Home » Maxaa Cusub » Belgiumka Oo Mar Kale Dirqi Ku Badiyay Iskana Xaadiriyay Wareega 16-ka Koobka Aduunka

Belgiumka Oo Mar Kale Dirqi Ku Badiyay Iskana Xaadiriyay Wareega 16-ka Koobka Aduunka


Belgium

Belgiumka ayaa xaqiijiyay booskooda 16-ka kadib markii ay guul cariiri ah ka gaareen xulka Russia wiilka badalka kusoo galay ee Origi ayaana sabab u noqday in wiilasha Wilmots ay xaqiijiyaan booskooda wareega xiga.

Ciyaar aysan ku qancin daawadayaashii kasoo qeyb galay ayeyna 1-0 guushu ku raacday Belgiumka.

Xulka Jamhuuriyadda Russia ayaa halis galiyay dhigooda Belgiumka daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta markii  Fayzulin uu darbo la beegsaday goolka balse goolhaye Courtois ayaa ka beeniyay.

Belgiumka ayaa jawaab bixiyay iyadoo De Bruyne uu lasoo jeexay xulka Russia kubad qurux badaneyd inkastoo uu Mertens siiyay balse xidiga Napolean-ka ayaa kubada gudaha soo dhigay isagoo goolka u furnaa Daafaca ayaana iska saaray daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.

Mar kale Mertens ayaa helay kubad goolka u furneed oo uu laba xidig oo Russia ah ka xariiftamay balse xidiga gaaban ee Napoli ayaa darbadii uu la beegaday goolka ay banaanka ka martay daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta.

Garsooraha reer Jarmal ee Felix Brych ayaa rigoore u muuqatay mid sax ah ka inkiray xulka Russia kadib markii Toby Alderweireld uu qalad xerada dhexdeeda uga galay Maxim Kanunnikov.

Russia ayaa sameyneysa orod xawaare ah iyadoo Maxim Kanunnikov uu kubad geesta kala soo galay isagoo soconaya, balse darbo xatooyo ah ayuu goolka Belgiumka ku tuuray, golhaye Courtois ayaana ka badbaadiyay daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta.

Mertens ayaa kasoo xariiftamay daafac ka tirsan Xulka Russia isagoo ku sugan xerada ganaaxa, balse kubad qatar aheyd oo uu soo dhexdhigay meel halis ah goolhaye Igor Akinfeev ayaa iska saaray daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta.

Russia ayaa heshay fursadii ugu qaalisaneed qeybta hore ee la helo ciyaarta, markii Alexander Kokorin uu helay fursad uu hogaanka ugu dhiibi karay Russia balse uma noqon oo madaxii uu tuuray goolka ayuu dhinac ka mariyay daqiiqadii 44-ad ee ciyaarta.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0, labada xul ayaana soo nastay 15-daqiiqo kadibna qeybtii labaad ayaa dib la isugu soo laabtay.

Belgiumka iyo Russi ayaa ciyaar meel dhexe ah camirtay qeybtii labaad iyadoo labada kooxood aysan sameyn kubad qatar galin karta goolka kale.

Kubada ayaana ku dhamaaneysa marka la tago labada gool iyadoon wax natiijo ah laga sameynin, balse daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta Eshchenko ayaa sameeyay fursadii ugu qatarsaneed markii uu goolka agmariyay kubad qatar aheyd.

Belgiumka ayaa markiisa qaatay Kevin Mirallas oo badla kusoo galay ayaana hogaanka inuu u dhiibo damcay inkastoo laad xor ah oo loo dhigay meel aan goosha ka fogeen ay birta ka beenisay daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta.

Belgium ayaa cadaadis buuxa saartay goolka Russia, Eden Hazard ayaana si fiican usoo dhexmaray qaar ka mid ah ciyaartoyda Russia isku daygii uu sameeyay daafaca Russia ayaa isku dhigay daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta.

Eden Hazard ayaa qabtay shaqadi ugu fiicneed ciyaarta isagoo kubad qatar aheyd kala soo galay dhanka bidix, Origi oo ciyaarta badal kusoo galay ayuuna kubad qurux badan u dhigay kaas oo hogaanka u dhiibay Belgiumka daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.

Kevin Mirallas ayaa qasaariyay fursad uu hogaanka ugu dheereyn karay Belgiumka markii Hazard uu kubad qatar aheyd ku caawiyay balse xidiga Everton ayaa goolhayaha ku garaacay daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeyntii Belgium ayey guusha ku raacday 1-0 waana guushoodii labaad oo xiriir ah oo ay gaaraan iyagoo kulankii hore 2-1 kaga adkaaday Algeria.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close