Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Horyaalka Somalia http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 18:01:23 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Hay’adda HIRDA Oo Tartan Lagu Maamusayo Bisha Ramadan Ka Hirgalisay Muqdisho http://hiilkubad.com/hayadda-hirda-oo-tartan-lagu-maamusayo-bisha-ramadan-ka-hirgalisay-muqdisho/ http://hiilkubad.com/hayadda-hirda-oo-tartan-lagu-maamusayo-bisha-ramadan-ka-hirgalisay-muqdisho/#comments Fri, 27 Jun 2014 20:33:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27382
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hay'adda HIRDA Oo Tartan Lagu Maamusayo Bisha Ramadan Ka Hirgalisay Muqdisho], All Right Reserved. 2014.
]]>
DSC07461

Hay’adda Samafalka ee HIRDA oo looga bartay iney garab istaagto bulshada soomaaliyeed dhan walba ayaa maanta xariga ka jartay tartan kubada cagta ah kaas oo ay maal galisay hay’adda HIRDA iyo naadiga Ajax Amasterdam ee dalka Holland.

Tartankaan oo ah mid socon doona inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Rmadaan ayaa waxaa isku arki doona 16-kooxood oo kaka kala socda isla dagmada Dharkenley gudaheeda.

Hay’adda HIRDA ayaa gacan weyn ka geystay abaabulka iyo fulinta tartankaan bisha Ramadaan loogu tala galay iyadoo gaashaan ka dhiganesya gudiga ciyaaraha ee Dagmada Dharkenley.

Hay’adda HIRDA ayaa balan qaaday iney abaalmarino siin doonto kooxaha gala kaalmaha 1–aad,  2-aad,  iyo 3-aad abaalmarintaasna waxey ka koobnaan doontaa: Koob, Maaliyado, Kabaha Ciyaaraha & Shahaado Sharaf iyo abaalmarino kale.

Dr. Ismaaciil Cabdalla oo ka mid ah gudiga Fulinta Hay’adda HIRDA ayaa sheegay in Hay’adda ay go’aanka ku qaadatay xoojinta dhalinta si aysan ugu dhiiran tahriib, daroogada, kamid noqoshada ciidamada iwm.

Sidoo kale Xasan Cabdi Keynaan oo ah masuul ka tirsan hay’adda HIRDA ayaa carabaabay dhankiisa iney garab taagan yihiin dhalaanka mustabalka fiican leh iney ka taageeraan dhanka ciyaaraha.

Sidoo kale Xuseen C/llaahi Gaab waa gudoomiyaha ciyaaraha ee dagmada Dharkkenley wuxuuna si gaar ah mahad  ugu jeediyay Hay’adda HIRDA sida ay uga qeyb qaadaneyso tartamada ciyaaraha Ramadaanka wuxuuna hay’adda ka codsaday iney taageerto ciyaaraha dhan walba.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay HIRDA taageerto ciyaaraha waayo Ramadaankii hore waxey ciyaar ka hirgaliyeen School Jabuuti, sidoo kalana ciyaar fudud ayey u qabatay iskuulada Maxamuud Mire iyo Raage Ugaas taasoo ka dhacday Koonis Stadium.

MADAXDA HIRDA:

 1. Ismaaciil Cabdala Bunow

2. Xasan Cabdi Keynaan

Iyo Teamka HIRDA Muqdisho:

1. C/rashiid Cali Axmed (Aayow) Madaxa Dhalinyarada Iyo Sports-ka HIRDA

2. C/fitaax Axmed Haabil

3. Luul Shariif Cali

DSC07481 DSC07480 DSC07479 DSC07477 DSC07474 DSC07466 DSC07467 DSC07468 DSC07469 DSC07472 DSC07463 DSC07462 DSC07459
DSC07457



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hay'adda HIRDA Oo Tartan Lagu Maamusayo Bisha Ramadan Ka Hirgalisay Muqdisho], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hayadda-hirda-oo-tartan-lagu-maamusayo-bisha-ramadan-ka-hirgalisay-muqdisho/feed/ 0
Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/ http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/#comments Sun, 18 May 2014 17:12:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22601
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6520

maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-ka May waxey aheyd sanad guuradii 6-aad ee wargeyska caanka ah ee Horyaal Sports waxeyna maamulka wargeyska garteen madama wargeyska uu ka shaqeeyo arimaha ciyaaraha in koob munaasabad ah loogu dhigo garoonka Salaxa Shiirkole ee dagmada Hodan.

