Neymar oo laba gool dhaliyay inkastoo mid rigoore uu ahaa iyo Oscar oo aaqirkii gool lama filaan ah dhaliyay ayaa Brazil sadexda dhibcood farta ka saartay iyagoo hogaanka u qabanaya groupka A.
Croatia ayaa la xanuunsatay go’aan garsoore oo la dhihi karo wuu yara qaldanaa inkastoo natiijadu ay dhinac u dhacday ciyaar ugu dambeyn kusoo idlaatay 3-1.
Wax la sugaba Koobka Aduunka ayaa daaha laga qaaday kaas oo sanadkaan ka dhacaya Latin America waxaana isku wajahay furitaanka wadamada Brazil iyo Croatia oo ay isugu dambeysay 2006 iney ku kulmaan tartankaan markaas oo Brazil ay 1-0 ku badisay.
Brazil ayaa markii ugu horeysay qatar gashay daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta markii xiigii hore Bayern Munich Olic uu u dhawaaday inuu goolka furitaanka ka dhaliyo Brazil kubada ayaana goolka meel u dhaw martay.
Dani Alves ayaa ka jawaabay weerarkii Croatia kaas oo u dhawaaday inuu goolka furitaanka dhaliyo markii uu darbo culus la beegsaday Goolka Croatia balse daafaca ayey ku dhacday koorno ayeyna heshay Brazil daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta.
Croatia ayaa heshay goolka furitaanka Koobka Aduunka markii uu gool iska dhaliyay daafaca Real Madrid Marcelo kubad uu kasoo shaqeeyay Olic oo uu kusii daray Jelavic ayaa ku dhacday Marcelo oo warmoog ah daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta.
Waa Goolkii ugu horeeyay oo kama gool ah oo ay iska dhaliyaan ciyaartoya reer Brazil Taariikhda Koobka Aduunka
Brazil oo kaashaneysa Jamaahiirteeda iyo ciideeda ayaa weerar lixaad leh ku qaadeysa goolka Croatia Oscar ayaa kubad qatar aheyd dhedhigay goolka Croatia balse Neymar iyo Fred ayaan ka faa’iideysan daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.
Paulinho ayaa helay fursad qaali ah daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta marii uu kubada la galay diilinta wuxuuna darbo culus la beegsaday goolka Croatia balse goolhayaha ayaa ka diiday.
Brazil ayaa isku dayeysa iney raadiso gool barbardhac ah waaana Neymar uu si quru badan ula soo galay goolka kubada inkastoo ay ka baxday hadana Croatia ayaa gashay halis, daafaca ayaa iska saaray, Oscar ayaa darbo aan caadi aheyn la beegsaday goolka Croatia balse goolhayaha ayaa ka diiday waeyna aheyd daqiiqadi waali ah oo soo martay xulka Croatia.
Niko Jelavic ayaa isku dayay inuu hogaanka u dheereeyo Croatia daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta markii uu madax la beegsaday goolka balse Julio Cesar ayaa beeniyay.
Weerar Rogaal Celis ah kadib Brazil ayaa heshay goolka barbardhaca markii uu Neymar u dhaliyay gool quru badan oo uu ku dhaliyay lugta bidix goolhayaha ayaa dadaalay balse birta ayey ugu dhacday daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta, natiijada ayaana noqotay 1-1.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-1 waxaana Sao Poalo ka dhacday ciyaar heer sareysa oo aad loogu riyaaqay, labada macalin ayaana sameeyay wadatashi labada dhinac ah waxaana la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta.
Brazil ayaa cadaadis saareysa goolka Croatia Oscar oo aan muuqaal fiican sameynin qeybtii hore ayaana sameynaya muuqaal wanaagsan isagoo ka dagaal galaya garabka midig.
Labada kooxood ayaa kubadooda kusoo koobay khadka dhexe umana xiiso badneyn sidii qeybta hore ee ciyaarta, Luka Modric ayaana si aad ah uga dhexmuuqday ciyaarta.
Croatia ayaa qalad gashay balse Brazil kama aysan faa’ideysan inkastoo kubad uu Neymar damcay inuu goosha la galo qalad lagu galay, Dani Alves ayaana ayaana u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Brazil markii uu goosha meel u dhaw mariyay laadkii xorta ahaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta.
Brazil ayaa lagu abaalmariyay rigoore ama gool ku laad markii Fred lagu riday xerada ganaaxa inkastoo muran badan la galiyay rigooradaas taasoo u ekeed inaan la taaban Fred.
Neymar ayaa u istaagay rigoorada kaas oo gool u badalay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta, goolhaya reer Croatia ayaa dadaalay balse uma noqon inuu badbaadiyo marii uu kubada taabtay.
Brazil ayaa isku dayeysa iney hogaanka dheereysato, David Luiz ayaa Neymar u diiday fursad uu sadexley ku dhalin lahaa markii uu kubad ka timid Oscar madaxeeyay taas oo goosha ka sara martay balse Neymar ayaa ku haboonaa inuu u dhaafo daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta.
Croatia ayaa dadaal badan sameysay iyadoo raadineysa goolka barbardhaca, kubad halis ah ayey heleen oo gool noqotay balse garsooraha ayaa dhigay qalad lagu galay Julio Cesar.
Mar kale Luka Modric ayaa darbo culus gooka la beegsaday daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta, Julio Cesar ayaase kubadaas halista aheyd badbaadiyay.
Brazil ayaa gashay daqiiqad koomo ah markii Julio Cesar uu badbaadiyay laba fursadood oo halis ahaa, balse weerar rogaal celis ah oo ay heleen Brazil Oscar ayaa si fudud ugu sadexeeyay Brazil kaas oo natiijada dhinac u riday daqiiqadii 90’aad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntii Brazil ayaa guul ku bilawday koobka Aduunka ka bilawday Brazil, Neymar JR oo laba gool ku tuurtay iyo Oscar oo helay gool soo daahay ayeyna Brazil guul weyn ku heshay.