Home » Horyaalada » La liga » Sheeko xiiso badan: C. Ronaldo oo ka labis qaalisnaaday Grathe Bale!

Sheeko xiiso badan: C. Ronaldo oo ka labis qaalisnaaday Grathe Bale!


labada xidig ee ugu miisaanka culus naadiga Real Madrid ayaa ugu dambeyntii fool ka fool u kulmeyn, kadib markii ay is gacan qaadeen sidoo kalena wax sheeko wadaageen Cristiano Ronaldo iyo Grathe Bale tababarka Madrd ay si wadajir ah ayay usoo xaadireen.

balse durbadiiba falanqeyn xoogan ayay saxaafada ku sameesay labadan xidig daqiiqadiihii ay istaaga ku wada sheekeesteen waxaana la isla soo qaaday labiska uu cayaaryahan walbo watay, inkastoo Bale uu haatan yahay laacibka aduunka ugu qaalisan hadana Cristiano Ronaldo ayaa ka qaalisnaaday dhar ahaan labadan xidig labiskii ay wateen markii ugu horeesay oo ay wada kulmeen

hadaba muuqaalkan hoos ka muuqdo ayaa kaga bagan kartaa cayaaryahan walbo labiskii iyo aalabihii uu watay markii ay wada kulmeen waxaana qiimeyn lagu sameeyay shey walbo lacagaha uu suuqa ka joogo.

The money men: Gareth Bale and Cristiano Ronaldo wearing all sorts of designer clothes

Ragga ugu qaalisan aduunka oo ugu dambeyntii kulan wada qaateen.

Frightening double act: Bale and Ronaldo met for the first time at Real training on Wednesday
Ka hor tababarka Madrid ayay Bale iyo Ronaldo si gacan qaadeen.

Deadly duo: Bale doing some stretching in front of Ronaldo
Ronaldo iyo Bale oo si wadajir ah tababarka u qaadanayaan.

Hadaba aan isla fiirin dharkii uu Bale ku labisnaa qiimo ahaan

1.  Jaakada iyo funaanada uu watay – £122

2.  Boorsada gacanta lagu qaato – £420

3.  Surwaalka  jeans-ka ah – £355

4.  Bacada alaabaha fudu lagu qaato (5 pound ayay dalka Wales ka joogtaa)

Wadarta guud = £902

Upper hand: Gareth Bale's £420 Louis Vuitton washbag blows Ronaldo's £265 Gucci out of the water
Boorsada uu Bale watay waxaa lagu qiimeeyaa  £420 halka mida  Ronaldo lagu qiimeeyay £265

Markana aan isla fiirino qiimaha labiska Ronaldo:

1.  OOkiyaalaha uu watay – £552

2.  Boorsada gacanta – £265

3.  Suunka u xiran Ronaldo – £450

4.  Saacada uu wato- £10,600

5.  Surwaalka jeans-ka – £325

Wadarta guud = £12,192

Shade: £552 is a lot to pay to keep the sun out of your eyes, but Chrome Heart Sunglasses make it worth it
Bal fiiri ookiyaalaha Ronaldo watay ayaa lagu qiimeeyay £552!
sida meesha ka muuqato labadan xidig iskuma dhawo qiimaha ay ku fadhiyaan labiska iyo alaabaha ay wateen waayo Ronanldo dhigiisa Bale wuxuu dheer yahay £11,290 sidaa darteed marka ay tibaado Style-ka iyo labiska iskuma dhawo xidigan dabcan waa suura gal marka xigo oo ay wada kulmaan in Bale uu kusoo labisto dhar ka qaalisan midka uu watay Ronaldo!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close