Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayern Munich oo dib ugu soo laabatay hogaanka Bundesligaha kadib markii 4-0 ku xaaqday Schalke

Bayern Munich oo dib ugu soo laabatay hogaanka Bundesligaha kadib markii 4-0 ku xaaqday Schalke


FCBayern

Naadiga Bayern Munich ayaa awood dheeraad ah ku maquunisay naadiga Schalke kadib markii ay ku gaarcday 4-0 inkastoo garoonka Schalke lagu cayaarayay hadana xidigaha macalin Pep Guardiola ayaa awood dheeraad ah kulankan adag muujiyeen waxaana goolasha u daah Bastian Schweinesteiger oo kasoo kabtay dhaawacii uu qabay sidoo kalena waxaa sii daba dhigay Mario Mandzkukic waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0.

Bastian

kadib markii la isku soo laabtay Bayern ayaa la wareegtay maamulka kulankan waxayna qaybtii dambe heshay labo gool oo dheeraad ah waxayna ka heshay xidigaha kala ah Franck Ribery iyo Clauido Pizarro macalin Guardiola ayaa aad ugu farxay xidigahiisa dadaalka ay muujiyeen waxayna Bayern ka fa’iideesatay sibxashada naadiga Dortmund oo iyadana 1-1 la dhaafi weesay naadiga Nurenburg. haatan Bayern iyo Dortmund waxay wada leeyihiin min 16-dhibcood.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close