Xulk Ruusha ayaa xaqiijistay booskooda Koobka Adduunka oo ay si toos ah ugu soo baxeen, halka Portugal sidii la filayay ay u soo baxday wareega ugu danbeeya ee isreebreebka ee Play-off ka dib kulamadii Group F ee isreebreebka Koobka Adduunka oo maanta la ciyaaray.
Russia ayaa barbaro 1-1 kala kulantay Azerbijan oo marti loo ahaa, iyadoo goolka uga mahadcelineysa Russia Roman Shirokov, waxaana Azerbijan ay ciyaarta ku dhameystay 10 ciyaaryahan ka dib casaan laga qaatay, iyadoo goolka barbaraha uu dhamaadkii ciyaarta u saxiixay Javadov.
Waxa ay natiijadaas ka dhigtay in Russia ay ku dhameysato kaalinta koowaad ee Group F iyagoo leh 22 dhibcood, waxaana ay si toos ah ugu soo baxeen Koobka Adduunka.
Portugal ayaa kaalinta labaad ee Group F ku dhameysatay inkastoo ay 3-0 kaga badiyeen xulka Luxembourg, waxaana ay leeyihiin 21 dhibcood.
Waxaana ay taasi la micno tahay in Portugal ay ciyaari doonto play-off, iyagoo goolasha uga mahadcelinaya Silvestre Varela, Nani iyo Postiga, xulka martida ahaa ayaana 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay inta badan ciyaarta.
Dhanka kale Group G xulka Bosnia ayaa markii ugu horeysay abid u soo baxay Koobka Adduunka ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Lithuania, waxaana ay booskaas ka galeen Greece oo ku dhibco ah islamarkaana badisay laakiin waxa ay uga kormareen farqiga goolasha.
Greece oo 2-0 kaga badisay Liechtenstein ayaa 25 dhibcood la wadaagtay Bosnia, laakiin xulka Bosnia ayaa farqiga goolasha aad u fiicnaa taasoo ka dhigtay in Bosnia ay si toos ah ugu soo baxdo Koobka Adduunka halka Greece ay ciyaari doonto Play-off.
Waxaa Aqrisay: (48)
Mogadishu - Somalia