Home » Maxaa Cusub » Brazil Oo Racfaan Ka Qaadaneysa Ganaaxa Thiago Silva

Brazil Oo Racfaan Ka Qaadaneysa Ganaaxa Thiago Silva


Silva ban

Brazil ayaa dooneysa iney afgambiso ganaaxa daafaca xulka Brazil Thiago Silva iyadoo racfaan u gudbineysa Fifa si loo ogolaado in kabtankooda uu qeyb ka noqdo kulanka quater finalka ee ay wajahayaan Germany.

Daafacaan PSG ayaa kaarka hurdiga ah loo taagay kadib markii uu qalad ka galay goolhayaha Colombia David Ospina intii ay socotay ciyaartii Quater Finalka ay ugu soo baxeen xulka Brazil.

Waa Jaalihiisii labaad ee tartanka taasna waxaa sida sharciga ah uu maqnaanayaa hal kulan oo ganaax ah xidigo badan ayaana maray ganaaxa ceynkaan oo kala ah.

Xiriirka Kubada cagta Dalka Brazil kuwaas oo martigalinta koobkaan haya sanadaan ayaa racfaan ka qaadanaya kaarkaan hurdiga ah ee labaad iyadoo fifa ka dalbaneysa in Silva uu wajaho Germany.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close