Borrusia Dortmund ayaa shaaca ka qaaday hadal aan u wanaagsaneen dhagaha kooxaha Liverpool iyo Manchester United kadib markii ay ka hadleen mustaqbalka Marco Reus.
25-jirkaan heerka caalami ee xulka Jarmalka ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Man United, balse kooxda BVB ayaa hoos u dhigtay wararka xidigaan u fogeynaya Premier League-ga.
Dortmund ayaa cod dheer ugu sheegtay kooxaha doonaya xidigaan in Reus uusan ka dhaqaaqi doonin Signal Iduna Park.
Si kastaba gudoomiyaha kooxda Hans-Joachim Watzke ayaa si rasmi ah kaga hadlay xaalada xidigaan isagoo qiray inuusan ka dhaqaaqi doonin kooxda marnaba.
“Dhowr jeer ayaan ku cel-celinay in Marco Reus uusan xili ciyaareedkaan ka tagi doonin kooxda” Ayuu Watzke u sheegay Kicker.
“Marco Reus wuu nala joogi doonaa xiliga soo aadan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
“Ma jirto suurtagalnimo uu meel kale kaga ciyaaro, waxaan isku dayi doonaa inaan kooxda kusii heyno xili dheer, waxaan ku tala jirnaa inuu waji nabadeed nagu qaabilo isla markaana cusbooneysiiyo qandaraskiisa”
Ugu dambeyntii Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa afkooda qabsan doona iyagoo suuqa ka raadin doona xidigii ay badalkisa ugaarsan lahayeen.
Profile