Home » Horyaalada » La liga » Benzema Iyo Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U Bilaabeen Wada Hadaladii Qandaraaska Loogu Kordhin Lahaa

Benzema Iyo Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U Bilaabeen Wada Hadaladii Qandaraaska Loogu Kordhin Lahaa


Benzema

Inkastoo Karem Benzema uu niyad jab xoogan ka qaaday in xulkiisa France ay koobka aduunka isaga haraan hadana xidigan ayaa wada xaajood rasmi ah la furay maamulka Real Madrid si uu qandaraas cusub kooxdiisa ugu saxiixo, Benzema heshiiska uu haatan Madrid ku joogo wuxuu ku egyahay sanada 2015 sidaa darteed tababare Carlo Ancelotti ayaa dalbaday in laacibkan tayada wanaagsan heshiis cusub laga saxiixo madaama Benzema uu kaalin muuqato ku lahaa in Real Madrid ay La Decima ku guuleesato bishii May ee aan kasoo gudubnay sidaa darteed maamulka Madrid ayaa weeraryahankan ku abaal marin doonaan heshiis waqtigiisa dheer yahay iyo mushaar aad u sareeyo wuxuuna noqon doonaa laacibka sedexaad ee Real ugu mushaarka badan.

Benzema ayaa lagu wadaa inuu fasax dheer galo marka uu qandaraas cusub qalinka ku duugo waayo weeraryahankan ayaa nasiino u baahan madaama uu 12-bilood oo xariir ah kubada cagta ku dhex jiray waxayna kooxdiisa Real Madrid u sheegtay inuu fasaxan yahay si uu usoo nasto wuxuuna dib ugu soo laaban doonaa xarunta tababarka Madrid 1-bisha August ee nagu soo fool leh sidaa darteed Benzema kooxdiisa uma raaci doono safarka ay dalka Mareekanka ku aadi doonto madaama Real ay koob xiiso badan Qaarada Waqooyiga Ameerika kula soo cayaari doonto qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan dabyaaqada bishan July ilaa horaanta bisha August.


Close