ http://hiilkubad.com/hordhaca-heegan-elman-kooxda-elman-oo-isha-ku-heysa-hogaanka-horyaalka/#comments Thu, 16 Jan 2014 07:30:04 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=14019
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Heegan vs Elman: Kooxda Elman Oo Isha Ku Heysa Hogaanka Horyaalka ], All Right Reserved. 2014.
]]>
 DSC00426

Galabta waxaa garoonka Banaadir Stadium ee dagmada C/Casiis ka dhici doona kulan culus oo dhexmari doona kooxaha Elman iyo Heegan kana mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Soomaaliya sidoo kalana ku jira kaalmaha 3-aad iyo 4-aad.

Si Kastaba Labadan kooxood ayaa tiigsanaya iney hogaanka Horyaalka si kumeel gaar ah u qabtaan madama Banaadir ay ciyaareyso berri oo jimco ah.

Sidoo kale Sacad oo ka tirsan Elman ayaa ganaax kasoo laabanaya sidoo kale Siidii iyo Deeq Aaryo oo ka tirsan Heegan oo seegay kulankii guuldarada Banaadir Sports Club ayaa xaadir noqon doona.

Heegan iyo Elman ayaa lumiyay min hal jeer xili ciyaareedkaan taasoo ka dhigan in halka guuldaro oo ay koox walba la kulantay ay ka dhaxashay kooxda hogaanka heysata ee Banaadir Sports Club.

Shabakadda Hiilkubad.com, oo ah mid mar walba jecel iney akhristayaasheeda usoo gudbiso wararka ciyaaraha caalamka iyo kan soomaaliya ay idinla socodsiin doontaa ciyaarta si qoraal ah.

Live ayaan u tabin doona insha allaah marka la gaaro 3:30 Galabnimo xiliga geeska africa markaas oo ay ciyaarta bilaabaneyso.

Codkaaga Sii Yaad Guusha U Rajeyneysaa???



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Heegan vs Elman: Kooxda Elman Oo Isha Ku Heysa Hogaanka Horyaalka ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhaca-heegan-elman-kooxda-elman-oo-isha-ku-heysa-hogaanka-horyaalka/feed/ 0
Rasmi: Kooxda Gaadiidka Oo Soo Bandhigtay Xidigaha AJaanibta Ah Ee Kusoo Biiray http://hiilkubad.com/rasmi-kooxda-gaadiidka-oo-soo-bandhigtay-xidigaha-ajaanibta-ah-ee-kusoo-biiray/ http://hiilkubad.com/rasmi-kooxda-gaadiidka-oo-soo-bandhigtay-xidigaha-ajaanibta-ah-ee-kusoo-biiray/#comments Tue, 14 Jan 2014 14:03:10 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=13878
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Kooxda Gaadiidka Oo Soo Bandhigtay Xidigaha AJaanibta Ah Ee Kusoo Biiray ], All Right Reserved. 2014.
]]>
DSC00748

Sida la filayay Kooxda Gaadiidka ayaa ka hor kulankeedii maanta ee Horseed kuso bandhigtay laba xidig oo ajaanib ah kuwaas oo kusoo biiray kana soo jeeda dalka Kenya.

Sida uu horay u shaaciyay Xog-hayaha Naadiga Gaadiidka Bile Maxamuud Jimcaale oo maanta la haladlay Saxaafada Ciyaaraha ee gudaha soomaaliya.

Kooxdaan ka dhisan Dagmada Hodan ayaa raacday wadadii ay horay u qaaday Kooxda Banaadir Sports Club taas oo lasoo wareegtay afar ciyaariyahan oo ajnabi ah.

Labadan Xidig ayaa kala ah Goolhaye lagu Magacaabo:  Maheso Lehman Mwensi iyo xidig dhanka weerarka ahoo lagu magacaabo Okoth Fredrick Kentile.

DSC00749 DSC00750 DSC00751 DSC00752

U Fahan In Xidiga Dhanka Bidix Uu yahay Goolhayaha (lehman) halka dhanka midig uu jiro weeraryahanka Okoth



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Kooxda Gaadiidka Oo Soo Bandhigtay Xidigaha AJaanibta Ah Ee Kusoo Biiray ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-kooxda-gaadiidka-oo-soo-bandhigtay-xidigaha-ajaanibta-ah-ee-kusoo-biiray/feed/ 0
LL.PP Jeenyo Oo Guul Ka Gaartay Dekedda Soona Tiigsatay Kaalinta Labaad http://hiilkubad.com/live-jeenyo-1-0-dekedda-ccasiis-catoosh-oo-hogaanka-dhiibay-kooxda-jeenyo/ http://hiilkubad.com/live-jeenyo-1-0-dekedda-ccasiis-catoosh-oo-hogaanka-dhiibay-kooxda-jeenyo/#comments Mon, 13 Jan 2014 13:03:27 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=13753
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP Jeenyo Oo Guul Ka Gaartay Dekedda Soona Tiigsatay Kaalinta Labaad ], All Right Reserved. 2014.
]]>
DSC04948

Kulan Xiiso Badan ayaa ka socda garoonka Banaadir Stadium waana Kulankii afaraad ee labada kooxood inkastoo kooxda Dekedda aysan labadii kulan ee ugu dambeysay aysan guul gaarin.

