Tababaraha reer talyaani ee leyliya kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ku waramay inuu iska diiday dalab isbuucii hore kaga yimid kooxda Manchester United si uu ugu noqdo macalinka rasmiga ah ee kooxda.
Inkastoo saxaafada gudaha Ingiriiska ay shaaca ka qaadeen in Louis Van Gaal uu yahay shaqsiga ugu dhaw ee Man United macalin u noqon kara, hadana wararka ka imaanaya maanta dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in naadiga ka dhisan Old Trafford ay isbuucii hore ku hungowday iney macalinkeeda cusub ka dhigato Carlo Anclelotti.
El-Confidential ayaa qirtay in Carlo Ancelotti uu diiday dalab ku kacaya 14-Malyan oo uu macalinkaan reer talyaani afar sano ku noqon lahaa tababaraha Manchester United.
Sidoo kale warbixinta ay shaacisay El-Confidential ayaa intaas ku dareysa in Carlo Ancelotti iyo macalinkii hore Man United Sir Alex Ferguson ay ku kulmeen magaalada Parism todobadkii hore.