Home » Horyaalada » La liga » Carlo Angelotti Oo Xaqiijiyay Xiliga Rasmiga Ah Ee Gareth Bale Uu Ciyaari Doono

Carlo Angelotti Oo Xaqiijiyay Xiliga Rasmiga Ah Ee Gareth Bale Uu Ciyaari Doono


Angelotti

Tababaraha Kooxda Real Madrid Carlo Angelotti ayaa shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ah ee uu ciyaari doono xidiga garabka ka ciyaara Gareth Bale kaas oo mudo dhaawac kaga maqnaa Kooxda.

24-jirkaan heerka caalami ee xulka Wales ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo kulanka ay kooxdiisa berito la ciyaari doonto kooxda Malaga ee ka tirsan horyaalka La Liga.

Gareth Bale ayaa kasoo muuqday kaliya hal kulan oo ka dhacaya Bernabue tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda waxeyna aheyd qasaaro ay kooxda kala kulantay markii ay 1-0 ku garaacday Athletico Madrid.

Si Kastaba 54-jirkaan ayaa shaaca ka qaaday in Bale uu ciyaari doono kulanka Malaga.

“Bale waa diyaar berito, wuxuuna waqti u heli doona inuu ciyaaro kulanka Malaga” ayuu yiri Angelotti.

“Waan La yaabay arinka dhaawac Bale markii ay baahiyeen saxaafada spain, mana ahan wax run ah, mana jirto dhibaato uu ka qabo dhabarka”.

Ugu dambeyntii Angelotti ayaa shaaca ka qaaday In Bale iyo CR7 ay diyaar u noqon doonaan iney guul gaarsiiyaan Madrid.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close