Koobkii ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Wargeyska waxaa ku ciyaaray laba kooxood oo kala ah: Gaab Carab Tailor iyo Horyaal Sports iyadoo labada kooxood ay u safnaayeen xidigaha heerka koowaad ee kooxaha dalka soomaaliya, hadaba ciyaartoydii shalay kulanka ciyaartay waxaa ka mid ah:

Gab Carab Tailor: Cabdi dheere, Daadir, Baazi, C/casiis Catoosh, Mahad Saha, Meyman, A’ina, C/fitaax, Jooker, Carab Gaab.

Horyaal Sports: Mustaf, Axmed Tahliil, Daandii, Siid Cali, Zakariye, Shaafaa, Niinje, Liidaanyo, Daadir Amiin.

Hadaba kulankii shalay oo xamaasad goonni ah lahaa ayaa ku dhamaaday 4-3 oo ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports. Sadexda gool ee naadiga Carab Gaab Waxaa u dhaliyay: Meyman, C/fitaax, Gaab Carab, Halka kooxda Horyaal Sports ay goolasha afarta ah ka heshay: Siid Cali, Niinje iyo 2-gool oo Liidaanyo ah.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, ayey maamulka wargeyska horyaal Sports halkaas koobkii ku guudoonsiiyeen kooxdii hanatay koobka oo ah kooxdii ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports.

Ugu Dambeyntii Madaxa Wargeyska Horyaal Sports Maxamed Axmed Siyaad “Black” ayaa mahad gaar ah u celiyay shaqsiyaadkii sida sharafta leh isugu howlay iney soo qaban qaabiyaan koobkaan qiimaha badan iyo dhaaan taageerayashii kasoo qeyb galay iyo sidoo kale bulshada ku dhaqan xaafadaas oo qeyb ka qaatay in ciyaartu ku dhamaato si farxad leh.

Sidoo kale kadib kulanka waxaa ka hadlay natiijada ciyaarta labadii tababare ee kala hogaaminayay labada kooxood waana (Gaab Carab iyo Faarax) iyagoo si aad ah ugu mahad celiyay maamulka wargeyska, shaqsiyaadkii soo qabanqabiyay tartanka & Ciyaartoda labada kooxood.

Koobkaan wuxuu maamulka wargeyska qabtaa sanad walba marka la gaaro taariikhda 18-ka May wuxuuna sanad walba ku qabtaa Dagmo iyadoo sanadkii hore lagu qabtay dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

SAM_6500 SAM_6501 SAM_6502 SAM_6503 SAM_6504 SAM_6505 SAM_6506 SAM_6507 SAM_6509 SAM_6510 SAM_6512 SAM_6514 SAM_6517 SAM_6523 SAM_6524 SAM_6525 SAM_6526



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/feed/ 0
LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa’uud & Ra’isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/ http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/#comments Fri, 16 May 2014 16:36:59 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22239
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa'uud & Ra'isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6448

Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u dabaal dagtay hanashada koobka Janaraal Daa’uud ee sanadka 2014 markii ay 4-2 ku garaaceen kooxda Heegan oo ay wada joogeen Fianlka Tartankaan.

Ciyaar xiiso badneyd oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin badan oo dowladda soomaaliya ka tirsan ayaa ka dhacday garoonka Banaadir Stadium iyadoo masuuliyiintaas uu hogaaminayay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/Wali Shiekh Maxamed, Sidoo kale garoonka waxaa ku sugnaa masuuliyiinta xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya

Ciyaartii ka dhacday Maanta Garoonka Banaadir oo aheyd mid aad u xiiso badan ayey kooxda Jeenyo kor ugu qaaday koobka waxeyna goolasheeda ka heshay labada xidig ee dhanka weerarka Maxamuud C/nuur Meeman iyo C/qaadir Shariif Muqtaar Niinje halka Labada gool ee kooxda Heegan ay la timid ay ka heshay xidigaha khadka dhexe iyo weerarka uga ciyaara ee Cismaan Ayeerta iyo Jabriil Xasan Fariid.

Jeenyo ayaa 30-daqiiqo in ka badan ku ciyareysay 10-ciyaartoy markii casaan laga siiyay Xasan Cartan oo goolhayaha u ahaa.

