Home » Maxaa Cusub » Buffon Oo Aan Safan Doonin Kulanka England Vs Italy Iyo Sterling Oo Lagu Soo Bilaabi Doono

Buffon Oo Aan Safan Doonin Kulanka England Vs Italy Iyo Sterling Oo Lagu Soo Bilaabi Doono


Buffon

Goolhayaha iyo kabtanka xulka Italy ayaa la xaqiijiyay inusan safan doonin kulanka caawo dhex mari doono England Vs Italy madaama 36-jirkan dhaawac dhanka qoobka ah uu la daala dhacaayo waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuusan kulankan adag safan doonin sidaa darteed booskiisa waxaa buuxin doono goolhaye Salvatore Sirigu oo PSG ka tirsan.

Raheem Sterling

Geeska kale tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa si rasmi ah u sheegay in Raheem Sterling uu kulanka caawo kusoo bilaabi doono madaama xidigan dhalinta yar uu dadaal farabadan sameeyay tababarkii ugu dambeeyay oo ay England sameeyeen sidoo kale Danny Welbeck oo isagana jug fudud qabay ayaa kulankan adag lagu soo bilaabay wuxuuna tababare Hodgson door biday qaab weerar ah hadaba ma u hirgali doonaa nimaadkiisa weerarka ku dhisan?

England's Merseyside men set to take on Italy in World Cup opener

Sidoo kale kulanka England Vs Italy oo bilaabashadiisa naga xigto saacado aan badneyn ayaa la helay xog ku aadan Line Up-ka England waxayna xulkan kusoo gali doonaan qaabka hoos ku qoran:

Joe Hart; Glen Johnson, Gary Cahill, Phil Jagielka, Leighton Baines; Steven Gerrard; Jordan Henderson; Dany Welbeck, Raheem Sterling, Wayne Rooney; Daniel Sturridge.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close