Home » Horyaalada » La liga » C.Ronaldo oo Jabiyey Rikoorkii Eusebio Mid Cusubna U Dhigay Xulkiisa Portugal

C.Ronaldo oo Jabiyey Rikoorkii Eusebio Mid Cusubna U Dhigay Xulkiisa Portugal


kaka

C.Ronaldo oo weerarka uga ciyaara xulka Portugal ayaa dhaliyay 3 gool oo ka mid guushii 4-2 kaga badiyeen xulka N.Ireland isreeb-reebka koobka adduunka.

Waa markii u horreysay oo uu C.Ronaldo xulkiisa Portugal u dhaliyo goolasha Hat-Trik loo yaqaano.

28 jirkaan ayaa dhaafay ciyaaryahankii hore ee xulka Portugal Eusebio oo ahaa ninka labaad ee taariikhda xulka Portugal ugu gool-dhalinta badan.

Ronaldo ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 43-aad ee xulka, isagoo laba gool ka sara maray Eusebio oo horey u dhaliyay 41 gool.

CR7 ayaa hadda hiigsanaya in uu gaaro Pedro Pauleta oo ah ninka xulka Portugal ugu goolasha badan, isagoo leh 47 gool, waxaana ka xigta kaliya 4 gool.

“Waa markii u horreysay oo aan qaranka seddex gool u dhaliyo hal ciyaar, waxey ii tahay Taariikh” ayuu Ronaldo u sheegay wariyeyaasha ciyaarta kadib.

“heerka Kooxdeyda dhowr mar ayaan sameeyay sidan oo kale balse heerka qaranka waa markii u horreysay, aad baan u faraxsanahay, waa wax gaar ah” ayuu sii raaciyay.

C.Ronaldo ayaa guusha ciyaartan u hibeeyay aabihiis oo 8 sano ka hor geeriyooday.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close