Home » Maxaa Cusub » Brooklyn Beckham Oo Aan Raacin Wadadii Aabihiis Madama Uu Ku Biiray Kooxda Arsenal

Brooklyn Beckham Oo Aan Raacin Wadadii Aabihiis Madama Uu Ku Biiray Kooxda Arsenal


Brooklyn Beckham

Arsenal ayaa ku warantay iney kooxaha Manchester United iyo Chelsea kaga adkaatay saxiixa wiilka uu dhalay kabtankii hore xulka England David Beckham kaas oo lagu magacaabo Brooklyn Beckham, waana 15-jir raba inuu raaco wadadii aabahiis.

Sida ay shaacisay Daily Star, wiilka ugu weyn David Beckham ayaa maalmihii ugu dambeeyay tababar la qaadanayay kooxda Gunners, balse ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuu waqti gaaban heshiis ah la galo.

Sida la xaqiijiyay Arsenal ayaa dooneysa iney iska hubiso tayada wiilkaan da’da yar, ka hor inta aysan ka saxiixin heshiis waqti dheer ah oo uu kooxda kula joogo mudo badan.

Dhanka kale warbixin kasoo baxday Arsenal ayaa lagu sheegay in wiilkaan uu kooxda ka mid yahay isla markaana uu ka qeyb qaadan karo kulamada ay ciyaaraan da’yarta.

Beckham 'snubs Chelsea and United to sign one-year deal with Arsenal'

Wiilkaan wuxuu taageero u yahay xulka Argentina, iyadoo sawirkaan laga qabtay koobkii Aduunka finalkiisii markaas oo Argentina iyo Jarmalka ay isku yimaadeen walow xulkii uu taageerada u ahaa laga awood roonaaday.

Sidoo kale Arsenal waxey warbixinteeda ku shaacisay iney dadaal dheer kadib lasoo saxiixatay wiilkaan isla markaana ay kaga adkaatay saxiixiisa kooxaha Chelsea iyo Man United oo qudhooda doonayay.

Ugu dambeyntiina warbixinta waxaa ku jirtay in xidigaan xili ciyaaredka soo aadan hadii uu soo bandhigo qaab ciyaareed lagu qanco ay kooxda ka saxiixi doonto heshiis waqti dheer oo lacago badan ku kacaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>