Jeenyo ayaa labadii kulan ee ugu dambeysay hal kulan badisay kulana guuldaro la kulantay waxaana ay labada kooxood kala leeyihin Jeenyo 6-dhibcood, Dekedda 3-dhibcood.

XAQIIQDA KULANKAAN:

C/casiis Catoosh ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Jeenyo isagoo daba mariyay kubad goolhayaha Dekedda Dida ninka lagu magacaabo kubad qafiif ah.

Qeybtii hore ayaa lagu guda jiraa labada kooxoodna waxey sameynayaan isku dayo

Numberka 7-aad ee Jeenyo Meeman ayaa qeybtii labaad goolka labaad ee kooxda u dhaliyay halka goolka sadexaad uu dhaliyay Liinje oo numberka 9aad u wata kooxda Jeenyo

Jeenyo ayaana noqoneysa hadii ay natiijadu sidaan ku dhamaato mid soo istaagta kaalinta labaad iyadoo booskaas kala bixi doonta Elman oo horay ugu sugneed.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP Jeenyo Oo Guul Ka Gaartay Dekedda Soona Tiigsatay Kaalinta Labaad ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/live-jeenyo-1-0-dekedda-ccasiis-catoosh-oo-hogaanka-dhiibay-kooxda-jeenyo/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Kooxaha Jeenyo vs Elman http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-xamaasadda-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-kooxaha-jeenyo-elman/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-xamaasadda-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-kooxaha-jeenyo-elman/#comments Wed, 01 Jan 2014 05:15:23 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=12731
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Kooxaha Jeenyo vs Elman], All Right Reserved. 2014.
]]>
Jeenyo

Maanta Waxaa garoonka Banaadir Stadium ka dhici doona kulanka ugu culus kulamada horyaalka Nationlink Championship ee dalkeena Soomaaliya kaas oo dhexmari doona kooxaha LL.PP. Jeenyo iyo Elman kuwaas oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka. Kadib hakad la galiyay horyaalka madama ay xulka qaranka ka qeyb galayeen tartankii Cecafa ee kusoo dhamaaday Kenya waxaa maanta u bilaaban doona horyaalka waxaana nasiib u yeeshay in lagu furo koxaha Jeenyo & Elman kuwaas oo kulankooda uu horay u baaqday bartamihii bishii November ee kal hore markaas oo booqasho Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku tagay Banaadir Stadium darteed kulankii looga dhigay mid saaxiibtinimo madama la dhaafay waqtigii loogu tala galay bilaabashada ciyaarta. Si Kastaba xifaaltankii iyo ciyaarihii ay bulshada soomaaliyeed wada sugayeen ayaa dib u bilaaban doona iyadoo maanta ay dad badani sugi la’yihiin xiliga bilaabashada ciyaarta.

Warbixin La Xiriirta Labada Kooxood:

LL.PP JEENYO: Sida ku qoran xeerka tartamada ee xiriirka waxaa ganaax la kulmi doona ciyaariyahnkii qaata laba jaale wuxuuna maqnaanayaa kulan, Xamza Mohamed Mukhtaar & Cabdicasiis Catoosh ayaa qarka u saaran iney la kulmaan ganaxaas hadii ay jaalayaal qaatan kulanka Elman ee Galabta, iyagoo seegi doona Kulanka Horseed ee ah midka ugu xiga Elman. Ma Jiro xidig dhaawac kaga maqan kooxda Jeenyo kaas oo seegi doona kulankaan.

ELMAN: Elman oo raadineysaa guusheedii ugu horeysay horyaalka ayaa dhibaato weyn qabi doonta hadii ay jalayaal qaataan Mohamed Abdi Noor Shaarkey & C/llaahi Ciise Muxumed Joon kuwaas oo min hal jaale horay u qabay iyagoo seegi doona kulanka xiga ee Gaadiidka.

Cabdicasiis Hoomey oo ah weeraryahanka Kooxda Elman ayaa kazoo kabtay dhaawac dhanka muruqa ah oo kazoo gaaray kulankii Banaadir Sports Club ee kal hore, isagoo si caadi ah u bilaabay tababarka kooxda waxaana la filayaa inuu galabta soo fariisto Kursiga keydka ee kooxda.  Marka la fiiriyo natiijadoodii kulamadii horyaalkii hore Jeeyo ayaa rikoor ka heysa madama Jeenyo ay adkaatay hal kulan halka kulanka kalana ay barbardhac ku dhameysteen.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Kooxaha Jeenyo vs Elman], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-xamaasadda-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-kooxaha-jeenyo-elman/feed/ 0