Naadiga Bayern Munich ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay la xariirtay goolhaya reer Poland Artur Boruc kaasi oo ka tirsan kooxda Southampton wuxuuna xidigan kooxdiisa ka dalbaday inaysan fursadan qaaliga ah ka hor istaagin.
Goolhaye Boruc ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato garonka Allianza Arena sidoo kalena ka hoos cayaaro macalin Pep Guardiola wuxuuna goolhaye labaad u noqon doona Manuel Neuer.
Dhawaan Bayern Munich waxaa lala xariirinaayay goolhayeyaasha kalaah Pep Riene iyo Victor Valdes balse labadan goolhaye mushaar badan ayay dalbadeen sidaa darteed Bayern ayaa haatan qiimo jaban ku qaadan doonto Artur Boruc oo diyaar u ah inuu isaga baxsado kooxda Southampton waxaana kaga harsan qandaraaska uu kooxdiisa kula joogo 12-bilood oo qura sidaa darteed 34-jirkan wuxuu ku rajo weyn yahay inuu Bayern ku biiri doono maal maha nagu soo fool leh.
Tababaraha kooxda Southampton Ronald Koeman ayaa qirtay in kooxdiisa aysan celin karin goolhaye Boruc sidaa darteed wuxuu ku biiri doonaa laacibiinta faraha badan ee xagaagan naadiga Southampton isaga hayaameen.
Profile