Maaliyada cusub ee kooxda Bayern Munich ay ku ciyaareyso Champions League ayaa u muuqata mida ugu fiican xili ciyaareedkaan qaarada yurub inkastoo kooxda Inter Milan qudheeda ay soo saartay maaliyadeeda minanka oo aad u qurux badan.
Kooxda heysata horyaalnimada Jarmalka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay maaliyadeeda cusub ee tartanka horyaalada yurub ka hor xili ciyaareedka, xili jamaahiirta kooxda ay ku amaaneen naqshadaan iyagoo afkaartooda kasoo dhiibtay bogga xiriirka bulshada ee Twitter-ka.
Maaliyadaan madowga ah, waxaa naqshadeeyay shirkadda sameysa qalabka sports-ka ee Addidas, waxaana dhexda si joog ah looga yeelay xariiqin guduudan oo ka turjumeysa midabka kooxda Munich.
Maaliyadaan kooxda Bayern si toos ah ayaa maanta suuqa loo geeyay iyadoo la filayo in qarash badan kasoo galo kooxda.
Way qurux badan yihin