DAAWO DABAAL DAGII JEENYO

SAM_6447

Taageerayaasha LL PP Jeenyo

SAM_6456

Ra’isul Wasaare: Cabdiwali

SAM_6464

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6465

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6466

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6467

Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay

SAM_6449

SAM_6468

Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay

SAM_6472

Xoghayaha Guud Xiriirka: Cabdiqani Siciid Carab

SAM_6457 SAM_6477 SAM_6478 SAM_6479 SAM_6480



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa'uud & Ra'isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/feed/ 0
Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/ http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/#comments Wed, 14 May 2014 20:02:35 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22061
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag], All Right Reserved. 2014.
]]>
Elman

Ururuka cayaaraha ee bariga iyo bartamaha africa ee loo yaqaano East and Central Africa Football Associations (CECAFA) ayaa ku dhawaaqay isku aadka koobka Nile Basin Cup oo ah tartan cusub oo hada la abuurayo.

Tartanka CECAFA Nile Basin Cup ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 22- May waxaana lagu qaban doonaa sanadkan dalka Sudan oo marti galinn doona.  CECAFA ayaa waxaa ay warbxintan ku sheegtay in ay kawada qayb galayaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah Cecafa iyo kuwo kale oo lagu casuumo balse Eritrea ay kabaxday tartankan.

Africa

Kooxaha ugu magaca wayn ee kasoo muuqday tartankan ayaa waxaa kamdi ah Arab Contractors iyo El Masry oo Masar ah, Sudan’s giant El Merreikh of Khartoum aiyo Al Ahly of Shandy City oo wada suudaan ah.Sidoo kale Tanzania waxaa u matalaya Mainland Mbeya City FC, waxaana kooxdan ay la dagaalantaa sadexda kooxood ugu magaca wayn dalkaasi oo ay kamid yihiin clubs of Dar es Salaam-Azam, Young Africans iyo Simba.

Wadankeena Soomaaliya ayaa waxaa ugu qayb galaya kooxda Elman FC oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka soomaaliya ee Nation Link Telecom Championship.

Waxaana Elman ay kulanka ugu horeeya la ciyaari doontaa kooxda FC Leopards oo kadhisan Kenya maalin jimco ah 23- May.

GROUP A: GROUP B:
El Merreikh [Sudan] El Merreikh Al Fasher [Sudan]
SC Victoria University [Uganda] Mbeya City [Tanzania Mainland]
Malakia [South Sudan] Elman [Somalia]
Polisi [Zanzibar] AFC Leopards [Kenya]
GROUP C: GROUP D:
Al AhliShandi [Sudan] Hey Al Arab [Sudan]
Al Masry [Egypt] Arab Contractors [Egypt]
Defence [Ethiopia] Flambeau de l’Est [Burundi]
Dikhil [Djibouti] Etincelles [Rwanda].


Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/feed/ 0
LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa’uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/ http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/#comments Wed, 14 May 2014 09:32:21 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22003
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa'uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6405

Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u gudubtay Finalka tartanka Janaraal Daa’uud kadib markii ay shalay ciyaar xiiso badan ku garaaceen kooxda heysta horyaalnimada soomaaliya ee Banaadir Sports Club. Jeenyo ayaa ciyaarta kusoo idleysay 2-1 iyadoo goolasheeda ka heshay Meeman & Shaafaa halka Goolka kali ah ee ay la timid Banaadir Sports Club ka heshay kabtan Mustaf Faransa.

Natiijada Shalay ayaa ka dhigan in Jeenyo ay Finalka koobkaan kula biireyso kooxda Heegan oo Isniintii natiijo la mid ah tii shalay ku garaacday Elman.

Sidoo kale ciyaarta dhexmartay Jeenyo iyo Banaadir ee aheyd Semi Finalka Koobka Janaraal Daa’uud waxaa ku lifaaqnaa Koob ay soo agaasintay Wasaaradda Dhalinyaada iyo Sports-ka Soomaaliya iyadoo maamuus uga dhigeysay munaasabadda maalintii la aas-aasay SYL oo ku beegan 15-ka May oo ku aadan Maalinimada Khamiista ah.

