Kooxda reer Turkey ee Besiktas ayaa Blues kala xaajooneysa iibka weeraryahanka reer Senegal Demba Ba kaas oo la filayo inuu ka hayaamo kooxda Stmaford Bridge ku ciyaarta.
Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa xaqiijiyay ku biiritaankiisa Blues 32 Malyan ayeyna ku qaadatay waxaana la dhameyn doonaa isbuucaan iyadoo lasoo bandhigi doono, arintaasna waxey fududeyn doontaa in Blues ay iska iibiso Demba Ba.
Sida aan kasoo xiganay Daily Star oo xiganeysa ilo wareedyo ay ka heleyso dalka turkiga madaxweynaha kooxda Besiktas Fikret Orman ayaa la wadahadal la yeeshay isku dubaridaha kooxda Blues Ron Gourlay isagoo rajeynaya iney Chelsea kala waeegaan Demba Ba.
Besiktas qudheeda ayaa bishii lasoo dhaafay shaacisay in Demba Ba uu yahay xidiga ugu horeeya ee ay suuqa kala iibsiga kala soo saxiixan doonaan.
Demba Ba qudhiisa ayaa rajeynaya inuu ka tago Blues kadib sanad xanuun badan oo uu ku qaatay.
Bishii January Demba Ba ayaa heshiis la gaaray Trabzonspor oo turkiga ka dhisan balse dhaawac soo gaaray Torres, tababare Jose Mourinho ayaa kansalay heshiiskaas.