Maxaa diidayo in Bayern Munich markeeda iyada ay Man United nasiino u diido waayo kooxda reer England bilooyinkii ugu dambeeyay tashuus xoogan ayay ku abuurtay xarunta tababarka Bayern madaama ay United sheegtay inay dooneyso Toni Kroos iyo Thomas Muller haatan Bayern ayaa markeeda shaaca ka qaaday inay dooneyso labo ka mid ah xidigaha ugu caansan garoonka Old Trafford waxayna xidigahaas kala yihiin Robin van Persie iyo Adnan Januzaj ma sahlano in United labadan laacib laga xado hadana RVP shaqsi ahaan ma faraxsano wuxuuna ku fikiraa inuu Old Trafford isaga hayaamo sidaa darteed weeraryahanka reer Holland ma diidi doono hadii uu dalab rasmi ah ka helo kooxda reer Jarmal sidoo kale Adnan isaga hormar aan caadi ahayn ayuu sameeyay 12-bilood ee ugu dambeesay sidaa darteed Bayern maamulkeeda waxay diyaar u yihiin inay dhigooda United lacago badan wiilkan mustaqbalka wanaagsan kaga soo iibsadaan.
Dhanka Bayern Munich waxay ka cabsi qabtaa inay xagaagan lumiso xidigaha kala ah Mario Mandzukic iyo Mario Goetze, madaama labadan xidig ay gadoodsan yihiin sidoo kalena ay doonayaan inay garoonka Allianza Arena isaga baxsadaan xagaagan sidaa darteed Bayern hadii ay xal u weyso arinka Goetze iyo Mandzukic waxay badalkooda soo iibsan doontaa RVP iyo Adnan sidaa darteed xagaagan waxaa macquul ah in Man United iyo Bayern Munich ay xidigo is dhaafsadaan balse wax walbo waxaa la kala ogaan doonaa markii labadan naadi ay wada fariistaan bisha June ee nagu soo fool leh.