Home » Horyaalada » La liga »  Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan

 Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan


Puyol

Halyee Carlos Puyol oo dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay ayaa siweyn maamulka kooxdiisa ugu booriyay inay lasoo saxiixdaan Luis Suarez oo siweyn loo hadal haya inuu Barcelona usoo dhaqaaqi doono, kabtan Puyol oo mustaqbalkiisa cayaareed oo dhan u hibeeyay garoonka Camp Nou ayaa ka hadlay arinka Suarez wuxuuna yiri “Luis Suarez waa weeraryahan aad u wanaagsan horey ayaan ula cayaaray waana aqaan tayadiisa sidaa daarteed maamulkeena waxaan ku boorin lahaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan xidigan Camp Nou u keenaan”

Carlos Puyol oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “cayaaryahan walbo waxaa laga rabaa inuu dareenkiisa xakameeyo waayo caruurta na daawaneyso waxa aan garoonka kuso bandhigno ayay marwalbo sameeyaan sidaa darteed waxaan filaa in qaladkii Suarez ka dhacay uusan mar labaad u laaban doonin” Puyol oo 36-jir ah ayaa aaminsan in Suarez tayadiisa aysan hoos u dhici doonin sidoo kalena Barcelona aysan wax sharaf dhac ah kala kulmi doonin hadii ay Suarez lasoo saxiixato madaama xidigan dhawaan xiriirka kubada cagta ay mudo 4-bilood ah ka ganaaxeen inuu cayaaraha ku lug lahaado.

Close