Kooxda Jeenyo ayaana la gudoonsiiyay Koobkii ay soo maamuustay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sports-ka waxaana gudoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportska. Waxa la sugaba waa Finalka Koobka Janaraal Daa’uud oo dhici doona 16-ka May taas oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo aadan waxaana iska hor imaan doona kooxaha LL.PP. Jeenyo oo reebtay Banaadir Sports Club iyo Heegan oo soo reebtay kooxda Elman.SAM_6404 SAM_6410 SAM_6411 SAM_6412 SAM_6413 SAM_6420 SAM_6421 SAM_6423 SAM_6427 SAM_6428 SAM_6431



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa'uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/feed/ 0
Wasiirka Sports-ka Somalia Oo FIFA Uga Mahad Celiyay Hormarka Sports Oo Ay Somalia Gaartay http://hiilkubad.com/wasiirka-sports-ka-somalia-oo-fifa-uga-mahad-celiyay-hormarka-sports-oo-ay-somalia-gaartay/ http://hiilkubad.com/wasiirka-sports-ka-somalia-oo-fifa-uga-mahad-celiyay-hormarka-sports-oo-ay-somalia-gaartay/#comments Fri, 25 Apr 2014 13:55:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=19958
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wasiirka Sports-ka Somalia Oo FIFA Uga Mahad Celiyay Hormarka Sports Oo Ay Somalia Gaartay], All Right Reserved. 2014.
]]>
Somalia

Kadib markii si guul ku dheehan usoo gaba gaboobay Course ama darsi laga baranaayay garsooranimada kaasi oo markii ugu horeesay mudo 25-sano kadib gudaha Somalia ay FIFA ku qabatay, Dowlada Somalia ayaa u mahad celisay FIFA iyo sida ay kubada cagta dalka Somalia usoo nooleesay FIFA, Wasiirka dhalinyrada iyo sports-ka Somalia mudane Khalid Ali Omar oo shir jaraa’id qabtay kana hadlay hormarka FIFA ay Somalia kusoo kordhisay ama ka caawisay wuxuu yiri “Anigoo ku hadlaayo magaca dowlada federalka Somalia, waxaan jeclaan lahaa inaan ku amaano sidoo kalena uga mahad celiyo FIFA gaar ahaan madaxweynaha FIFA Joseph S. Blatter sida ay kubada cagta Somalia u garab tagnaayeen tan iyo markii uu dalkan fowdada ku jiray mudo ka badan 20-sano”

Sidoo kale wasiirka wuxuu xiriirka kubada cagta aduunka kaga mahad celiyay dhismaha garoonka Banadir Stadium sidoo kalena wuxuu ku tilmaamay arinkaas tilaabo wanaagsan oo hore loo qaaday wuxuuna yiri “Sida aan wada ognahay Banadir Stadium si wanaagsan ayaa loo dhisay sidoo kalena caws artificial ah ayaa la dhigay dabcan mashruucaas wuxuu naga caawiyay inaan helno qalab caalami ah iyo garoon caalami ah waxaana uga mahad celinayaa hawshaas quruxda badan madax weynaha FIFA, xoghayihiisa iyo dhamaan xubnahiisa guud oo sabab u ahaayeen in hawshaad hore loo dhaqaajiyo”

Wasiirka dhalinyarada iyo Sports-ka ayaa sheegay in wadankiisa uu marwalbo xasuusnaan doono gar gaarka bini aadanimo oo ay FIFA ugu tababarucday Somalia  taasi oo bad baadisay nolosha boqolaal kun oo Somalia ah xiligii abaartii xumeed Somalia soo martay dhawaanahan wuxuuna yiri “Si wanaagsan ayaan u fahmi karaa wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeyso Xiriirka Kubada Cagta Somalia iyo FIFA inuu sababay in FIFA ay kaalmo bini aadanimo dadka Somaaliyeed lasoo gaarto xiligii gurmadka abaaraha waana muhiim isku xirka iyo wada shaqeynt wanaagsan waxaana xiriirka kubada cagta Somalia uga mahad celinaa hawl karnimada iyo xiriirka wanaagsan oo ay FIFA la sameeyeen”

F.G: warbixintan waxaa lagu qoray oo aan si rasmi ah ooga soo xiganay website-ka www.fifa.com



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wasiirka Sports-ka Somalia Oo FIFA Uga Mahad Celiyay Hormarka Sports Oo Ay Somalia Gaartay], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wasiirka-sports-ka-somalia-oo-fifa-uga-mahad-celiyay-hormarka-sports-oo-ay-somalia-gaartay/feed/ 0
Xulka Qaranka Soomaaliye Ee Da’doodu Ka Hooseyso 20-jirada Oo Gaaray Sudan http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliye-ee-dadoodu-ka-hooseyso-20-jirada-oo-gaaray-sudan/ http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliye-ee-dadoodu-ka-hooseyso-20-jirada-oo-gaaray-sudan/#comments Thu, 24 Apr 2014 06:48:30 +0000 http://hiilkubad.com/?p=19830
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xulka Qaranka Soomaaliye Ee Da'doodu Ka Hooseyso 20-jirada Oo Gaaray Sudan ], All Right Reserved. 2014.
]]>

Xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku sugan SUDAN

Sida uu inoo Xaqiijiyay Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ah wariyayaasha ku sugan dalka Sudan waxaa xalay gelinkii dambe magaalada Khartoum ee dalka Sudan gaaray Xulka Qaranka Soomaaliye ee da’doodu ka hooseyso 20-jirad kuwaas oo lagu wado iney kulan isreeb-reeb ah la ciyaaraan xulka Sudan ee 20-jirada.

Wariye Maxamed Ciise Koonaa ayaase ku waramay inuu la kulmay Mustaf Gurey oo ka mid ah masuul ka tirsan Xiriirka Soomaaliya oo hogaaminayay ciyaartoyda isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ay Jaaliyada Soomaaliyee ee dalka Sudan u sameeyeen.

Sidoo kale Ciyaartoyda Xulka Qaranka oo uu ka mid ayahay Maxamed C/nur Meeman oo ka tirsan jeenyo ayaa sheegay in sanadkaan ay wax badan ka faa’iideen tababaraha reer Uganda wuxuuna Meman intaas ku daray inuu qaatay tababarkii ugu fiicnaa ebid mudadiisa kubada cagta.

Ugu dambeyntiina Ciyaartoyda Xulka Qaranka ayaa taageero ka dalbaday shacabka soomaaliyeed ee ku sugan Sudan iyo meel walba oo ay aduunka ka joogaan iyaguna ay ku dadaali doonaan iney guul keenaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xulka Qaranka Soomaaliye Ee Da'doodu Ka Hooseyso 20-jirada Oo Gaaray Sudan ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliye-ee-dadoodu-ka-hooseyso-20-jirada-oo-gaaray-sudan/feed/ 0
Xulka Qaranka Soomaaliya Ee 20-Jirada Oo Berito Ka Amba Bixi Doona Magaalada Muqdisho http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliya-ee-20-jirada-oo-berito-ka-amba-bixi-doona-magaalada-muqdisho/ http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliya-ee-20-jirada-oo-berito-ka-amba-bixi-doona-magaalada-muqdisho/#comments Mon, 21 Apr 2014 17:53:24 +0000 http://hiilkubad.com/?p=19452
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xulka Qaranka Soomaaliya Ee 20-Jirada Oo Berito Ka Amba Bixi Doona Magaalada Muqdisho], All Right Reserved. 2014.
]]>
???????????????????????

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hoosey 20-jirada ayaa berito ka amba bixi doona garoonka Aden Adde International Airport ee magaalada Muqdisho waxeyna aadi doonaan dalka Sudan halkaas oo ay kulan loogu soo baxayo koobka dhalinyarada qaarada Afrika ay kula ciyaari doonaan xulka Dhalinyarada Sudan.

Tartankaan ayaa kusoo aaday xili horyaalka Soomaaliya uu soo idlaaday waxaana sidoo kale haatan xulka loo xushay dhalinyaro aan wali u bixin dibada si ay u matalaan xulka qaranka.

Kaliya Hal Kulan oo kala bax ah ayey la ciyaari doonaan Xulka Dhalinyarada Dalka Sudan kulankaas oo dhici doona maalinimada Jimcada ah ee soo aadan ee ay taariikhdu ku beegan tahay 25-April-2014.

Kulankaas kala baxa ah ayaa lagu ogaan doonaa cida ka qeyb gali doonta Koobka African Youth ee ka dhici doona sanadka soo aadan dalka Senegal.

Maxaad U Rajeyneysaa Xulka Qaranka Ee 20-Jirada?



