Manchester City ayaa Gabagabeynesya saxiix 3 Malyan ah oo ay kula saxiixaneyso daafaca kooxda Racing Bruno Zuculini kaas oo haatan ku sugan England si uu caafimaad ugu maro kooxda ka dhisan magaalada Manchester.
21-jirkaan heerka caalami ayaa kusoo biiraya kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini sidoo kalana Manchester City ayaa Marcos Lopez oo 18-jir ah u ogolaaneysa inuu amaah ugu biiro kooxda Lille ee horyaalka faransiiska.
Sidoo kale Manchester City ayaa kordhisay dadaalka ay ku dooneysay Eliaquim Mangala iyo sidoo kale xiisaha daafaca reer Morocco iyo kooxda Roma Mehdi Benatia.
Manchester City ayaa sidoo kale gaabis ka noqon doonta xiisaha Mehdi Benatia madama uu xidigaas doortay ku biiritaanka kooxda Blues.
Ugu dambeyntiina Alvaro Negredo ayaa diirada u saaran kooxda Atletico Madrid xili kooxdiisa Manchester City ay u ogolaaneyso inuu isaga tago Etihad Stadium kadib hal xili ciyaareed oo uu ku sugnaa kooxda.
Profile