Home » Horyaalada » La liga » Bruno Alves: Waxba Yaan La Wel Welin Ronaldo Wuu Cayaaraa Koobka Adduunka

Bruno Alves: Waxba Yaan La Wel Welin Ronaldo Wuu Cayaaraa Koobka Adduunka


422124_heroa

Xidigga Daafaca uga cayaaro Xulka Qaranka Portugal Bruno Alves ayaa sheegay in saaxiibkiisa Ronaldo uu taam yahay uuna cayaari doono koobka adduunka .

Xidigaan ayaa sheegay in Ronaldo uu Muhiim u yahay xulka Portugal isla markaasna uu ku jiro liiska ugu dambeeyo ee koobka adduunka dhaawiciisana uu yahay wax iska fudud.

” Xidigga Ugu Wanaagsan Aduunka wuxuu diyaar u yahay inuu cayaaryo koobka adduunka ee Brazil wuxuuna Xulkiisa Portugal ku caawin doonaa inay gaarta ujeedada ay ka leedahay koobka adduunka” 32 Jirkaan ayaa sidaan u sheegay Antena1.

Xidigaan Ka tirsan Fenerbahce ayaa sii raaciyey ” Markasta Waan ku kalsoonahay Kabtankeena Ronaldo”

29 Jirkaan (Ronaldo) ayaa dhaliyey 51 Gool 47 Kulan oo uu u saftay kooxda Real Madridm, isagoo ka caawiyey in Blancos ay ku guuleysato Champions League markeedii tobonaad iyo Copa Del Rey.

Si kastaba, Ronaldo wuxuu daris la ahaa Dhaawacyo tan iyo April waxaana khamiistii laga saaray tababarka xulkiisa Portugal markii uu ka cabaaday Jilibkiisa, laakiin xasuusnow in Sixirow Ghana u dhashay uu sheegay inuu isaga sixray isla markaasna uusan cayaari doonin koobka aduunka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close