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xulka Qaranka Soomaaliya Ee 20-Jirada Oo Berito Ka Amba Bixi Doona Magaalada Muqdisho], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xulka-qaranka-soomaaliya-ee-20-jirada-oo-berito-ka-amba-bixi-doona-magaalada-muqdisho/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/#comments Thu, 20 Mar 2014 07:11:24 +0000 http://hiilkubad.com/?p=18235
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Elman

Maalmo nasiino ah kadib waxaa maanta la ciyaari doona horyaalka heerka koowaad ee dalka soomaaliya ee loo yaqaano Nationlink Championship waxaana fooda isdari doona kooxaha Elman iyo Heegan oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka, labadaan kooxood ayaana ka mid ah afarta koox ee ugu sareeya horyaalka taasoo ka dhigan iney rajo wanaagsan ama mid meel dhexe ahba ay ka yeelan doonaan tartanka horyaalka.

Kooxda Elman ayaa fadhisa booska labaad ee horyaalka iyadoo leh 23-dhibcood waxeyna 4-dhibcood ka hooseyaan Banaadir Sports Club oo berito la ciyaari doonta kooxda LL.PP. Jeenyo, Si Kastaba kooxda Elman ayaa guushii ugu weyneyd horyaalka ka gaartay Savaana kulankii ugu dambeeyay markii ay 8-0 uga adkaadeen xili Sacad Saalax Xuseen uu noqday xidigii ugu horeeyay oo horyaalka ka dhaliya afar gool hal kulan.

Sidoo kale Heegan ayaa kulankii ugu dambeeyay guuldaro kala kulmay kooxda Banaadir Sports Club markii 2-0 lagu garaacay, waxeyna ka riday kaalinta 4-aad iyagoo leh 21-dhibcood inkastoo ay la wadaagaan Jeenyo hadana gool tirsi ayaa looga galay kaalinta 3-aad.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-xiisaha-leh-ee-galabta-dhexmari-doona-elman-heegan/feed/ 0
Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/ http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/#comments Tue, 11 Mar 2014 06:27:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=17824
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
Kooxda Banaadir Sports Club ayaa  guul ka gaartay naadiga kaalinta labaad ku jirta ee Heegan, waxayna hoggaanka horyaalka Soomaaliya ku qabatay lix dhibcood.

Kooxda Banaadir Sports Club 12-daqiiqo oo qura ayey ku qaadatay inay hoggaanka u qabato ciyaarta, waxaana naadiga Heegan gool uga naxsaday Marcel Samson, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku horkacaysay naadiga Banaadir SC.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa kooxda Heegan waxaa kaarka cas ka qaatay daqiiqadii 88-aad xiddigooda Axmed Cusmaan Cabdulle (Axmadey Waji), markii uu kubadda gacan ku taabtay isagoon cidi ka dambeyn, waxaana rigoore loo dhigay kooxda Banaadir gool u bedelay weeraryahanka ajnabiga ah ee kooxdaasi Marcel Samson, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ay galabta guusha ku qaateen wiilasha Banaadir.

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa si wacan u badaal degtay markii ay ciyaarta dhammaatay sida aynay hanatay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, iyadoon laga adkaan, waxaana hadda ay horyaalka ku heysaa 27-dhibcood, halka Heegan oo ku soo xigta kuna jirta kaalinta labaad ay leedahay 21-dhibcood, iyadoo ay kooxda Banaadir ay u hareen saddex kulan oo qura.

Daawo Sawirrada:

DSC_0188

DSC_0227

DSC_0166

DSC_0278

DSC_0280

DSC_0284

DSC_0301

DSC_0304

Sawir kooxeed: Banaadir Sports Club

Sawir kooxeed: Heegan

DSC_0337

DSC_0344

DSC_0346

DSC_0359

DSC_0361

DSC_0371

DSC_0379

DSC_0382

DSC_0435

DSC_0496

DSC_0522

DSC_0531

DSC_0552

DSC_0554

DSC_0559

DSC_0561

DSC_0566

DSC_0569

DSC_0572

DSC_0575

DSC_0581

DSC_0585

DSC_0586

DSC_0587

DSC_0589

DSC_0590

DSC_0611

DSC_0618

DSC_0626

DSC_0629

DSC_0634

DSC_0640

DSC_0647

DSC_0650

DSC_0652

DSC_0654

DSC_0680

DSC_0692

DSC_0696

DSC_0697

DSC_0698

DSC_0702

DSC_0704

DSC_0705

DSC_0713

DSC_0714



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Banaadir Sports Club Oo Guul Ka Gaartay Heegan, Iyadoo Sameysay Dabaal Dag Hordhac Ah], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-banaadir-sports-club-oo-guul-ka-gaartay-heegan-iyadoo-sameysay-dabaal-dag-hordhac-ah/feed/ 0