Home » Maxaa Cusub » Busquets Iyo Alba Oo Shaki Weyn Laga Qabo Ka Qayb Qaadashadooda Koobka Aduunka!

Busquets Iyo Alba Oo Shaki Weyn Laga Qabo Ka Qayb Qaadashadooda Koobka Aduunka!


FBL-WC2014-CONFED-ESP-URU

Macalinka xulka Spain Vicente del Bosque oo aad u walaacsan aya saxaafada u sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dhaawacyada faraha badan oo ay qabaan xidigahiisa uu u xushay inay koobka aduunka Spain u matalaan macalinkan waaya araga ah ayaa haatan si gaar ah uga shakisay xaalada ay ku sugan yihiin labada xidig ee naadiga Barcelona ka wada tirsan Sergio Busquets iyo Jordi Alba oo dhaawacyo kala duwan qabaan wuxuuna Del Bosque wacad ku maray inuusan labadan xidig dalka Brazil u wadi dooniin hadii aysan tababar buuxdo sameynin sidoo kalena aysan cayaarin kulamada saaxiibtinimo ee Spain jadwalka ugu jiraan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin.

Wargeska AS ayaa sheegay in labadan xidig ay la daala dhacayaan dhaawacyo kala duwan waayo Busquets kulankii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa Barcelona cayaartay La Ligaha dhaawac halis ah ayaa soo gaaray halka Jordi Alba qaybtii dambe ee xili cayaareedkan uusan si wanaagsan u cayaarin sidoo kalena muruqa ayuu xidigan xanuun joogto ah ka sheeganayaa, macalin Del Bosque ayaa sheegay in labadan xidig uu ku darsaday liiska habeenka Jimcada ka hortagi doonaan xulka Bolivia cayaar saaxiibtinimo balse ma uusan xaqiijinin inay kulankan lagu soo bilaabi doono iyo in kale. Geeska kale xidiga naadiga naadiga Man City Jesus Navas isagana dhaawac ayuu qabaa madaama uusan cayaarin tan iyo 13-kii April xidigan ayaa qoobka ka dhaawacan waxaana la sadaalinaa inuusan xulkiisa Spain xagaagan koobka aduunka ula safri doonin inkastoo uu haatan liiska xulkan ku jiro.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close