Home » Maxaa Cusub » Bye Bye Torres, Eto’o Iyo Dema Ba Madaama Chelsea Xaqiijisay Inay £79m Kusoo IIbsan Doonto Badalkooda!!

Bye Bye Torres, Eto’o Iyo Dema Ba Madaama Chelsea Xaqiijisay Inay £79m Kusoo IIbsan Doonto Badalkooda!!


Etoo-Torres-Ba

Maalmo macaan maba arag Fernando Torres, Demba Ba iyo Samuel Eto’o xili cayaareedkan 2013/14 madaama sedexdan weeraryahan ay sabab u noqdeen in macalin Jose Mourinho uu xili cayaareedkan wax koob ah u qaadi waayo Chelsea sidaa darteed tababaraha reer Portugal oo ah nin garan karo meesha kooxdiisa laga heesto ayaa ka tashtay sedexdan weeraryahan wuxuuna badalkoosa keeni doonaa sedex xidig oo ka tayo wanaagsan sidoo kalena aad ugu fiican dhanka dhalinta balse Blues qiimo badan kuma keei doonto xidigahaas madaama ay kusoo iibsan doonto £79m, xidiga ugu horeeyo ee la filaayo inay Chelsea lasoo saxiixato ayaa ah Diego Costa waxayna Blues weeraryahankan kusoo iibsan doontaa £32m sidoo kalena kooxdiisa Atletico Madrid diyaar ayay u tahay inay dalabkaan aqbasho.

Mario Mandzukic isagana fadhi uma yaalo madaama kooxdiisa Bayern Munich ay ku dul keentay Roberto Lewandowski sidaa darteed Blues ayaa xidigan la xariirtay waxayna u balan qaaday boos joogto ah sidoo klena Chelsea ayaa sheegtay inay bixin doonto £25m waana qiimaha ay Bayern weeraryahanka reer Croatia kaga samri karto xagaagan, macalin Jose Mourinho oo doonayo xidig garbaha ka weerar gali karo ayaa si gaar ah ula xariiray Ezquell Lavezzi oo damacsan inuu PSG isaga hayaamo sidaa darteed 29-jirkan waxay Chelsea ugu tala gashay saxiixiisa £22m, waxaa naga xasuusin ah in Torres, Ba iyo Eto’o ay Chelsea u cayaareen Premiership-ka xili cayaareedkan kulamo badan waxayna Blues u dhaliyeen 15-gool oo qura waxaaba sedexdan xidig ka gool badan Mandzukic oo Bayern u dhaliyay 18-gool iskaba dhaaf Diego Costa iyo Lavezzi goolashooda!!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close