Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia

Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia


Mehdi-Benatia

Mehdi Benatia oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday loo aqoonsaday daafaca ugu wanaagsan Serie A-da una suura galiyay inay Roma kaalinta labaad ka gasho horyaalkan ayaa haatan kusii jeedo Bundesligaha Jarmalka kadib markii dalab wanaagsan uu ka helay kooxda Bayern Munich, daafacan tayada wanaagsan bilihii ugu dambeeyay waxaa saxiixiisa isku heesteen kooxaha Chelsea, Man United, Man City iyo Barcelona balse kooxdiisa Roma ayaa ka madax adeegeesay inay iska fasaxdo xidigan kasoo jeedo Waqooyiga Afrika balse haatan Roma dalabka Bayern ma diidi karto madaama ay xidigan ku dooneyso £26.3m.

Macalin Pep Guardiola ayaa taageero weyn u ah Mehdi Benatia wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe 2014/15 lasoo shirtago madaama uu ka dharagsan yahay in kooxdiisa Bayern ay dhanka daafaca ka liidato sidoo kalena ay guuldaro 5-0 isku darkii goolasha kala kulmeen naadiga Real Madrid semifinaalihii koobka horyaalada Yurub sidaa darteed Pep ayaa maamulka Bayern ka codsaday in Mehdi loo keeno si dhibaatada kooxdiisa ka heesato dhanka daafaco loo xaliyo balse Bayern waxay loolan culus kala kulmi doontaa naadiga Chelsea oo iyadana dooneyso in daafacan xulka Morocco ka tirsan uu booska David Luiz u buuxiyo waxayna Chelsea heesataa lacago badan oo ay iibska Luiz ka heshay sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in qiimaha Mehdi uu sare usii kici doono lagana yaabo ilaa £35m inuu gaaro!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close