Home » Africa » Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo

Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo


Bollywood Stars and World Cup

Qaar ka  mid ah jilaayaasha Bollwood-ka ugu caansan ayaa qarsan waayeen xiisaha ay u qaban tartanka koobka aduunka ee haatan dalka Brazil ka socdo, inkastoo qaarkood ay dalka Brazil ku sugan yihiin si ay tartankan u daawadaan hadana intooda badan waxay sheegeen inay magaalada Mumbai kala socon doonaan tartankan xiisaha badan, hadaba waxaan idiin heynaa jilaayaasha Facebook iyo Twitter-ka kusoo bandhigeen xulalka ay taageeri doonaan inta uu tartankan socdo:

SRK Football

Super Star SRK: wuxuu sheegay inuu dhamaan kulamada koobka aduunka daawan doono balse ma sheegin xulka uu taageersan yahay tolow yaad u maleyn doontaa?

Arshad-Warsi

Arshad Warsi: jilaagan wuxuu sheegay inuu taageersan yahay xulka Holland sidoo kalena uu macalin Luis Van Gaal si gaar ah u jecel yahay.

Bipasha

Bipasha Basu: atirishadan Bollywood-ka caanka ka ah ayaa sheegtay inay taageersan tahay xulka Argentina.

Tiger

Tiger Shroff: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff isagana wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Argentina koobka la jecel yahay sidoo kalena shaqsi ahaaan uu taageero Lionel Messi.

Aditya-Roy-Kapoor

Aditya Roy Kapur: Jilaagan dhalinta yar wuxuu taageersan yahay xulka Jarmalka.

Prachi-Desai

Prachi Desai: atirishadan waxay sheegtay inay koobka la rabto xulalka Argentina ama Brazil midkood.

Kabir

Kabir Bedi: ruug cadaagan wuxuu sheegay asal ahaan dalka uu kasoo jeedo inuu taageersan yahay waana reer Talyaani ayuu la jiraa.

Ram Kapoor: jilaagan wuxu taageersan yahay xulka Brazil.

John at world cup

John Abraham: isaga waa qabiir kubada cagta ka falanqeeyo wuxuuna haatan ku sugan yahay dalka Brazil weliba sawirka waxaad kaga dheehan kartaa asigoo la joogo xidigo caana ah sida Peter Crouch iyo Mikel Silvestre wuxuuna sheegay inuu koobka la doonayo xulalka Argentina iyo Brazil midkood.

Sidarth

Sidharth Malhotra: Jilaagan dhalinta yar waxaa la sheegay inuu dalka Brazil u duulay wuxuuna taageersan yahay xulka Brazil.

rohansippy

Rohan Sippy: film sameeyahan wuxuu sheegay inuu xulka England taageersan yahay balse nasiib daro xulkiisa waa hareen!!

Esha Gopta

Esha Gupta: Atirishadan waxay sheegtay inay xulka Brazil taageersan tahay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close