Boqorka kubada cagta Edson Arantes do Nascimiento “Pele” waa 73-jir kuna dhashay magaalada Tres Coracoes ee dalka Brazil wuxuuna kubada ka cagta ka gaaray heerkii ugu soo hareeyay, maanta kama hadli doono guulaha Pele iyo saameynta uu ku leeyahay kubada cagta balse waxaan si gaar ah diirada u saari doonaa Pele iyo noloshiisa gaarka ah oo lagu tilmaamay mid aad u xiiso badan dabcan buug dheer laga qoray xitaa ay ku wanaagsaneyn laheed in aflaan laga sameeyo, hadaba Pele iyo noloshiisa gaarka ah oo soo martay marxalado kala duwan ayaan idiin heynaa laga bilaabo guurkiisii ugu horeeyay ilaa maanta noloshiisa qofka ku lamaaneesay fadlan hoos kaga bogo:
Pele asigoo 26-jir ah ayuu markii ugu horeesay guursaday haweyneedii la oran jiray Rosemeri de Reis Cholbi waxayna aqal galeen 1 Febraayo 1966, Rosemeri iyo Pele waxay aabo iyo hooyo u noqdeen 3-caruur ah, gabadhoodii cuurada ahay waxaa la dhahaa Kelly Cristina waxayna dhalatay 13 Janaayo 1967, labadan lamaane sanadii 1970 waxaa u dhashay wiilkooda lagu magacaabo Edson kaasi oo goolhaye ahaan jiray sidoo kalena gabadhooda Jennifer waxay dhalatay 1978 balse Pele iyo Rosemeri sanadii 1982 ayay si rasmi ah u kala tageen!
Waxaa jirto sheeko kale oo ah intii Pele uu qabay Rosemeria in gabadhii u shaqeyn jirtay Anizia Machado uu Pele xiriir hoose la yeeshay waxayna u dhashay gabar lagu magacaabo Sandra Macedo balse marnaba Pele ma uusan aqbalin inuu gabadhan aabo u yahay waxayna u geeriyootay cudurka cancer-ka sanadii 2006! Sidoo kale Pele wuxuu aabo u noqday gabar lagu magacaabo Flavia waxaana hooyo u ahayd haweyney joornaaliste ah oo lagu magacaabo Lenita Kurtz wuuna aqbalay Pele inuu Flavio aabo u yahay.
Pele wuxuu xiriir hirgalay oo dunida oo idil ku baahay la yeeshay gabadhii heesadaa ahayd sidoo kale TV-yada Brazil ka shaqeyn jirtay Xuxa dabcan xiriirkooda wuxuu jiray intii u dhaxeesay 1981 ilaa 86 balse xiriirkooda wuu iska dhamaaday sidoo kalena Xuxa iyadana masraxa waa laga waayay markii ay Pele kala hareen!
Pele uma istaagin bur burkii ku yimid noloshiisa wuxuuna sanadii 1989 jaceel cusub la bilaabay gabadha xiligaas ku guuleesatay Miss Brazil Flavia Cavalcanti sidii caadada ahayd iskuma waarin labadan lamaane wayna kala hareen mudo gaaban kadib!
Pele wuxuu si rasmi ah u guursaday gabadha heesada ahayd sidoo kalena cilmi nafsiga taqaan Assíria Lemos Seixas sanadii 1996 waxaana noloshoodii macaaneed kusoo kordhay labo caruur oo mataano ah Celeste iyo Joshua 28 September 1996, laakiinse Pele iyo Assimira sanadii 2008 ayay si rasmi ah u kala tageen waxaana halkaas ku dhamaday xiriirkoodii soo jiray mudo 12-sano ah!
Ugu dambeyntii Pele haatan wuxuu nolosha la qaadanayaa gabadha lagu magacaabo lagu magacaabo Marcia Aoki, waxayna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Japan inkastoo ay reer Brazil tahay waa gabar ganacsato ah sidoo kalena ku taqasustay dhanka suuq geynta, Pele iyo Aoki oo 50-jir ah sanadii 2011 ayay si rasmi ah shaaca uga qaadeen inay lamaane yihiin inkastoo sanadii 2008 ay isku barteen wiish dhexdiisa! haatana Pele oo 73-jir ah wuxuu la nool yahay Marcia Aoki oo 50-jir ah asal ahaana Japan kasoo jeedo.