Michael Carrick ayaa aaminsan inuu goolal badan dhalin doono laacibka kooxda weerarka uga ciyaara Manchester united Rooney kulanka Berby Manchester Maalinta berito ee horyaalka dalka ingiriiska,waxaana uu qiray in laacibkaan uu yahay ni awooda inuu u ciyaaro si kasta uu u baahanyahay.
Xiddiga heerka caalami ee dalka ingiriiska Rooney aayaaa dhawaan qalin tariikheedkiisa goolasha ku qoray goolkiisii 200th- markii kooxda Manchester ay 4-2 kaga adkaatay kooxda jarmalka Liverkuson is aragii koowaad ee groupka champions leaguega.
“Sida hubaasha ah rooney waa xiddig wanaagsan lehna bandhig wacan,waa lacib ka midaa ugu fiican aduunka ayuu laacibka qadka dhexe kooxda Manchester united u sheegay bogga kooxda www.manutd.com.
27 ayaa isu diyarinaya kulanka ugu xamaasada badan horyaalka ingiriisk kaas oo ay ku dagaalami doonaaan kooxaha lagu neynaaso dariska qeylada badan ahana kuwa xifaaltama waa kooxaha Manchester united iyo maanchester City.