Home » Maxaa Cusub » Belgiumka Oo Wacdaro Dhigay, Januzaj Oo Muuqaal Ku Yeeshay & Lukaku Oo Sadexley Dhaliyay

Belgiumka Oo Wacdaro Dhigay, Januzaj Oo Muuqaal Ku Yeeshay & Lukaku Oo Sadexley Dhaliyay


Belgium

Xulka Belgiumka ayaa wacdaro dhigay ka hor koobka Aduunka kadib markii ay 5-1 ku qaarijiyeen xulka Luxembourg kulan saaxibtinimo oo xalay dhacay.

Da’yarka Manchester United Adnan Januzaj ayaa muuqaalkiisii ugu horeeyay kasoo muuqday Xulka Belgiumka kadib markii uu badal kusoo galay qeybta labaad ee ciyaarta.

Weeraryahanka Chelsea Romelu Lukaku ayaa wacdaro dhigay kadib markii uu sadexley dhaliyay waxaana uu muujiyay inuu xulka Belgiumka u matali karo weerarka marka la gaaro koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil.

Salute: Lukaku scored his first ever hat-trick for Belgium in the win over Luxembourg

Lukaku ayaa daah furay goolasha Belgiumka daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta ka Luxembourg ay heleen gool barbardhac ah daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta waxeyna ka heleen Joachim.

Lukaku ayaa israacsaday laba gool oo kala yimid qeybihii hore iyo dambe kuwaas oo ka dhigay in Belgiumka ay 3-1 hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Red Devil: United man Adnan Januzaj opted to play for Belgium last month

Adnan Januzaj oo kasoo muuqday Xulka Belgiumka

Garabka midig ee Tottenham Hotspur Chadli ayaana goolka afaraad u dhaliyay halka da’yarka ay chelsea daryeeli weysay De Bruyne uu isna waqtigii dhimashada dhaliyay rigoore lagu abaalmarkyay.

Eden Hazard ayaa la badalay qeybta labaad ee ciyaarta iyadoo laga cabsi qabo in xidiga Blues uu dhaawac soo gaaro madama uu yashay hogaamiyaha xulka.

Fellaini, Kompany, Vermalean, Vertonghen ayaana dhamaan kasoo wada muuqday ayagana.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close