Koobka horyaalada Yurub sabtiga ayaa lagu kala bixi doonaa waxaana Finalaha tartankan ku wada balsan Real Madrid Vs Atletico Madrid sidaa darteed macalin Carlo Ancelotti hadii uu Madrid tartankan u qaado wuxuu ka mid noqon doonaa liiska macalimiinta ugu koobabka badan qaarada Yurub sidoo kalena wuxuu noqon doonaa tababaraha labaad ee ebid 3-jee ku guuleesto koobka horyaalada Yurub waxaana iskoorkan heesto Pop Peisley oo horey Liverpool 3-Champion u qaaday bal aan isla fiirino macalimiinta guusha saaxiibka la ah kuwaas oo koobab badan ku guuleesteen, waxaana idiin soo xulnay 23-macalin ee tartamada Yurub koobabka laga cayaaro guulaha ugu badan ka gaareen.
23. Luis Carniglia (Real Madrid): wuxuu Madrid u qaaday koobka horyaalada Yurub intii u dhaxeesay 1958 iyo 1959.
22. Bela Guttman(Benfica): labo jeer ayuu Benfica u qaaday koobka horyaalada Yurub 1961 iyo 1962 wixii markaas ka dambeeyay Benfica wax koob ah ma qaadin.
21. Helenio Herrera (Inter Milan): 1964 iyo 65 ayuu Inter Milan u qaaday koobka horyaalada Yurub.
20. Miguel Munoz (Real Madrid): 3-sano oo xariir ah ayuu koobka Yurub Real u qaaday intii u dhaxeesay 1956 ilaa 58.
19. Stefan Kovacs (Ajax): kooxda reer Holland wuxuu u qaaday labo sano oo xariir ah tartanka Yurub.
18. Dettmar Cramer (Bayern Munich): 1975 iyo 76 ayuu koobka Yurub Bayern u qaaday macalinkan.
17. Brian Clough (Nottingham Forest): labo jeer ayuu kooxda reer England u qaaday tartanka Yurub.
16. Ernst Happel (Feyernoord iyo Hamburg): waa macalinkii ugu horeeyay ee labo naadi oo kala duwan koobka Yurub u qaado Feynenoord 1970 iyo Hamburg 1983.
15. Arrigo Sacchi (AC Milan): labo sano oo xariir ah ayuu Milan u qaaday koobka Yurub sanadihii 1989 iyo 1990 waana macalinkii ugu dambeeyay ee tartabkan difaacdo!
14. Ottmar Hitzfeld (Dortmund iyo Bayern Munich): 1997 Dortmund ayuu Champion-ka u qaaday kadib 2001 Bayern Munich ayuu hadana u horseeday hanashada koobka Yurub!
13. Vicente Del Bosque (Real Madrid): waa macalinkii ugu dambeeyay ee Madrid u qaaday koobka Yurub wuxuuna qaaday 2000 iyo 2002!
12. Carlo Ancelotti (AC Milan): labo jeer ayuu Milan u qaaday 2003 iyo 2007
11. Pep Guardiola (Barcelona): 2009 iyo 2011 ayuu Barcelona u qaaday kooba Yurub.
10. Jupp Heynckes (Real Madrid iyo Bayern Munich: 1998 iyo 2013 ayuu u kala qaaday Madrid iyo Bayern.
9. Johan Cruyff (Ajax iyo Barcelona): intii u dhaxeesay 1988 iyo 1996 wuxuu Barcelona u qaaday labo koob oo kala duwan oo tartamada Yurub (European Cup iyo Cup Winners’ Cup) sidoo kalena Ajax ayuu u qaaday isla Cup Winners’ Cup.
8. Udo Lattek (Bayern Munich, Monchengladbach iyo Barcelona): Bayern wuxuu u qaaday Champion-ka sanadii 1974, Monchengladbach UEFA Cup ayuu u qaaday 1979 halka Barcelona uu u qaaday Cup Winners’ Cup 1982!
7. Rafael Benitez (Valencia, Liverpool iyo Chelsea): 2004 Valenci ayuu UEFA u qaaday, Liverpool 2005 Champion iyo Chesea 2013 oo uu Europa League u qaaday!
6. Jose Villalonga (Real Madrid iyo Atletico Madrid): waa macalinkii ugu horeeyay ee koob Yurub qaado Real ayuu u horseeday guusha 1956 iyo 1957 sidoo kale Atletico Madrid ayuu u qaaday Cup Winners’ Cup sanadii 1962!
5. Jose Mourinho (FC Porto iyo Inter Milan): 2003 iyo 2004 wuxuu FC Porto u qaaday UEFA Cup iyo Champions League sidoo kalena 2010 Inter Milan ayuu Champions League u qaaday.
4. Nereo Rocco (AC Milan): wuxuu u qaaday 4-koob labo jeer Champion-ka sanadihii 1963 iyo 1969 sidoo kalena Milan wuxuuu u qaaday Cup Winners’ Cup sanadihii 1968 iyo 1973!
3. Sir Alex Ferguson (Aberdeen iyo Man United): wuxuu ku guuleestay 4-koob sanadii 1983 Cup Winners’ Cup wuxu u qaaday naadiga Aberdeen sidoo kalena Man United wuxuu u qaaday Cup Winners’ Cup 1991 iyo UEFA Champions League 1999 iyo 2008.
2. Bob Paisley (Liverpool): 4-koob oo Yurub ah ayuu ku guuleestay, 3-jeer ayuu Champion-ka Livepool u qaaday 1977, 1978, 1981 sido kalena UEFA Cup wuxuu qaaday 1976!
1. Giovanni Trapattoni (Juventus iyo Inter Milan): 7-koob oo tartamada Yurub ah ayuu qaaday, kooxda Juve wuxuu u qaaday 1-jeer Champion-ka sanadii 1985, 1-Cup Winners’ Cup 1984 iyo 2-UEFA Cup 1977 & 1993 sidoo kalena Inter Milan 1991 wuxuu u qaaday UEFA Cup!